Socdaalkii HANAQAAD ee Madaxweynuhu wuxuu koobay Berri, Bannaan, Bad iyo Buurba!
Socdaalkii HANAQAAD ee Madaxweynuhu wuxuu koobay Berri, Bannaan, Bad iyo Buurba!
(Ninkii Kursiga
Maagani, Laamiga ha ka dego!)
W/Q: Eng. Hussein Adan Igeh
(Hussein Deyr) |Hargeysa, Somaliland|
Socdaalkii la magac baxay HANAQAAD (10.03.2014 illaa 20.03.2014) ee Madaxweynaha Jam.Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud
(Silaanyo) uu ku soo maray Gobollada Dalka (Galbeed, Xeebaha iyo Bariga), wuxuu
ahaa socdaal Magac, Maamuus iyo Milgo Qaranba u soo hooyay Ummadda Jam.Somaliland. Hanaqaadwuxuu ahaa socdaal u baahnaa Karti, Xammilaad, Feejignaan, Adkaysi iyo
Hufnaan qof ahaaneed. Socdaalkani wuxuu ahaa mid gebi ahaanba
koobayey Berri, Bannaan, Bad iyo Buurba. Wuxuu ahaa socdaal si weyn u soo jiitay guud
ahaanba indhaha Saxaafadda Caalamka, Dawladaha Deriska ah iyo Gobolka Geeska
Afrikaba. Wuxuu ahaa socdaal ay si dhab ah ugu farxeen quluubta bulshada horumarka,
wanaagga iyo samaha jeceli.
Wuxuu ahaa Socdaal si shaki la’aan ah u soo
bandhigay awoodda, kartida iyo asluubta ay leeyihiin qaybaha kala duwan ee Ciidamada
Amniga Qaranka. Waxa xusid gaar ah mudan Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada (CIM)
oo si la yaab iyo geesinimaba leh, hadh iyo habenba u sugayay ammaanka
Madaxweynaha iyo weftigii uu hoggaaminayey intii ay ku guda jireen safarkii
dheeraa. Wuxuu ahaa Socdaal in badan ku suntanaan doona taariikhda Ummadda JSL.
Helitaanka kalsoonida shacbigu waa qiimaha iyo abaal-marinta ugu sarraysa
ee ay u tartamayaan Xukuumadda iyo dhinacyada kale ee siyaasadda kula
loollamaya. Socdaalka"Hanaqaad” ee Madaxweynaha Jam.Somaliland iyo wefdigiisu ayaa ahaa Safar curiyey dareen shacab oo farxad
leh kaasoo saamayn weyn ku yeeshay kalsoonida iyo aaminka ay shacabku ku qabaan
Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa. Hambalyo, Bogaadin iyo Taageero baaxad leh oo
aan kala go’ lahayn ayey shacbigu (gudaha iyo
dibeddaba) kaga dareen celiyeen Socdaalkii
Madaxweynaha Jam.Somaliland ee Gobollada Dalka.
M/weynaha iyo
wefdigiisu waxay meelihii (Gobol, Degmo, Tuulo iyo Miyiba) ay booqanayeen kala
kulmeen soo dhaweyn aad u ballaadhan iyo shacbi-weyne aad ugu riyaaqsan oo
gacmo furan ku qaabilay booqashada uu Madaxweynuhu ugu yimid. Madaxweynuhu wuxuu si
kalsooni leh u dhex marayay ummaddiisa, waxana uu u kuur-galayay waxyaabaha
ilaa hadda Xukuumaddiisa u qabsoomay, waxa weli dhiman, baahiyaha jira iyo
muuqaalka nolosha dhabta ah ee ummaddiisa.
