DHEELI TIRNAAN LA'AANTA SONYO IYO DAREEN LA'AANTA DHALINYARADA.

0
Thursday March 20, 2014 - 16:01:13 in by Super Admin
  • Visits: 1142
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DHEELI TIRNAAN LA'AANTA SONYO IYO DAREEN LA'AANTA DHALINYARADA.

    Aniga iyo dhamaan dhalinyarada aan isku fikirka nahay ee reer Somaliland waxaanu dhalinyarada u soo jeedinaynaa inay ka qayb qaataan xal u helida arimaha dhalinyarada,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aniga iyo dhamaan dhalinyarada aan isku fikirka nahay ee reer Somaliland waxaanu dhalinyarada u soo jeedinaynaa inay ka qayb qaataan xal u helida arimaha dhalinyarada,

DHEELI TIRNAAN LA’AANTA  SONYO IYO DAREEN LA’AANTA DHALINYARADA.

Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan warbaahinta madaxa banaan ee ka hawl gasha Somaliland, salantaas ka dib waxan si kooban uga hadlaya isu dheeli tirnaan la’aanta SONYO iyo dhalinyarada oo aan Dareensanaynba, arinkaas oo ah mid si aada loogu baahan yahay in wax laga ogaado.

Sida aad lawada socotaan SONYO, waxa loo aasasay inuu noqdo ururka dhalinyarada Somaliland, kaas oo markii danbe laga leexiyay himiladii loo aasaasay .

SONYO waxay u janjeedhaa dhan kaliya dhankaas oo aad moodo inaan mar qudha laga hadal ama aan la taaban, taas oo keentay in maanta markii la waayay isu dheeli tirnaan la’aanta ay timaado in SONYO dhalinyaradu wax badan iska waydiiso, SONYO wa urur u janjedha dhan kaliya, oo aad moodo inay gaar u leeyihiin.

Anigu halkan ku odhan maayo reer hebel, lkn hadaad sifiican ama indho caafimaad qaba aad ku eegto waxaad arkaysaa wax badan oo aad diido oo SONYO hogaankeeda aad si toosa uga dheegan karto, taas ah wax aan laga filayn dallada dhalinyaro oo heer qaran ah.

Dhalinyaro waxa laydiinka baahan yahay inaad eegtaan oo aydun aad ugu fiirsataan dhaliilaha sida tooska ah SONYO loogu soo jeedinayo, waayo looma baahna waxaanad waxba kala socod inaad dhan iska raacdo, maxaa yeelay Dalladan SONYO waxay sheegata inay metelaan dhamaan dhalinyarada Somaliland, taas oo ah waxaan suura gal ahayn maanta, waayo dhalinta Somaliland laguma maxaafsan karo, hadii ay Dallad lawada leeyahay tahay maxaa loo waayay cid la xisaabtanta oo dhalinyarada ka mid ah, ama maxay SONYO u soo gudbin wayday waxay dhalinyarada u qabatay iyo waxay la damacsan tahay, markaa dhalinyaro ka fiirsado intaydaan talaabo qaadin.

 

Aniga iyo dhamaan dhalinyarada aan isku fikirka nahay ee reer Somaliland waxaanu dhalinyarada u soo jeedinaynaa inay ka qayb qaataan xal u helida arimaha dhalinyarada, taas oo keentay maanta in markii dhalintii u sinaan wayday khayraadka dalka ay iskaga tahriibaan dhalinyaro in badan wakhtigooda u huray sidii ay wax u baran lahaayeen dabadeedna naftooda iyo waalidkoodba u anfici lahaayeen, taas oo keentay in KOOTO loogu xidh cid gaar ah ama shakhsiyaad meel kazoo wada jeeda arimo waayayn oo u baahan in si siman looga faa’iidaysto.

Dhalinyarada tahriibaysaa waxay ka tahriibayaan markay arkeen sida meel walba cid gaar ahi u sheeganayso hadana loo odhanayo waa heer qaran, markaa dhamaanba ciday khusaysaa waa inay ka taxadiraan in dhamaanba hawlaha wixii heer qaran ah si siman looga faa ‘iidaysto oo laga daayo KOOTADA cidda gaar ah loogu xidhayo.

SONYO maanta waxay KOOTO ku haysataa oo ay ku sheegataa dhamaanba dhalinyarada Somaliland taas oo keentay in dhalinyaro badan oo aqoon ahaan iyo karti ahaanba gudan kara ay waji gabax kala kulmaan arimo badan oo ay fulin karayaa.

Markaa waxaan aad ugu soo jeedinayaa dhamaanba dhalinyarada Somaliland inay ka xoroobaan kootada oo ay iskood waxay ku kalsoon yihiiin la soo baxaan, maxaa yeelay SONYO maanta waxay caadaysatay in kaliya laga hadlo fagaarayaasha lana yidhaahdo waxaanu metelaa dhalinyarada Somaliland, taas ah mid xaaraan ah inaad sheegato cid aanad ka war haynba waxay yihiin iyo sida ay yihiin.

Dhalinyarada iskood isu xilqaamay ee u kacay dhalinta waxaan leeyahay aan wax walba ku baadi doono sharici yo nimaadka qaranka u degsan.

 

  

Aad Baad U Mahadsantihiin




Allaa Mahad Leh

By: Mohamed Hamud Ali

Burao – Somaliland

Contact: 063-4125186

Hamudson@Gmail.Com