Dowladda Jabuuti oo Heshiis La Gaartay Mucaaradka Dalkaasi

0
Thursday January 01, 2015 - 19:00:53 in by Burco Office
  • Visits: 547
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Jabuuti oo Heshiis La Gaartay Mucaaradka Dalkaasi

    War kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibada dalka Jabuuti ayaa lagu sheegey in dowladda ay heshiis la gaartay xisbiga mucaaradka ee dalkaa USN kadib wadahadalo socdey muddo 18 bilood ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibada dalka Jabuuti ayaa lagu sheegey in dowladda ay heshiis la gaartay xisbiga mucaaradka ee dalkaa USN kadib wadahadalo socdey muddo 18 bilood ah.


Heshiiska ayaa waxa kala saxiixday Ra’isulwasaaraha Jabuuti Cabdiqaadir Kaamil iyo hogaamiyaha xisbiga USN Axmed Yuusuf, wuxuuna heshiiska ku saabsanyahay isbadalo dimoqoraadiyadeed oo dalkaasi laga sameeyo.

Heshiiskani ayaa waxa uu horseedayaa in xisbiga USN ay baarlamaanka kusoo ceshadaan illaa 8 xubnood oo xildhibaano ah kuwaasi oo cabasho darteed oga maqnaa fadhiyada baarlamaanka tan iyo markii ay dhacday doorashada sanadkii 2013-kii, taasi oo ay xisbiga ku eedeeyey xisbiga madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle in uu ku shubtey codadka.

Xubin ka mid ah xisbiga mucaaradka Maki Xumad ayaa wakaaladda Wararka Jarmalka ee DW u sheegey in heshiiskani uu yahay mid hordhac ah, balse labada dhinac ay ka wada shaqeyn doonaan mid faahfaahsan.

Qodobada heshiiska ku jira waxaa ka mid ah in wax laga badalo sharciga gudiga doorashooyinka iyo nidaamka loo maamulo doorashooyinka.