Mashruucii Magafayaasha Oo Isku Badalay In Caruurta Yaryar Laga Xado Maalin Cad Magaalooyinka Somaliland

0
Thursday February 06, 2014 - 08:28:42 in by Super Admin
  • Visits: 1267
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mashruucii Magafayaasha Oo Isku Badalay In Caruurta Yaryar Laga Xado Maalin Cad Magaalooyinka Somaliland

    Caruurtan ayaa da'dooda lagu qiyaasay dhawr iyo toban jiro kuwaa soo la waayay muddo laga joogo seddex cisho ka hor

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Caruurtan ayaa da'dooda lagu qiyaasay dhawr iyo toban jiro kuwaa soo la waayay muddo laga joogo seddex cisho ka hor waxaa maalmihii ugu danbeeyay ka dhacay magaalooyinka somaliland gaar ahaan hargaysa iyo boroma in la xado caruur da’doodu aad u yar tahay. 
Caruurtan ayaa da’dooda lagu qiyaasay dhawr iyo toban jiro kuwaa soo la waayay muddo laga joogo seddex cisho ka hor. 
Xadida caruurtan ayaa ka danbeebay markii uu fashilmay mashruuc hore u jiray oo ahaa mashruucii magafayaasha oo badi dhalin yaradii somaliland tahriibiyay oo la waayay boqolaal dhalin yaro ah oo badankoodu ku dhinteen saxara liibiya iyo badaha talyaaniga 

Xadida caruurtan ayaa waxaa Shabakada caalamiga ah ee Gabiley News u xaqiijiyay qaar kamid ah dadweynaha qaar kood oo sheegay in la waayay caruur yaryar oo ciyaal iskuul ah. 
"inan yar oo 12 jir oo magiciisa la yidhaahdo Suhayb ismail xasan bakayr ayaa la waayay seddex cidho ka hor , wuxuu ka yari dhiganayay iskuulka irshaad, waxaana la sheegay in dhankaa iyo itobiya loo qaatay, waxaana imika ku maqan addis ababa aabihii oo baadi goob uga jira” waa nin jaar la’ ah xaafada ilmaha laga xaday. 
Dhanka kale waxaanu la kulanay nin ka yimid magaalada borama wuxuuna noo sheegay in la waayay laba caruur oo iyana aan la garanayn meel lala tagay. 
Isku soo wada duubo dadkan ayaa noo sheegeen in mashruucan xatooyada ah ee caruurta lagu xadayaa ay tahay mid daba socda mashruucii hore ee magafayaashu ay caruurta ku tahriibin jirtay ee fashilmay. 
Xukumada somaliland ayaan kaba warhayn dhacdooyinka foosha xun ee lagu xadayo ubaxii dalka ee maalinba ilmo yar la waayayo.