Somalia oo si Toos ah U soo Faragelisey qaybo ka mid ah Somaliland iyo Xisbiyadeeda Mucaaradka ah

0
Sunday March 23, 2014 - 19:58:42 in by Super Admin
  • Visits: 1040
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somalia oo si Toos ah U soo Faragelisey qaybo ka mid ah Somaliland iyo Xisbiyadeeda Mucaaradka ah

    arar lagu kalsoon yahay oo laga helay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee maamulka taagta daran ee Muqdisho, iyo aqalkooda madaxtooyada, ayaa tibaaxaya in shirqolloo ka dhan ah qarannimad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

arar lagu kalsoon yahay oo laga helay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee maamulka taagta daran ee Muqdisho, iyo aqalkooda madaxtooyada, ayaa tibaaxaya in shirqolloo ka dhan ah qarannimad

Somalia oo si Toos ah U soo Faragelisey qaybo ka mid ah Somaliland iyo Xisbiyadeeda Mucaaradka ah

Warar lagu kalsoon yahay oo laga helay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee maamulka taagta daran ee Muqdisho, iyo aqalkooda madaxtooyada, ayaa tibaaxaya in shirqolloo ka dhan ah qarannimada iyo dimuqraadiyadda hanaqaadday ee Somaliland laga maleegayo xarumahaas si adduunka loogu majara-habaabiyo.


Labada tallaabo ee u dambaysay ee maaulkaasi ku kacay ayaa ah inuu ciidamo iyo malayshiyooyin hubaysan uu u soo diro gobollada Bari ee Jamhuuriyadda Somaliland isaga oo u soo maraya maamul-goboleedkiisa Puntland iyo in uu soo dhex galo axsaabta mucaaradka ah ee Somaliland oo uu tabo kala duwan isugu sawiro inuu gacanta ku hayo madax sare oo ka mid ah.

Wakhti aan sii fogeyn ayay ahayd markii ninka madaxweynaha ka ah maamulkaas iyo wasiirkiisa khaarajiga ay saxaafadda koonfurta hoos ka siiyeen inay heshiis la yihiin, ‘caqligoodana’ ku soo dabbaaleen Injineer Faysal Cali Waraabe, oo la sheego inuu ku ad-adag yahay qaddiyadda Somaliland – dhalliil kasta oo kale ha iska lahaadee. Waxa kale oo ay ku sawireen safaaradooda Turkiga, oo ay saxaafadda u sheegeen inuu ku dhaxay.


Sidoo kale, waxa hadda soo if baxday in Somalia ay si qaawan oo aan gabbasho lahayn hoggaanka u sudhatay xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, oo rag awelkoodii u dhashay Somaliland, siyaabo kala duwan u soo dabeen hoggaamiyahooda, Guddoomiye Cirro, oo isla markaana haya jago halbowle u ah degganaanshaha ahaanshiiyaha dhan ee qarannimada Somaliland – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland.


Haddaba, waxa ilaha xogogaalka ahi tilmaameen in Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somalia iyo Guddoomiye Cirro ay xidhiidh wada-shaqayneed oo dhow yeesheen, arrintaasina ay soo if baxday markii uu Waddamada Carabta ka wasdeeyey Guddoomiyaha si ay, isaga iyo raxan saraakiishiisa ahi, booqasho taageero iyo dhaqaale-urursi ah ugu gala-bixiyaan waddamada Carabta iyo meelo kaleba.

Waxa wasiirkaasi adeegsaday wax uu rumaysan yahay oo ah in haddii Waddani talada loo dhiibo, midow dhex mara Somaliland iyo Somalia  uu yahay suurtagal, iyada oo Somalia rumaysan tahay inay taageerada midow ee u badan ka dhex heli karto Waddani.


Waxa Wasiir-ku-sheeggu ka faa’iidaystay, ayaa wararku leeyihiin, habacsanaan siyaasadeed oo badiba ku ciirta dhinaca qabyaaladda oo Somalia ka dhex aragtay Guddoomiye Cirro, sida ka muuqatay muuqaal uu jaaliyadda Somaliland kula kulma Jeddeh, Saudi Arabia, dhowaan, oo isaga, Fagfagaash iyo Cabdiraxmaan Xoog, oo, ayaan darro, isku beel ah, isku Xisbina keligood habeenkaa fagaare caalami ah ugugu hadlayey.

