NacNac Baa Yaabay Markuu Arkay Saleebaan Bukhaari Iyo Axmed Yaasiin Sh Cali Ayaanle‏

0
Saturday March 22, 2014 - 08:07:15 in by Super Admin
  • Visits: 1299
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    NacNac Baa Yaabay Markuu Arkay Saleebaan Bukhaari Iyo Axmed Yaasiin Sh Cali Ayaanle‏

    Sanad Walba Waxa Masraxyadda Siyaasadda Ku Soo Biira Weedho Cusub oo Ka Turjumaaya Siyaasiyiinta Loolanka Siyaasaded Ku Wadda Jirra Hadaba Caawa Waxaan Halkan Idiinku Soo Gudbinayaa Weedh Cusub Sidda Runtii Ahna Anigu Amaan Mooyee Uma Hayo Wax Dhal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sanad Walba Waxa Masraxyadda Siyaasadda Ku Soo Biira Weedho Cusub oo Ka Turjumaaya Siyaasiyiinta Loolanka Siyaasaded Ku Wadda Jirra Hadaba Caawa Waxaan Halkan Idiinku Soo Gudbinayaa Weedh Cusub Sidda Runtii Ahna Anigu Amaan Mooyee Uma Hayo Wax Dhaliil Ah Xldhibaanka Aan Ku Hal Qabsaday
Sanad Walba Waxa Masraxyadda Siyaasadda Ku Soo Biira Weedho Cusub oo Ka Turjumaaya Siyaasiyiinta Loolanka Siyaasaded Ku Wadda Jirra Hadaba Caawa Waxaan Halkan Idiinku Soo Gudbinayaa Weedh Cusub  Sidda Runtii Ahna Anigu Amaan Mooyee  Uma Hayo Wax Dhaliil Ah Xldhibaanka Aan Ku Hal Qabsaday ee Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye [NacNac] oo Dad Badan oo Aannu Kala Fikir Nahay Ku Dhaliilaan Taageerradda Uu Xukumadda Siilaanyo La Garab Taaganyahay Xildhibaan NacNac Waxa Uu Ka Tirsanyahay Mudanayaasha Aqalka Wakiiladda JSL Isla Markaanna Waxa Uu Kamidyahay Xildhibaanadda Aan Guur Guurin Ee Aadka U Halka Adag Maadaaba Uu Kulmiyihii Uu La Bilaabay Weli Garab Taaganyahay Anigu Waxaan U Arkaa Nin Tacabkiisii Ilaashanaaya  Markaa Dhaliil Umma Hayo Balse Dadka Qaar Ayaa Iga Aragti Duwan oo Iyagu Ku Eedeeya Inuu Xukumadda Difaaco Intaas Waxaan Ku Dhaafayaa Sababta Maqaalkan Ciwaankiisa.

Haddaba Waxa Jirra Xildhibaanno Saaxiibo Ahaa oo Si Aadda Xukumadda Taladda Haysa Udhaliili Jiray Oo Weliba Aan Lafta Iyo Cadka Kala Reebi Jirin oo Doodahoodu Ahaayeen Qaar Aad U Kulul Marka Ay Media Wax Ka Dhaliilayaan Xildhibaanaddas oo Kala Ah Xildhibaan Axmed Yaasiin Sh Cali Ayaanle Iyo Xildhibaan Saleebaan Bukhaari Runtiina Ah Xildhibaano Firfircoon Oo Doodoodda Iyo Difaacoodu-ba Ka Dhex Muuqddo Saaxadda Siyaasada Hadaba Labadan Xildhibaan oo Ahaan Jiray Xildhibaano Mucaarad Ah Ayaa Imika Ah Kuwo Afka Xukumadda Ku Hadla Isla Markaanna Si Wayn U Difaaca Siyaasadda Xukumadda Uu Hogaamiyo M/weyne Axmed Maxamed Siilaanyo Waxaana Sedexeeya Xildhibaan Cali Gabiilay Oo Isna Imika La Saf Ah Xildhibaan Cali Gabiilay Ayaa Ah Mudanayaasha Laga Soo Doortay Gobolka Maroodi Jeex Halka Labadda Xildhiban Ee Kalena Kasoo Kala Jeedaan Goboladda Awdal Oo Uu Kasoo Baxay Xildhiban Axmed Yaasiin Sh Cali Ayaanle Halka Saleeban Bukhaarina Uu Kasoo Jeeddo Gobolka Sanaag Hadaba Hadaan Si Kooban Usoo Ururinno Ujeeddadan Maqaalka Waxa Aad Loo Hadal Hayaa Isbedelka Ku Yimi Xildhibaanadan oo Ilaa Xad Isbedelkoodda Looga Dareemay Saaxadda Siyaasadda Hadaba Hadal Haynta Meelaha Bulshaddu Isugu Timaaddo Ama Lagu  Kulmo Ayaa Waxa Kasoo Baxaday Weedhan Cusub Ee Ah NACNAC BAA YAABAY Waxaana Taasi Kutimi Taageeradda Xad Dhaafka Ah ee Xataa Kuwii Usoo Halgamay Guulwadayntaba Ay Iyagu Ka Bara Badiyeen Akhriste Caways Wanaagsan

By Sacad Cali Kaahin [Sacad plucky]
Hargeysa Somaliland
kaahin444@hotmail.com