Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Iyo Wafti Uu Hogaaminayay Oo Kormeer Shaqo Ku Soo Maraya Deegaano Badan Oo Teersan Somaliland

0
Friday January 02, 2015 - 22:28:01 in by salman abdi
  • Visits: 689
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Iyo Wafti Uu Hogaaminayay Oo Kormeer Shaqo Ku Soo Maraya Deegaano Badan Oo Teersan Somaliland

    Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa waxaa safarkiisan ku wehelinayay Gudoomiye Ku Xigeenka Sadexaad Ee Xisbiga Ucid Muj Cali Guray

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa waxaa safarkiisan ku wehelinayay Gudoomiye Ku Xigeenka Sadexaad Ee Xisbiga Ucid Muj Cali Guray

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe iyo waftigi balaadhnaa ee uu hogaaminayay ayaa kormeer shaqo ku maray Deegaano kala duwan oo teedsan Gobolada Bariga Somaliland .

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa waxaa safarkiisan ku wehelinayay Gudoomiye Ku Xigeenka Sadexaad Ee Xisbiga Ucid Muj Cali Guray . Xoghayaha Arrimaha Gudaha Ee Xisbig Ucid C.qani Salaf . Xoghayaha Arrimaha Bulshada C/raxman Axmed Cali . Axmed Maxmed Diiriye Oo ka mida Golaha Fulinta ee xisbiga UCID . Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Ee Xisbiga Ucid Aadan Xuseen Maxamed . Xoghayaha Gobolka Saleebaan Maxmed Cabdi . Gudoomiye ku Xigeenka Garabka Haweenka Ee Gobolka Togdheer Deeqa Maxamed Yuusuf . Iyo Murashaxiina Xisbiga Ucid Ee U Tartamayaa doorahsooyinka Golaha wakiilada oo ay ka mid ahaayeen Murashax Maxamed Axmed Muuse . Murashax Jaamac Axmed Oogle Iyo masuuliyiinta kale .

 

Gudoomiyaha iyo waftigiisa ayaa maray deegano kala duwan oo ay ka mid ahaayeen . Qoryaale .Yassir . Ateeno . War Cimraan . Dabaqabad . Qaloocan . Dhoqoshay . Dhagax Dheer . Dheriyaley . Balli Dhiig . Coodalle . Qorulugud . Muraayadda . Wadaamo go . Iyo Caynaba .


Waxaana shacabkan wajiyadooda iyo soo dhaweentoodaba laga dareemayay sida ay ugu faraxsanaayeen waftigan uu hor kacayay Gudoomiye Faysal Cali Waraabe iyagoo kor u lulayay astaanka Xisbiga Ucid kuna dhawaaqayay ereyo ay ku muujinayaa taageerada ay u hayaan Gudoomiye Faysal Iyo Xisbiga Ucid .
Dhamaan Deegannadan uu waftigu maray ayaa waxaa loogu soo dhaweeyay si aad u balaadhan iyadoo shacabka ku dhaqan deeganaadaasi aanay u kala hadhin soo dhaweenta Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe iyo waftigi baladhnaa ee uu hogaaminayay waxaanay shacabkaasi ay waftiga kaga hortagayeen meelo masaafo dheer u jirtaa deegannadooda iyagoo u soo galbinayay hadba deegaanka uu waftigu marayay .

Safarkan ayaa ujeedadiisu ahayd sidii ay masuuliyiinta xisbiga ucid ugu kuur gali lahaayen xaaladda dhabta ee ay ku dhaqan yihiin shacabkaasi waxaanay indhahooda ku soo arkeen xaaladaha kala gadisan ee ay ku noolyihiin bulshadaasi .

Masuuliyiinta xisbiga ucid ayaa kulamo la qaataay dhamaan shacabki deegamadaasi waxaana ka mid ahaa deegamadaasi Deeganka Qaloocan . Dhoqoshay . Balli Dhiig oo ay dhamaan odayaashi iyo xubnihii ku hadlayay afka deeganaadaasi iska daba mareen sida ay uga arradanyihiin waxqabadka xukuumadda waxaanay tilmaameen in ay u baahanyihiin is beddel taageersanyihiinna xisbiga Ucid .

Waxaa xusid mudan in Deegaanka Dhoqoshay Uu Dugsigii Sare Uu Bilaa Jiingad Yahay Muddo Sannado ah xukuumadduna aanay waxba ka qaban dayyaca ka muuqaata kaalintii waxbarasho ee deegaankaasi waxaana Gudoomiye Faysal Cali Waraabe halkaasi ka ballan qaaday in uu 10 arday oo reer Dhoqoshay ah uu ka bixin doono waxbarashada isla markaana uu dhisi doono dhismaha dugsiga sare ee deegaankaasi jiingaddana saari doono .

Shacabka ku dhaqan deegaanka Dhoqoshay ayaa ku diirsaday ballan qaadka Gudomiyaha Xisbiga Ucid soona dhaweeyay waxaanay sheegeen in Gudoomiye Faysal Yahay Badbaadiyaha Qaranka Somaliland .

