Dahabshiil Group Waa Shirkadaha Kaalinta Hore kaga jira Taagerida Danyarta Iyo Danta Guud -

0
Sunday March 23, 2014 - 08:46:32 in by Super Admin
  • Visits: 1068
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dahabshiil Group Waa Shirkadaha Kaalinta Hore kaga jira Taagerida Danyarta Iyo Danta Guud -

    Inta aan arkayey shirkadaha muwaadintiitu gaar u lee yihiin waxaan odhankaa Dhabshiil group waa ka horumarsantahay dhamaantood marka aan ka dersay dhinacyo badan:-

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Inta aan arkayey shirkadaha muwaadintiitu gaar u lee yihiin waxaan odhankaa Dhabshiil group waa ka horumarsantahay dhamaantood marka aan ka dersay dhinacyo badan:-

Dahabshiil Group Waa Shirkadaha Kaalinta Hore kaga jira Taagerida Danyarta Iyo Danta Guud -

Inta aan arkayey shirkadaha muwaadintiitu gaar u lee yihiin waxaan odhankaa Dhabshiil group waa ka horumarsantahay dhamaantood marka aan ka dersay dhinacyo badan:-

Dhinaca Adeega macmiilka:

1-Raali -gelinta macmiisha inta aan arkey ama la kulmay macaamiisha xiriirka la leh aad bay u raaligeysaa qaabka loogu adeegaa, oo inta badan arki meysid cabashoojin badan oo ka jirta.

2-Degdegsimaha iyo fulinta hawlaha kaga xidhma macaamiisha oo aad u fiican.

3-Cabashooyinka macaamiisha oo si degdega ay uga jawaabaan una xalilaan.

4-Caawimada macaamiisha oo ay si fiican gacan ugu fidiyaan,Sida Dadka da,ah, kuwa naafada ah,iwm oo inta badan u fududeeyaan adeega ay u baahan yihiin.

5-Xirfada shaqo aqoonta, inta badan wakiiladoodu waa dad xirfadooda shaqo ay aad u wanaagsan tahay, laakiin waa laga

elayaa meelo dhaliili ka jirto.

6-Aaminimada: Dahabshiil waa shirkadaha ugu sareeyeya ee Aaminaada ku sifaysan ,waa shirkad laytsku halay karo oo ilaa intay jirtay lagu arag wax ceeba

Dhinaca yada shaqo abuurka, dhaqaale kor u qaadka:

a) Shirkada dahabshiil waxaa ka shaqeeya oo ka howlgala dad badan oo soomaliyeed oo aan sumad gaara lahayn(sumad qabiil) oo ka hawlgala dhamaanba laamaheedad ka duwan ee caalamka, waa shirkad qofka lagu qiimeeyo aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo int badan, waa na shirkad aan odhan karo waa shirkad bulshadeed oo dadka afka somaliga hadlaa wada lee yihiin

b) Shirkada dahabshiil waxay kor u qaadey dhaqaalaha somaliya oo dhan ,oo magaalo kastaba waxa uga furan xafiisyo wax weyn ku kordhiya dhaqaalaha magaaladaasi.

Dhinaca Daryeelka iyo kor uqaadida aqoonta shaqaalaha:

-Tabaro joogto ah ayey shirkadu sii saa shaqaalaheeda si ay u kororto aqoontooda iyo tayada shaqaduba.

-Waxaa jira abaal marino la siiyo shaqaalaha shirkada iyo dalacsiimoba.

-Ma hubo in ay shaqaaluhu helaan hwlgabnimo IWM laakiin hadii ay jirto wanaagsan hadii kalena malaha wax ila qurux badan iney helaan shaqaaluhu.

Dhinacyada Samafalka bulshada:

ü Kaalin muuqada ama weyn ayey dahabshiil group kaga jiraan dhinaca khayrka ee shirkadaha hadii aaney kowba ka ahaaheyn.Waa la wada ogyahay sidii ay uga qayb qaatatey dhibaatooyinkii dabiciga ahaa ee gobolo badan oo somaliya ku dhufatey sida :-FATAHADII WEBIYADA,ABAARII la soo marey,DUFAANADII BADAHA, iyo kaar kale oo badan.

ü Gacansiinta ururada samafalka ee gacan uga baahda.

ü Ka qabqaaladashada mashaariicda logu horumarinayo bulshada sida: Ka qabgalka qaadhaanada loo ururinayo dugsiyada,jamicadaha,malcamadaha,biyaha,wadooyinka.

Dhinaca isgaarsiinta:

· Waxa ay shirkadu soo kordhisay isgaadhsiin casri ah oo qiimo ahaana jaban.

· Isgaadhsiintani waxay qab lixaad leh ka qaadatey xidhiidhka bulshada oo wanaagsanaada iyo shaqo abuur dhaqaale.

· Isgaadhsiintanu waxay kor u qaadey dhica dhismaha iyo fahanka dhinaca waxbarshada.

Dahabshiil oo qudha maha shirkadaha ku sifoobey hufnaanta adeeg ee waxa jira kuwo kale oo badan ,laakiin tusaale uun ban u soo qaatey shirkadan weyn ee dahabshiil group .

Ugu dambeyn waxaa lee yahay ILLAH (SWT) Ha barakeeyo Dhabshiil iyo kuwa kale eek u howlan dhisida dadkooda iyo dalkoodaba(AMIIN).



Mahadsanidiin


Diyaariye M J Farah

Political Analyst