Mourinho Oo Si Adag U Beeniyay Inuu Petr Cech Chelsea Ka Codsaday Inuu Kooxda Ka Tago Bisha January

0
Saturday November 22, 2014 - 10:34:59 in by salman abdi
  • Visits: 1654
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mourinho Oo Si Adag U Beeniyay Inuu Petr Cech Chelsea Ka Codsaday Inuu Kooxda Ka Tago Bisha January

    Tababaraha kooxda Chelsea ee Jose Mourinho ayaa si adag uga hadlay inuu goolhaye Petr Cech kooxdiisa ka dalbaday inuu ka tago bisha January. wararka qaar ayaa sheegayay in kooxda Arsenal loo sheegay inay ku iibsan karto Cech lacag dhan 7 milyan oo gi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababaraha kooxda Chelsea ee Jose Mourinho ayaa si adag uga hadlay inuu goolhaye Petr Cech kooxdiisa ka dalbaday inuu ka tago bisha January. wararka qaar ayaa sheegayay in kooxda Arsenal loo sheegay inay ku iibsan karto Cech lacag dhan 7 milyan oo gini isla markaana ay tartan kala kulmayso kooxaha Liverpool iyo Real Madrid.


Cech


32 jirkan ayuu xili ciyaareedkan booska goolhayaha kowaad ee Chelsea kala baxay Thibaut Courtois wuxuuna goolka Chelsea xili ciyaareedkan ku bilawday lix kulan oo kaliya oo tartamada oo dhan ah, wuxuuna bishii hore muujiyay inuu doonayo inuu kooxda ka tago.Courtois ayaa isaguna arinta dabka ku sii shiday kadib markii uu dhawaan sheegay inuu Cech kooxda isgaga tago isla markaana sababtu ku sheegay inuu isaguba kooxda ka tagi lahaa haddii uu booska waayo.

Kooxaha Arsenal, Liverpool, Real Madrid iyo AC Milan ayaa dhamaantood la socda xaalada Cech.mar wax laga waydiiyay xaalad goolhaye Cech ayuu Mourinho ku jawaabay: "Websitekee qoray? Blog-gee qoray warka Cech inuu dalbaday inuu kooxda ka tago?

Intaa kadib ayuu Mourinho si faah faahsan uga hadlay xaalada Cech wuxuuna yidhi: "Waxaan ku balan qaadayaa in waxan aan idiin sheegayaa ay xaqiiqo tahay, aniga caadiyan warka xafiiskayga soo gaadhayaa kuma jiro wax qorshe ah oo uu Cech ku dalbanayo inuu doonayo sidii uu kooxda uga tagi lahaa”.

"waqti xaadirkan maalinkasta, daqiiqad kasta ama second kastaba war ayaa imanaya, waxaanad wararka ku arkaasaa qaar ka mid ah websteyada, anigu ma ogi meesha ay warkan ka keenaan”.

"Hadda Cech waa goolhayahayaga, wuxuuna kooxda kula jiraa heshiis ay laba sano ka hadhay, waana xirfadle fiican. Aniga mar qudha inta uu Cech albaabka igu soo garaacay igumuu odhan waxaan doonayaa inaan aqbalo dalab ii yimid, taasina waa xaqiiqda jirta wax kale oo la sheegaana ma jiro”.

contact@afkashacabka.com