Guusha Socdaalkii Madaxweyne Siilaanyo Iyo Saska Puntland

0
Saturday March 22, 2014 - 11:31:14 in by Super Admin
  • Visits: 1182
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guusha Socdaalkii Madaxweyne Siilaanyo Iyo Saska Puntland

    In kasta oo u jeedada socdaalka madaxweynaha loo fasiray siyaabo kala gadisan oo ay dadka qaar ku doodeen in uu ahaa safar siyaasadeed oo dabada ku haya olole ay xukuumadu ku doonayso in ay mar labaad ku hanato doorashooyinka soo socda,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

In kasta oo u jeedada socdaalka madaxweynaha loo fasiray siyaabo kala gadisan oo ay dadka qaar ku doodeen in uu ahaa safar siyaasadeed oo dabada ku haya olole ay xukuumadu ku doonayso in ay mar labaad ku hanato doorashooyinka soo socda, Guusha Socdaalkii Madaxweyne Siilaanyo Iyo Saska Puntland

 

Madaxweynaha Somaliland mudane Axmed Siilaanyo iyo wefti uu hogaaminayay ayaa muddo sagaal maalmood ah waxa ay safaro ku gaalaa bixinayeen Gobolada galbeedka iyo Barriga Somaliland safarkan oo loo bixiyey magayo door ah sida Hano Qaad iyo Hilaacii Xeebaha Barri, marka aynu u fiirsano macnaha labadan magac ee loogu yeedhay safarka madaxweyne Siilaanyo waxa innoo muuqanaaya muhiimada iyo guusha aan la dafiri karin ee uu lahaa safarkaasi.

In kasta oo u jeedada socdaalka madaxweynaha loo fasiray siyaabo kala gadisan oo ay dadka qaar ku doodeen in uu ahaa safar siyaasadeed oo dabada ku haya olole ay xukuumadu ku doonayso in ay mar labaad ku hanato doorashooyinka soo socda, haddana waxa lagama maar maan ah in aynu qirno in safarkan guul u ahaa guud ahaan ummada Somaliland gaar ahaan Bulshooyinka ku dhaqan Gobolka Sanaag waana safar ay madaxda dalku ku soo ogaanayeen xaaladaha dhabta ah ee ay ku sugan yihiin dadka ku dhaqan meelaha ay soo mareen, oo ay si wanaagsan ugu soo kala war qaateen weftiga madaxweynaha iyo dhammaan intii ay kulamada la yeesheen-ba.

Haddii aynu u soo noqono dhinaca siyaasadda safarka madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisu ku tageen Gobolada Barriga gaar ahaan degmada laas-qoray, ayaa noqonaaya safar aad muhiim ugu ahaa Somaliland iyo jaanis wanaagsan oo ay heshay xukuumada Siilaanyo, waayo waa markii ugu horaysay ee uu halkaas booqdo madaxweyne reer Somaliland ah, waxa kale oo uu ku beegmay xili ay bulshadda halkaas ku dhaqani aad ugu baahnayd in ay soo booqdaan madax iyo masuuliyiin ay mar uun kala hadlaan baahiyahooda gaarka ah, waxaana taas innoo muujinaysaa jawaabaha ay bixiyeen cuqaasha iyo wax garadka reer Laas Qoray iyo sida ay weftiga u soo dhaweeyeen dhammaan-ba bulshooyinka ku dhaqan deegaankaas, iyo deegaano kale oo mararka qaarkood xili dambe oo habeenkii ah dadku wadooyinka u sii tubnaayeen soo dhawaynta weftiga madaxweynaha, arrimahan ayaa meesha ka saaraaya sheegashooyinkii ay maamul gobeleedka Puntland ku sheegan jireen in aan cidini u soo gudbi karin deegaamada Laas Qoray iyo jiida ku gadaaman, iyaga oo sheegi jiray in ay halkaas u joogaan maamul iyo ciidamo adag oo aan loo soo gali karin, hasayeeshe waxa riyadaas meesha ka saaray oo hadh cad cagahooda ku tamashleeyey Laas-qoray weftigii madaxweyne Siilaanyo kuwaas oo soo booqday meelo kala duwan isla markaa goob fagaare ah kala hadlay bulshada reer laas-qoray.

Geesta kale Booqashada weftiga Madaxweynaha Somaliland ee Laas Qoray ayaa argagax iyo lama filaan ku noqotay maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland kuwaas oo illaa maanta dhabanka iyo gacanta isku haya, iyada oo maalmihii u dambeeyey si aad ah looga dareemaayay maamul goboleedkaas abaabul ciidan iyo gar-darro ay ku hadoodilayaan naxdinta ay ka qaadeen safarka weftiga madaxweyne Siilaanyo iyo af xumo ay ku baahinayeen warbaahinta oo ay ku sheegayaan in uu Siilaanyo dhuumasho ku yimid laas-qoray.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu galay safarkii ugu dheeraa, waxaanu helay xogta iyo baahida ka jirta deegaamadda Somaliland intooda badan gaar ahaan Min Saylac illaa Laas-qoray. Intii uu madaxweynuhu ku gudo-jiray socdaalkiisa waxa uu magaalo walba ka furayay mashaariic horumarineed,waxaanu dhagax dhigay wadooyin, dekado iyo mashaariic kale. Sidoo kale waxa xusid mudan in Madaxweyne Siilaanyo uu ku dhawaaqay bilowga jid dhererkiisa lagu qadaray 370KM oo isku xidhaya Burco illaa Ceerigaabo, iyadoo la bilaabay 100km ee ugu horeeyay.

Si kastaba ha ahaatee waxa marag ma doon ah in uu safarka madaxweynaha iyo weftigiisu ahaa mid loo baahnaa oo guul iyo nabad- galyo ku soo dhamaaday, isla markaa ay shacabka Somaliland aad u soo dhaweeyeen in ay madaxdu soo booqdaan oo ka war doonaan xaalada dadka iyo deegaanka.

Weriye Sagal Cabdiraxmaan Axmed(Filibiin)

Email:samaar62@hotmail.com
sagalphilibiin@gmail.com