Saadaasha Mark Lawrenson Ee Kulamada Horyaalka Premier League Ee Todobaadkan.

0
Saturday November 22, 2014 - 10:38:40 in by salman abdi
  • Visits: 1072
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saadaasha Mark Lawrenson Ee Kulamada Horyaalka Premier League Ee Todobaadkan.

    Qabiirka ciyaaraha ee BBC Mark Lawrenson ayaa soo bandhigay saadaashiisa kulamada Todobaadkan ee horyaalka Premier League.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qabiirka ciyaaraha ee BBC Mark Lawrenson ayaa soo bandhigay saadaashiisa kulamada Todobaadkan ee horyaalka Premier League.



lawro


Mark Lawrenson oo 80maadkii u soo ciyaaray Liverpool iyo kooxaha Ireland ayaa haatan qabiir isboorti ka ah BBC waxaana uu sidoo kale tabiyaa ciyaaraha Premier League.

Waxa uu isbuucaan saadaal ka bixiyay 10ka kulan ee horyaalka Premier League ee la ciyaarayo sabtida, axada iyo isniinta.

Mark Lawrenson ayaa saadaaliyay in kulanka Chelsea ay galabta ku soo dhaweyneyso garoonkeeda kooxda West Brom inay ku badin doonto 3-0, waxa uu sidoo kale saadaal ku bixiyay in kooxda Man City ay si wacan uga soo kabsan doonto dib u dhicii dhawaanahan soo wajahay oo ay 4-0 ku dardari doonto kooxda Swansea oo marti ku ah Etihad Stadium.

Kulanka ugu weyn isbuucaan ee horyaalka Premier League ee Arsenal iyo Man United oo caawa ku dhexmaraya garoonka Emirates Stadium waxa uu Lawro saadaaliyay in Arsenal ay 2-0 ku badin doonto.

Kulanka axada ee dhexmari doona kooxaha Crystal Place iyo kooxdiisii hore ee Liverpool waxa uu saadaaliyay inay barbaro 1-1 ku dhamaan doonaan. Halka uu saadaaliyay in Tottenham ay guuldarro 2-1 ka soo gaari doonto Hull City.

Hadaba tartan la gal Mark Lawrenson oo adigaba saadaal ka bixi 10ka kulan ee Premier League islamarkaana isbuuca ka dib isku eeg inta kulan ee aad saxday iyo inta uu saxay qabiirka isboorti ee BBC. Sadaashaada hoos ku soo qor.

SAADAASHA MARK LAWRO:

SABTI:

Chelsea v West Brom 3-0

Everton v West Ham 2-0

 

Leicester v Sunderland 1-2

Man City v Swansea 4-0

Newcastle v QPR 2-1

Stoke v Barnley 2-0

Arsenal v Man United 2-0

AXAD

Crystal Palace v Liverpool 1-1

Hull v Tottenham 2-1

ISNIIN

Aston Villa v Southampton 1-0


contact@afkashacabka,com