Wabaahinta Ingariiska Oo Weerar Culus Ku Qaaday Mesut Ozil Ka Dib Kulankii Xalay Ee Munich.

0
Wednesday March 12, 2014 - 15:36:56 in by Super Admin
  • Visits: 1243
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wabaahinta Ingariiska Oo Weerar Culus Ku Qaaday Mesut Ozil Ka Dib Kulankii Xalay Ee Munich.

    Jariirada Daily Mirror ayaa qortay in dhaawaca soo gaaray xiddigaan ay u fududeysay Wenger inuu sameeyo bedel loo baahnaa madaama uu Ozil soo bandhigay qaba ciyaareed lagu niyadjabay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jariirada Daily Mirror ayaa qortay in dhaawaca soo gaaray xiddigaan ay u fududeysay Wenger inuu sameeyo bedel loo baahnaa madaama uu Ozil soo bandhigay qaba ciyaareed lagu niyadjabay

Wargeysyada Ingariiska ka soo baxay maanta ayaa dhamaantood isaga mid ka ahaa weerarka aan loo meel dayin ee ay ku qaadeen xiddiga khadka dhexe ee Arsenal iyo xulka Jarmalka Mesut Ozil, kaasoo ay ku tilmaameen inuu soo bandhigay mar kale qaab ciyaareed aad u hooseeya ka hor inta uusan dhaawacmin.

Jariirada Daily Mirror ayaa qortay in dhaawaca soo gaaray xiddigaan ay u fududeysay Wenger inuu sameeyo bedel loo baahnaa madaama uu Ozil soo bandhigay qaba ciyaareed lagu niyadjabay.

"Baasaskiisa waxa ay ahaayeen kuwa qasaaro ah, kubad koontaroolkiisa waxaa ka muuqday qalqal, inta badana waxa uu ahaa mid aan saameyn yeelanin, Ozil ayaa waxaa soo martay habeen kale oo xun oo ku qaatay Champions League oo ah koob la filayay inuu noqdo masraxiisa.” ayuu Jon Cross ku qoray Daily Mirror.

Wargeyska Daily Telegraph ayaa iyadana tusaale u soo qaatay wajigabixii ay Arsenal xalayto la kulantay markii lagu qasbay in keydkooda uu noqdo lix ciyaaryahan madaama Miyaichi oo u safray Germany uu ka reebanaa inuu ciyaaro Champions League taasoo ka timid qalad dhanka maamulka ah.

 

"Arsenal waxa ay Jarmalka tagtay iyadoo isku dayaysa inay ciyaarsiiso ciyaaryahan aan ciyaari karin Champions League. Ka dib nusa saac ay ciyaarta socotay waxaan ogaanay in ciyaaryahankaas uu yahay Ozil, kaasoo isaga shaqsi ahaan iska dhigay mid ka reeban inuu ciyaaro Champions League ka dib qaab ciyaareed liita uu soo bandhigay. Tareenka Ozil ayaa ahaa mid kor u socday weliba si xawaare leh laakiin si dhaqso ah ayuu hadana hoos ugu soo daadegay.” ayuu Jim White ku qoray Daily Telegraph.

Daily Mail ayaa iyagana ka mid ahaa wargeysyo badan oo weeraray Ozil, waxaana Niel Ashton uu ku qoray wargeyska:

"Iyadoo laga soo bixiyay 42.5 milyan ginni Mesut Ozil waa xiddigii ugu qaalisanaa ee laga soo masaafuriyo kubada Jarmalka. Ka dib qaab ciyaareedkiisii Munich xitaa uma qalmo in labo senti laga bixiyo.”






Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com