Xaflad lagu maamuusayay hab wadaag ah oo ku saabsan warshada laydhka Berbera oo dhexmaray xukuumadda iyo shirkad gaar loo leeyahay ayaa shalay ka dhacay huteel Maansoor ee magaalada Berbera, isla markaana waxa goob jog ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylaci).
Hadal uu munaasibadaa
ka jeediyay Cabdiraxmaan Saylici wuxuu ku baraarujiyay dadka reer
Berbera inay ka faa,iidaystaan fursadan oo uu xusay inay ku heli doonaan
koronto, isla markaan aanay u dayicin sidii fursad uu xusay inay
lumiyeen oo la xidhiidhay dhinaca biyaha. Inkastoo munaasibadaa wadaaga
shirkadda korontada Berbera lagu qabtay magaaladaa, hadana waxa jira
warar dhinacyo kale laga soo xigtay oo shabakadaha qaar faafiyeen,
kuwaasoo tibaaxaya in saluug arrintaa la xidhiidhaa uu jiro. Wararkaasi
waxay intaa ku dareen, in aanuu jirin wadaag, balse wershada korontada
lagu wareejiyay shirkad gaar loo leeyahay oo ay shuraako ku yihiin
Dahabshiil iyo xubno kale.
Wararku waxay intaa
raaciyeen, in ujeedada uu madaxweyne xigeenku u tegay halkaasi ay ku
qotonto amuurtaas oo keliya. Hase yeeshee ma jiraan warar madax banaan
oo mashruuca la xidhiidha oo soo baxay, marka laga tago waxay baahisay
warbaahinta dawlada iyo xogahaa kale ee laga soo xigtay illaha kale.
contatct@afkashacbka.com
Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Oo Ka Hadlay Qorshaha Wershada Laydhka Berbera.
Xaflad lagu maamuusayay hab wadaag ah oo ku saabsan warshada laydhka Berbera oo dhexmaray xukuumadda iyo shirkad gaar loo leeyahay ayaa shalay ka dhacay huteel Maansoor ee magaalada Berbera, isla markaana waxa goob jog ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka