Arsenal Oo Lacago Badan Ku Dooneysa Kubad Qaabeyaha Napoli Marik Hamsik.

0
Thursday March 13, 2014 - 13:17:34 in by Super Admin
  • Visits: 1338
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Arsenal Oo Lacago Badan Ku Dooneysa Kubad Qaabeyaha Napoli Marik Hamsik.

    Kooxda Arsenal ayaa isku diyaarineysa inay lacago badan ku soo iibsadan kubad qaabeyaha khadka dhexe uga ciyaara Napoli Napoli Marik Hamsik

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Arsenal ayaa isku diyaarineysa inay lacago badan ku soo iibsadan kubad qaabeyaha khadka dhexe uga ciyaara Napoli Napoli Marik Hamsik

 

Kooxda Arsenal ayaa isku diyaarineysa inay lacago badan ku soo iibsadan kubad qaabeyaha khadka dhexe uga ciyaara Napoli Napoli Marik Hamsik marka uu dhamado xilli ciyaaredkan, sida ay baahisay Football Direct News.

Tababare Arsene Wenger ayaa quudareynaya inuu la soo saxiixdo ciyaaryahan khadka dhexe Ee weerarka ka ciyaari kara kadib dhawacyada soo lab laabtay Ee daashaday xiddigihsa khadka dhexe Ee Wilshere, Ramsey iyo Diaby, wuxuna Wenger qorsheystay inuu xagaaga la soo saxiixdo Marik Hamsik iyo Julian Draxler.Rafa Benitez ayaan diyaar u ahaan doonin inuu xiddigan iska iibiyo tii oo ay jirto in xiddigan uu heshiis mudo dheer ah goor dhow u saxiixay kooxdisa Napoli, wuxuna Marik Hamsik u saftay kooxdisa 290 kulan isagoo dhaliyay 76 gool tan iyo xagaagi 2007 uu isaga sooo dhaqaaqay Brescia.

Football Direct News ayaa u aragta in Marik Hamsik uu u soo dhaqaaqi karo Emirates marka uu soo idlaado xilli ciyaaredkan taa oo lagu sababeyay in Napoli ay horey u iibisay Cavani iyo Lavezzi, waxeyna Arsenal xiddigan ugu dhaqaaqi doonan aduun lacageed gaaraya 35 milyan oo Ginni..


Dhinaca Kalena Liverpool ayaa rabta soo iibsiga laacibka u dhashay dalka holland ee dhexda uga ciyaara acmilan.


Nigel-De-Jong-AC-Milan

Tababaraha kooxda Liverpool ayaa doonaya inuu u dhaqaaqo xiddiga khadka dhexe Ee daafaca uga ciyaara kooxda Ac Milan Nigel De Jong si uu ugu xoojiyo khadka dhexe Ee kooxdisa Reds, sida ay baahisay Football Direct News.

Xiddigi hore Ee kooxda Manchester City ayaa ka mid ah xiddigaha joogtada ugu ciyaara Ac Milan, iyadoo Clarence Seedorf uu xiddigan boos joogta ah ka siiyay kooxda kowaad Ee Rosseneri balse hadii Milan ay xilli ciyaaredka soo socda u soo bixi weyso Champions League waxa suura gal ah in xiddigan uu isaga tago San siro.Ac Milan ayaa haatan kaalinta 10-aad kaga jirta kala sareynta Serie A, waxana suura gal ah in Milan ay dhumiso ciyaartoyded qaar hadii aysan Champions League u soo bixin, haatana Liverpool ayaa dooneysa inay kala soo saxiixato Nigel De Jong.

Brendan Rodgers ayaa xiddigan u arka mid ku haboon khadka dhexe Ee Reds, isagoo maanka ku haya in xiddigan uu aad ugu wanagsan yahay ka ciyaarista Premier League, wuxuna mudo afar sano ah ku qaatay Etihad Stadium isagoo City kula guuleystay FA Cup iyo Premier League....





Afkashacabka.com

Wararka Ciyaaraha

Contact@afkashacabka.com