Maamul Xumida Gobolka Togdheer BURCO Anigaa ku Gabay

0
Saturday March 15, 2014 - 16:14:19 in by Super Admin
  • Visits: 1557
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamul Xumida Gobolka Togdheer BURCO Anigaa ku Gabay

    Magaalada Burco Waxay Ahayd goobtii Gunta U Ahayd dhaqdhaqaaqii Xornimo doonka Waxayan qayb wayn ka ahayd Halgankii lagula jiraya Dawladii kacaana ahayd ee uu hormoodka ka Ahaa Jalle siyaad barre.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Burco Waxay Ahayd goobtii Gunta U Ahayd dhaqdhaqaaqii Xornimo doonka Waxayan qayb wayn ka ahayd Halgankii lagula jiraya Dawladii kacaana ahayd ee uu hormoodka ka Ahaa Jalle siyaad barre.


Magaalada Burco Waxay Ahayd goobtii Gunta U Ahayd dhaqdhaqaaqii Xornimo doonka Waxayan qayb wayn ka ahayd Halgankii lagula jiraya Dawladii kacaana  ahayd ee uu hormoodka ka Ahaa Jalle siyaad barre.
Waxayna markii Danbe Ahayd Goobtii Lagag dhawaaqay Madax Banaanida somaliland 1991 18 May,Waxay ku suntanayad Hormoodka Somaliland.

Gebi Ahaanba Gobolka Togdheer wuxu Imika qoorta uu galay Maamul aanu Shacabka gobolka togdheer ku faraxsanayn Haday noqoto Maamulka Gobolka ,iyo ka Degmada Burcaba,
Wuxuna Gobolku mar qudha hoos uga dhacay Kaalintii uu ku lahaa Gobolada Somaliland ,waxaanu la jaanqaadi wayaay horumarka ka socda dalka JMS ,waxayna xilkoodu dhakada ka saaran tahay Maamulka Gobolka Togdheer.

Dhacdooyinkii Ka dhaca Gobolka Togdheer Waxaa Ka mid Ah Tii Ciyaaraha Gobolada Somaliland ,taas oo si foolxum gobolka togdheer uga hadhay Koobka Gobalada ,waxayna Ahayd Dhacdo Ay ku Guul Daraysteen Maamulka gobolka ilaa iyo Ka Degmada Burco.
Gebi ahaana Waxaa Dhacdaad Foosha xun Hormood Ka ahaa Qaar Ka Mid Ah Xilibanada Laga Soo Doortay Gobolka Togdheer.

Dawlada hoose Burco Waa mid aad moodo In ihabcsanaan Badani Ka muuqato,dhawaan waxaa gobolka togdheer booqosho ku yimi wasiir ku xigeenka wasaarada Maaliyada ,Wuxuna Dhaliil Kulul Dusha Uga Riday xubnaha Dawlada Hoose Isagoo Ku Eedeyay In ayna wax Cashuur Ah ka Soo Qaadin Shacabka Gobolka Togdheer Taasi waxay Cadaynaysaa In ayan Haba Yaraate Wax hawl ah Ama shaqo Aha qaban  Maamulka Dawlada Hoose Iyo Xubnaheedu.

Burco Waxaa Lagu Yaqaanay Ishkaashi wada tashi iyo wax wada qabsi, Taasina Waxay noqotay Hal Bacaad Lagu lisay ,waxaan hogaanka majaraha u qabtay ,Dhalinyaro aan Haba yaraate wax horumar ah La doonayan Gobolka togdheer kala saarayn shaqadooda iyo waxaan ahayn shaqadooda

Ninkii Burco Yaqaanay markuu Maanta Arko Wuu ooyay,maamul xumada ka jirta iyo horumar la'aanta ku salaysan qabyaalada aan loo meel dayayn ,
Maanta Maaha Maalintii AY Burco Isu qaybin Lahayd labo kooxood ee Waa Maalintii aya khayrkeed wax la Qaybsan lahayd .waa maalintii ay Horumarka ka socda dalka dhinaceeda qabsan lahayd .
Shacabka ku dhaqan Gobolka Togdheer waxaan ugu baaqayaa In Ay ka shaqeeyaan Horumarka iyo hagaajinta gobolka togdheer sumcadii iyo sharaftii uu lahaa gobolkuna uu soo celiya .

Danta Shacabka Iyo taGobolkuba waxay ku jirtaa wax wada qabsi , uu uu jacaysiga horumar la taaban karo oo loo dhan yahay waa in laga jeestaa horumar la'aanta Iyo Qabyaalada Maanta Halkaa Ina Dhigtay .

                                                        La Soco Qaybaha Danbe



FROM Abdizamad Hassan Macalin
Burco somaliland
cabdisamad_225@hotmail.com