HANAQAADKA Wax-qabadka iyo Horumarinta Dalka
Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo markii ay talada dalka la
wareegtay waxay ummadda Somaliland oo dhan (mid u codeeyey, mid ka codeeyey iyo
mid aan codaynba) u ballan-qaadday inay noqon doonto xukuumad ay dadku
leeyihiin, xukuumad u adeegta danta guud ee bulshada balse aan iyadu shacbiga
ku adeegan. Xukuumadda Kulmiye waxay ummadda Somaliland u ballan-qaadday inay
soo celin doonto magacii iyo milgihii dawladnimo ee uu lahaa Qaranka Jam.Somaliland. Xukuumadda Kulmiye waxa kale oo ay ballan-qaadday (intii itaalkeeda iyo awoodeedaba ah) inay hirgelin
doonto kana rumayn doonto hanka, himilada iyo hiigsiga ay leeyihiin Shacab
weynaha Jam.Somaliland; kaasoo ah inay
noqdaan Qaran Xor ah oo Madax-bannaan oo ka mid ah bulshada caalamka oo ku leh
codkiisa, tixgelintiisa iyo ixtiraamkiisaba.
Mudane Madaxweyne, Socdaalkaagii "Hanaqaad” wuxuu ahaa safar muggiisa iyo miisaankiisaba
lahaa, kaasoo aad mar kale Shacabkaaga ugu xaqiijisay ballan-qaadyadii
ay Xukuumaddaadu
la gashay ummadda. Taasoo ahayd in Xukuumaddaadu noqon doonto
Xukuumad ay dadku leeyihiin oo u adeegta danta guud ee bulshada. Mudane Madaxweyne, Socdaalkaagii "Hanaqaad”, wuxuu ahaa mid si dhab ah
shaaca uga qaaday taageerada baaxadda leh ee ay ummaddaadu kuu hayaan.Mudane Madaxweyne, Socdaalkaagii la magac baxay "Hanaqaad”waxa uu farriin cad iyo digniinba u ahaa kuwa had iyo
jeer xumaha iyo wararka been-abuurka ah ka shaqeeya. Waa Safar si weyn ugu
quus-gooyey af-miishaarka, si-xun-wax-u-sheega iyo horumar-diidkaba.
Mudane Madaxweyne, adigaa hore u siday:
ü
Tooshkii
Halgankii dib-u-xoraynta Dalka,
ü
Tooshkii Halbeega
3M (3M= Mujaahid, Mucaarid, Madaxweyne),
ü
Tooshkii
Samirka iyo Dulqaadka (doorashadii 2003),
ü
Tooshkii Isbedel
ku yimid nidaam Dimuqraadi ah,
ü
Tooshkii
Waxbarashada Bilaashka ah,
ü
Tooshkii
Daryeelka Danyarta,
ü
Tooshkii
kordhinta Mushaharka Shaqaalaha,
ü
Tooshkii
Furitaanka Axsaabta,
ü
Tooshkii
Fursadda Dhallinyarada,
ü
Tooshkii
Darajada iyo Daryeelka Ciidamada,
ü
Tooshkii Koboca
Dhaqaalaha;
ü
Tooshkii
Lacag-ka-bedelka Gobollada Bariga,
ü
Immikana adigaa qaadayTooshkii
HANAQAADKA Wax-qabadka iyo Horumarinta Dalka.
Mudane
Madaxweyne, horumarka iyo wax-qabadka baaxadda leh ee ay Xukuumaddaadu ku
tallaabsatay cid waliba kuma farxi doonto, waayo guusha ayaa cadow badan leh oo
aan cid waliba ku qanci doonin! Laakiin, Shacbiga Jam.Somaliland ayaa si
weyn u Qiray oo kaaga mahad-naqaya waxqabadka iyo horumarka ay Xukuumaddaadu ku
tallaabsatay, taasina waa Daliilka
Guusha iyo Garowshiiyaha ugu Sarreeya ee aad Madaxweyne ahaan adiga
iyo Xukuumaddaaduba ka heli kartaan Ummadda JSL.
ALLAA Mahad iyo Mudnaanba leh,
W/Q: Eng. Hussein Adan Igeh (Hussein Deyr) |Hargeysa,
Somaliland|
Socdaalkii HANAQAAD ee Madaxweynuhu wuxuu koobay Berri, Bannaan, Bad iyo Buurba!
Wuxuu ahaa Socdaal si shaki la'aan ah u soo bandhigay awoodda, kartida iyo asluubta ay leeyihiin qaybaha kala duwan ee Ciidamada Amniga Qaranka.