Daawo: Bandhigii Buugaagta Baadidoon iyo Beerta Qoyska, Suugantii Abwaan Farxaan iyo Wacdarihii Naadiga Halkaraan +SAWIRO

0
Sunday November 23, 2014 - 11:38:03 in by salman abdi
  • Visits: 2872
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Bandhigii Buugaagta Baadidoon iyo Beerta Qoyska, Suugantii Abwaan Farxaan iyo Wacdarihii Naadiga Halkaraan +SAWIRO

    Xildhibaan Cabdilaki Xasan Nuur oo kamid ah Golaha Degaanka Burco iyo Inta Badan Haldoorka Dhalinyarada gobolka Togdheer ayaa Xalay Ka qaybgalay Munasibad Ballaadhan oo lagu Soo Bandhigayey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Cabdilaki Xasan Nuur oo kamid ah Golaha Degaanka Burco iyo Inta Badan Haldoorka Dhalinyarada gobolka Togdheer ayaa Xalay Ka qaybgalay Munasibad Ballaadhan oo lagu Soo Bandhigayey

Buugaagta Ay Qoreen Hablaha Qorayaasha ah ee Reer Somaliland Nada Yusuf Omer iyo Muna Ahmed Omer iyo Suu gaantii Abwaan Farxan Ismaciil Maal oo suugaan lala wada dhacay isla markaasna uu ku qaadayey Codkii alle ha unaxariistee Cabdilahi Suldaan Timocade oo uu soo qaban Qaabiyey Naadiga Akhriska iyo Qoraalka ee Halkaran.

Waxa Buugaagta Ay labadaasi Hablood Qoreen si kooban u soo bandhigay kana so diyaariyey warbixin kooban oo ka hadlay Nuxurka Buugaagtan, Qorayaasha Naadiga Halkaraan Bashiir Saleban Adan Raacdeye iyo Sahra Ayan Jamac Xaydle, Waxana Kaddib Su’aalo laga Waydiiyey Hablahan Buugaagta Qoray oo Madasha Fadhiyey ujeedada ay u qoreen, Caqabadihi ay la kulmeen iyo waxyaabo badan oo ku saabsan Buugagta ay qoren.

Nada Yusuf Omer iyo Muna ahmed Omer waxay si waafiya uga jawaben su’alahasi, waxana kadib suugaan aad loogu diirsaday iyo sheekooyin kaftan iyo jacal u badnaa halkaas ku soo bandhigay Abwanka Da’da yare e Farxan ismacil Maal.

Waxa iyaguna Hadalo Dhiriigelin , Bogaadin iyo Dardaaran ba isugu jirey madashaas ka soo jeediyey Xildhibaan Cabdilaki Xasan Nuur, sahra maxmed cali oo ah gudomiyaha halkaran, maxmed sicid gudomiyaha jamacada adis, Maxbub xusen Xoghayaha Dallada syna iyo Xamse CabdI Ibrahin oo ah Soo saaraha iyo hagaha Barnaamijka Han iyo Himilo oo dhowan lagu qaban dono buruco, dhammantood waxay bogaadiyeen sona dhoweeyen Hablaha Buugaagta BeertaQoyska iyo Baadidoon Qoray.

Abwan Cali Dhananiye iyo Abwan Nagiib Suleman Muse aya iyaguna suugan isugu jirta Dardaaran iyo hogo tusaalaynta dhalinta maanta halkaasi ka jeediyey.

Gebogabadiina Waxa Naadiga Halkaraan shahaado sharafyo iyo Buugaag Qoreen Qorayaasha Reer Burco ee uu ka mid yahay Cismaan Saalax Faarax uu guddonsiyey Qorayasha Buugga Baadidoon iyo Beerta Qoyska iyo weliba Abwan Farxan ismail maal, waxay Qorayaasha iyo Abwankuna Wada jir Naadiga u Guddoonsiyeen Shahaado sharaf iyo qayb ka mid ah Buugaagta badidoon iyo berta qoyska, iyado ay jireen Xubno kale oo iyaguna Hadyado, Buugaag iyo shahaado sharafyo guddonsiyey Abwanka Qorayasha. 


Mustafe Teacher 

Afkashacabka.com 

Burco / Office

 HALKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRADA