"Manchester United Wey Taqaan Sida Loo Garaaco Arsenal"Wayne Rooney

0
Sunday November 23, 2014 - 11:09:53 in by Burco Office
  • Visits: 1035
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Manchester United Wey Taqaan Sida Loo Garaaco Arsenal"Wayne Rooney

    Kabtanka Kooxda Manchester United Wayne Rooney ayaa ka dhawajiyay hadal xanuujiyay Gunners, kadib markii uu qiray in kooxdisa ayba taqaanao sida loo garaaco Arsenal, xili weeraro gaadmo ah oo ay qaadeen ay ka saacideen iney 2-1 ku garaacaan Arsenal k

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kabtanka Kooxda Manchester United Wayne Rooney ayaa ka dhawajiyay hadal xanuujiyay Gunners, kadib markii uu qiray in kooxdisa ayba taqaanao sida loo garaaco Arsenal, xili weeraro gaadmo ah oo ay qaadeen ay ka saacideen iney 2-1 ku garaacaan Arsenal kulan ka dhacay Emirates.


 


Kooxda martida loo ahaa ayaa gool iska dhalisay daqiiqadii 56-aad markii kubad uu darbeeyay Antonio Valencia uu goosha ku leexiyay Kieran Gibbs kaas oo sidoo kalana dhaawacay goolahayeWojciech Szczesny.

Rooney ayaa hogaanka u dheereeyay kooxdiisa kaas oo rikoor hor leh u dhigay Gunners, madama uu noqday xidiga goolasha ugu badan ka dhaliyay wuxuuna xalay shabaqa Gunners ku shubay goolkii 11-aad taariikhda inta uu ka hor yimid.

Angel Di Maria ayaa helay fursad uu kooxdiisa gool sadexaad ugu dhalin karay balse uma noqon, inkastoo Giroud uu goolka calanka u dhaliyay kooxdiisa ka hor inta uusan garsooraha ku dhawaaqain dhamaadka ciyaarta.

"Waxey aheyd guul muhiim ah” Ayuu yiri Rooney oo la hadlayay Sky Sports, "Qeybtii hore ciyaarta David Dea Gea wuxuu ahaa mid cajiib ah wuxuuna badbaadiyay laba gool”

Iyadoo United ay dhibaatooyin dhaawac la dhibtooneyso ayuu Louis Van Gaal lasoo shirtagay sadex daafac isagoo ugu tala galay inuu ilaashado goolkiisa Smalling, Blackett iyo McNair, Wayne Rooney ayaana dareensan in da’yartaas ay soo bandhigeen qaab ciyaareed fiican.

"Waxaan gadaal dhignay Shan daafac oo ay wehliyaan xidigaha qibrada leh ee Carrick iyo Fellaini si ay kooxda uga hortagaan” Ayuu yiri Rooney.

Ugu dmabeyntii Rooney ayaa qiray in kooxdiisa uu waa cusub u dilaacay isla markaana ay hiigsan doonaan meel sare.

contact@afkashacabka.com