Visa-ha iyo qaban qaabadii bixitaanka Safarka uu Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ciro ugu baxay wadamo ka tirsan Dawladaha Carabta ayaa la sheegay inuu sababteeda lahaa Wasiirka Arimaha Dibada Dawlada taagta daran ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle,waxaana la sheegay in safarkan Ciro ka mid yahay gabood falada dahsoon ee ay dawlada Soomaaliya u shir qoolayso jiritaanka gooni isutagga Somaliland, xog aanu safarkan ayaa iftiiminaya in ka hor intaanu Ciro Safrin, inay xidhiidh wada sameeyeen Dawlada Soomaaliya,islamarkaana ay kala sexeexdeen heshiisyo lidi ku ah Somaliland,iyadoo dawlada Soomaaliya u balan qaaday inay kharash carabta u waydiinayso si uu khalkhal ugu galiyo mawqifka Gooni isutaaga ee shacabka Somaliland isagoo mar marsiiyo ka dhiganaya doorashooyinka inagu soo fool leh.


Gudoomiyaha Golaha wakiilada oo ay aad ugu yar tahay aaminaada Gooni isutaaga Somaliland ayaa mudooyinkan danbe ku foogan shirqoolo halis ku ah Somaliland,waxaanu markii uu siyaasadiisa wax ku goosan waayay,islamarkaana uu xisbigiisu Waddani Waajahay duruufo  dhaqaale yaraan uu bilaabay dhaq dhaqaaqyo uu ugu soo lacag urursanayo sidii uu khal khal u galin lahaa nabad galyada iyo jiritaanka Qaranka Somaliland,isagoo taageero ka helay dawlada Soomaaliya ee muqdisho amaankeeda sugi kari la’ islamarkaana hadh iyo habeen u halgamaysa sidii ay u majaro habaabin lahayd Doonista Shacabka Somaliland ee gooni Isutaaga.


Sida aanu ku helnay xogo lagu kal soon yahay oo ku saabsan safarkan uu Gudoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Ciro Carabta ugu maqan yahay,ka hor intaanu safarkan u bixin waxaa la sheegay inay si toos ah uwada xidhiidheen Ciro iyo Dawlada Soomaaliya iyagoo kulamo kala duwan ku qaatay Caasimada Itoobiya ee Adis-Ababa. Dawlada Soomaaliya ayaa Ciro u soo ban dhigtay inay ka kaalmaynayaan sidii uu ugu guulaysan lahaa madaxtinimada Somaliland haduu qaato mawqifka Soomaali weyn,waxaana la sheegay Cabdiraxmaan Ciro oo ay baryahanba xaadhatay xisbigiisa busaarad dhaqaale yaraani,uu markiiba isku dhiibay dalabkaasi ay dawlada Soomaaliya u soo bandhigtay. Safarkan uu imika carabta ku marayo ayaa ah fulinta shuruudihii hor dhaca ahaa ee ay dawlada Soomaaliya ka saxeexday.


Dawlada Soomaaliya oo uu matalayo wasiirkooda arimaha dibadu ayaa wadamo cayiman oo ay sii balamiyeen ciro ku amray inuu socdaal ugu baxo,iyadoo la sheegay inay wadamadaasi marka ay qoraalo ka saxeexaan dabadeedna ay siinayaa deeqo lacago ah oo aan sidaa u buurnayn si khal khal ugu galiyo nabadgalyada Somaliland,isagoo dabka ka hurinaya doorashooyinka inagu soo fool leh,waxaa la sheegay in safarkaasi ay ka war heleen xubno ka tirsan xisbigiisu islamarkaana uu buuq ka dhex jiro maalmahan u danbeeyay xisbigiisa,iyadoo la raajicinayo in xubnahaasi qaar ka mid ahi ay wadaan qaabkii ay iskaga casi lahaayeen xisbiga iyo sidii ay u fashilin lahaayeen qorshaha dahsoon ee ciro u maleegayo Somaliland.


Farid Cadami "Jannaale”

Hergeisa/ Somaliland

farid.cadami@gmail.com