Marko Marin Oo Doonaya Inuu Si Rasmi Ah Uga Huleelo Stamford Bridge.

0
Friday March 14, 2014 - 12:04:59 in by Super Admin
  • Visits: 1251
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Marko Marin Oo Doonaya Inuu Si Rasmi Ah Uga Huleelo Stamford Bridge.

    Daily Star ayaa ku warameysa in xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Chelsea Marko Marin uu doonayo inuu si rasmi ah isaga huleelo Stamford Bridge ka hor inta uusan bilaaban koobka aduunka Ee lagu wado in lagu qabto dalka Brazil.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Daily Star ayaa ku warameysa in xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Chelsea Marko Marin uu doonayo inuu si rasmi ah isaga huleelo Stamford Bridge ka hor inta uusan bilaaban koobka aduunka Ee lagu wado in lagu qabto dalka Brazil.


Xiddiga heerka caalami Ee xulka Germany ayaa jooga Chelsea mudo labba xilli ciyaared, isagoo boos joogta ah ka waayay Chelsea tan iyo markii uu xilka tababarainimo hayay Benitez iyo midka haatan tababaraha u ah Jose Mourinho wuxuna xiddigan doorbidaya inuu xagaaga isaga tago Blues.

Marko Marin ayaa amaah loogu diray kooxda Sevilla xagaagi hore, iyadoo Jose uu xiddigan u sheegay inuusan xilligan ka mid aheyn qorshihisa uuna amaah u dirayo si uu isu muujiyo balse xiddigan ayaa go’onsday inuu kooxda isaga tago hadan loo damaanad qaadin booskisa joogtada ah.

"hadii Sevilla iyo aniga ahaan aan ku faraxsanahay inan halkan joogo, waan joogaya ebed kaliya waxan eegi doona waxa dhici doona xagaaga, haatan kooxdeyda ayaan caawinaya balse xilli ciyaaredkan markuu dhamado ayaan go’oan gaaraya, muhiimadeyda waa inan boos joogta ah helo” ayuu xiddigan ugu waramay saaxafada.

"inan si rasmi ah ugu tago Chelsea ma xuma waayo aniga kooxda ma caawin karo hadan si joogta ah u ciyaareyn, madaxa isbootiga iyo taagerayasha hadey doonayan inan halkan joogo wan sameynaya” ayuu hadalkisa ku soo gabagbeyay Marko Marin.


AFKASHACABKA.COM
Wararka ckastiyaraha kale saco  markasta
contact@afkashacabka.com