Muslimiinta Wadanka Sweden Oo Dibad-baxyo Cabsho Ah Ka Dhigay Seddex Magaalo Oo Waaweyn Oo Ku Yaalla Sweden+Sawiro

0
Friday January 02, 2015 - 22:25:33 in by salman abdi
  • Visits: 972
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muslimiinta Wadanka Sweden Oo Dibad-baxyo Cabsho Ah Ka Dhigay Seddex Magaalo Oo Waaweyn Oo Ku Yaalla Sweden+Sawiro

    Dadkan Mudaaharaadka dhgayay ayaa socod ku maray wadooyinka waaweyn ee ku yaalla magaalooyinka dalka Sweden

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dadkan Mudaaharaadka dhgayay ayaa socod ku maray wadooyinka waaweyn ee ku yaalla magaalooyinka dalka Sweden

In ka badan Kun qof oo Muslimiin ah, ayaa dibad-baxyo cabasho ah ka dhigay Saddex magaalo oo waaweyn oo ku yaalla dalka Sweden, iyaga oo ka soo hor-jeeda Masjidkii Saddexaad ee dalkaa ku yaalla ee Todobaadkan gudihiisa dab la qabadsiiyo.

Dadkan Mudaaharaadka dhgayay ayaa socod ku maray wadooyinka waaweyn ee ku yaalla magaalooyinka dalka Sweden, iyaga oo dalbanayay baahida xoogga leh ee loo qabo in la soo af-jaro Masjid-yada ku yaalla wadanka Sweden, waxaanay dibad-bayaashu banaan-baxyadan ay ka dhigeen Magaalooyinka ugu waaweyn ee dalka Sweden, ee kala ah Stockholm, Malmö and Gothenburg, waxaanay arrimahani ku soo beegmeen xilli xisbi ka jira dalka Sweden oo si weyn uga soo horjeeda dadka soo galootiga ah ee dalkaasi uu u ollolaynayo sidii loo joojin lahaa dadka Muhaajiriinta ah ee soo-galootiga ah ee soo galaya dalkaa.

 

Af-hayeenka Urrurka Muslimiinta dalka Sweden, Mr Mohammed Kharraki, oo ka mid ahaa dibad-bayasaahii Muslimiinta ahaa ee maanta ka qeyb galay bannaan-baxyadii ka dhacay caasimada dalka Sweden, ee Stockholm, ayaa yidhi,

''Waxaanu doonaynaa in aanu fariin u dirno weeraraddaa, waxyeelo iyo dhibaato ku ah bulshada dhammaanteed oo aan ku koobnayn Muslimiinta oo kali ah''..

Saddex Masjid oo ay ku yaala dalka Sweden, oo ay cibaadaystaan Muslimiinta ku nool dalka Sweden, ayaa Todobaad gudihii dab la qabadsiiyay, taas oo si weyn uga cadhaysiiyay Muslimiinta.

Girls bear leaflets reading: 'Don't touch my mosque' at a demonstration in Stockholm, Sweden

SOURCE- HALKAN KA AKHRI FAAH-FAAHINTA WARKAN OO GUJI LINK-GAN

 



Contact@afkashacabka.com