Xoghayaha Arrimaha Bulshada Ee Xisbiga UCID C/raxman Axmed Cali oo ka hadlayay Xafladi Reer Dhoqoshay ku qaabileen waftiga xisbiga ucid ayaa ku dheeraday muhimadda uu deegaankani u leeyahay dalka waxaana hadalkiisi ka mid ahaa " Waxay Magaaladani ahayd hoygii halganka . Taageeradii Halganka , waxay ahayd meeshii dadka gobolkii Togdheer Boqolkiiba Konton in ka badan ku badbaaday , Waana magaaladii nasiibka u yeelatay in aanu qabsan taliskii siyaad barre ..”

Xoghaye C/raxman oo si watta hadalkiisa ayaa soo bandhigay dhibaatooyinka ka taagan deegaankaasi iyo baahiyaha ka jiraa waxanu yidhi " Waxaan halkan ka sheegaya oo wax walba ka muhiimsan oo deeganka loo ballan qaaday oo aan wali loo qaban oo xitaa qalabkoodi laga rartay , Magaalda Riig aya aloo ballan qaaday riigaa magaaladu intaaba way sugaysay waxa sidoo kale jiraa iskuul bilaa jiingad ah muddo sannado ah oo qabyo ah ..”

Gudoomiye ku xigeenka Sadexaad Ee Xisbig Ucid Muj Cali Guray Ayaa isna halkaasi ka hadlay waxaanu si qoto dheer uga sheekeyay magaaladan iyo taarikhdii ay ku lahayd halgankii dalka lagu xoreeyay waxaanu uga mahadnaqay deegaankaasi sidii qiimaha badnayd ee ay u soo dhaweeyeen .

 

Gudoomiyaha xisbiga ucid Eng faysal Cali Waraabe oo halkaasi ka hadlay ayaa uga mahadnaqay deegaankaasi soo dhaweenti ay ku qaabileen waxaanu tilmaamay in magaaladani tahay magaalo taarikh ku leh Somaliland waxaanu gudoomiyuhu ku booriyay in ay gacmaha is qabsadaan si ay horumar u sameeyaan .

Waxaana uu gudoomiye faysal halkaasi ka ballan qaaday in uu 10 arady ka bixinayo Waxbarashada Dugsiga Sare isla markaan uu jiingad saari doono dugsiga sare ee deegaanka Dhoqoshay oo muddo Bilaa Jiingad ahaa .

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ayaa xadhiga ka jaray Xarunta Uu Xisbigu Ku Yeelandoono Deegaanka Dhoqoshay .

 

Sidoo kale deegaanka Balli dhiig oo ka mid ahaa deegaannadi sida cajiibka ah loogu soo dhaweeyay Waftiga uu hor kacayay Eng Faysal Cali Waraabe Waxaana halkaasi ka hadlay odayaashi deegaankaasi oo sheegay in ay si kal iyo laaba u soo dhaweenayaan Gudoomiyaha Ucid iyo waftiga uu hogaaminayo waxaanay sheegeen in deegaanka Balli Dhiig taageersanyahay Xisbiga Ucid oo uu garab taaganyahy .

Axmed Maxamed Diiriye Oo isna halkaasi ka hadlay ayaa si diiran Waftiga ugu soo dhaweeyay deegaanka Balli Dhiig .

Xoghayaha Arrimaha Gudaha oo halkaasi ka hadlay ayaa ka dareen celiyay soo dhaweenta Shacabka Balli Dhiig iyo dhaman Deegannadii uu waftigu soo Maray Waxaanu Yidhi " Waxaanu maanta ogaanay in deegaannadani yihin deegaannadi ugu soo dhaweenta fiicnaa ee uguna gobsanaa ,Waxaa wax lala yaabo ah tuulo walba iyo deegaan walba oo aanu inyar ku ku hakannaba si wayn ayaaa lanoo soo dhaweenayay waxaa lanaga codsanayay in aanu maantoo dhan joogno taasina waxay noo cadeenaysaa sida aadka ah ee ay ixtiraamaysaan xisbiga ucid …”

 

Waxaa isna halkaasi ka hadlay Gudomiye Ku xigeenka Sadexaad Ee Xisbiga Ucid Muj Cali Guray Iyo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa labadan masuulba waxay u mahadnaqeen shacabka ku dhaqan deegaanka Balli Dhiig Soo Dhaweentii loo sameeyay .

Sidoo kale waftiga ayaa waxay soo mareen Deegaanka Qorulugud oo halkaasi loogu sameeyay soo dhaween ay ka qayb qaateen qeybaha kal duwan ee bulshadaasi waxanay masuuliyinta xisbia ucid ay shacabkaasi uga mahadnaqeen soo dhaweenta ay u sameeyay .

Isku soo duubduubo kormeerkan ay masuuliyiinta xisbiga ucid ay ku soo mareen dhamaan deegannadaasi ayaa u jeedadiisu ahayd sidii ay ugu kuur gali lahaayeen xaaladda nololeed ee ay ku suganyihiin bulshooyinkaasi waxaana safarkani noqonayaa safar taarikhiyaa oo xusuusta bulshadii deeganadaasi iyo masuuliyiiintaba quluubtooda baaqi ku ahandoontaaa .

Waana safar ay masuuliyiinta ucid ay ku mareen deegaano tiro badan oo ku fadhiyaaa dhul aaad u balaadhan oo teedsan Bariga Somaliland .



Contact@afkashacabka.com