Atletico Madrid Oo Kamid Noqotay Kooxaha U Soo Baxay Wareega 8a Championka.

0
Wednesday March 12, 2014 - 15:56:37 in by Super Admin
  • Visits: 1226
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Atletico Madrid Oo Kamid Noqotay Kooxaha U Soo Baxay Wareega 8a Championka.

    Kooxda Reer Spain Ee Atletico Madrid Oo Kamid Noqotay Kooxaha U Soo Baxay Wareega 8a Championka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Reer Spain Ee Atletico Madrid Oo Kamid Noqotay Kooxaha U Soo Baxay Wareega 8a Championka.

Atletico Madrid Ayaa Iska Xaadirisay Wareega 8da Champions League Ka Dib Markii Ay Wareega 16ka Ku Reebeen Kooxda 7da Jeer Hanatay Koobkaan Ee AC Milan Iyagoo Lugtii Labaad Ee Wareega 16ka Kaga Badiyay 4-1 Ciyaartii Ka Dhacday Vicente Calderon Taasoo Ka Dhigtay In Wadar Ahaan Labada Lug Ay Atleti Ku Badisay 5-1.

Atletico Madrid Ayay Ku Qaadatay Inay Hogaanka U Qabato Ciyaarta Kaliya Seddex Daqiiqo Markii Weeraryahankooda Diego Costa Uu Shabaqa Ku Taabtay Karoos Cajiib Ah Oo Uu Soo Dhigay Koke, Iyadoo Abbiati Uu Heli Waayay Wax Fursad Ah.

Diego Costa Ayaa Goolka Ku Dhaliyay 158 Ilbiriqsi Oo Ay Ciyaarta Socotay Waana Goolkii Ugu Dhaqsiyaha Badnaa Ee Ay Atleti Ka Dhaliso Champions League Abid. Diego Costa Ayaana Haatan Ah Xiddiga Ugu Goolasha Badan Atletico Koobkaan Champions League Isagoo Dhaliyay Goolkiisii 6aad Waxaana Uu Rikoorkaas Kala Wareegay Aguero Oo 5 Gool Oo Champions League Hore Ugu Soo Dhaliyay Kooxda Ka Dhisan Caasimada Talyaaniga.

Milan Ayaana Ciyaarta Ku Soo Laabatay Daqiiqadii 27aad Markii Kaka Uu Gool Madax Ugu Dhaliyay, Taasoo Ciyaarta Ka Dhigtay Barbaro 1-1 Ah Iyadoo Kubada Ay Ku Dhacday Juafran Ka Hor Inta Aysan Dabamarin Goolhaye Courtios.

Qeybtii Hore Ee Ciyaarta Ayaana U Muuqatay Mid Ku Dhamaaneysa Barbaro Goolal La’aan Ah Iyadoo Milan Ay Kubada Heysatay 15kii Daqiiqo Ee Ugu Danbeysay Qeybtii Hore, Laakiin Kubad Uusan Filaneynin Arda Turan Oo Oo Qof Ku Dhacday Ayaa Shabaqa Gashay Daqiiqadii 40aad Waxaana Ay Keentay In Lagu Kala Nasto 2-1 Oo Ay Atletico Madrid Hogaanka Ku Heysay.





Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com