Gabadh Dishey Ninkeedii iyo Sxbkeed oo ka sheekaysay Dilka Labadaasi Nin oo Qarsoodi ahaa

0
Sunday November 16, 2014 - 18:29:50 in by Super Admin
  • Visits: 2176
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gabadh Dishey Ninkeedii iyo Sxbkeed oo ka sheekaysay Dilka Labadaasi Nin oo Qarsoodi ahaa

    Estibaliz Carranza oo da'deedu tahay 36 jir una Dhalatay Waddanka Mexico ayaa lagu xukumay xabsi daa'in iyada oo la geeyey meel dadka maskaxda ka xanuusanaya lagu hayo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Estibaliz Carranza oo da'deedu tahay 36 jir una Dhalatay Waddanka Mexico ayaa lagu xukumay xabsi daa'in iyada oo la geeyey meel dadka maskaxda ka xanuusanaya lagu hayo

 oo ku taala Austria ka dib markii ay dishey seygeedii oo la odhan jiray Holger Holz iyo nin kale oo ay isjeclaayeen oo isna la odhan jiray Manfred Hinterberger.

"Anigu ma weydiisanayo in la I fahmo ama cafis la ii fidiyo” ayey Carranza ku qortay buug xusuus qor ah oo ay la qortay gabadh wariye ah oo la yidhaahdo Martina Prewein.

Kiisaskan dilka ah ayaa cabsi weyn ka dhaliyey dalka Austria, gabadhan ayaa la sheegay in ay dishay seygeedii xili uu hor fadhiyey kombiyuutar waxaana la sheegay in ay madaxa ka toogatay halka sidoo kale ay markii danbe ay toogatay nin ay saaxiibo ahaayeen oo la odhan jiray Manfred xili uu hurday.

Maxakamadeynta gabadhan ayaa si weyn u soo jiidatay warbaahinta kala duwan.

_78993050_carranza


Waxaa la sheegay in ay meydadka labada nin ay isku jebisay iyada oo ku sibdhisay caag yar waxaana ay dhex dhigtay qolka ay ku sameysato jalaatada ama Ice Cream-ka.

_78992228_carranza_verhaftung_1

"Waxaan dilay labada nin, kuwaas oo aan wakhti jeclaa” ayey qortay Carranza.

Weli ma jiro wax war ah oo ka soo baxay qoysaska ragan ay gabadhu dishay.

Shirkada sameyneysa dabaacaada buugan xusuus qorka ah ee Carranza laga qoray ayaa sii deysay hordhaca buugan oo ku bilaabmaya xiligii Carranza ay ogaatay in ay uur u lahayd ninkii sadexaad sanadkii 2011kii. 




Contact@afkashacabka.com