Guur iyo Gayaan (SHEEKO GAABAN)

0
Tuesday March 25, 2014 - 15:24:59 in by Super Admin
  • Visits: 3773
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Guur iyo Gayaan (SHEEKO GAABAN)

    Akhriste waxa aan doonayaan inaan halkan ku soo bandhigo Arin soo jireen ah oo aan ugub ahayn taas oo ah mida uu ku dhisan mujtamaca muslinka ah Alle ayaa khalqiga u qaybiyay lab iyo dhedig isu boholyooba oo badhkoodba badhka kale u baahan yahay kuw

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Akhriste waxa aan doonayaan inaan halkan ku soo bandhigo Arin soo jireen ah oo aan ugub ahayn taas oo ah mida uu ku dhisan mujtamaca muslinka ah Alle ayaa khalqiga u qaybiyay lab iyo dhedig isu boholyooba oo badhkoodba badhka kale u baahan yahay kuwaas oo si naba u kala maarmi Karin Guur iyo Gayaan 
Akhriste waxa aan doonayaan inaan halkan ku soo bandhigo  Arin soo jireen ah oo aan ugub ahayn taas oo ah mida uu ku dhisan mujtamaca muslinka ah Alle ayaa khalqiga u qaybiyay lab iyo dhedig isu boholyooba oo badhkoodba badhka kale u baahan yahay kuwaas oo si naba u kala maarmi Karin 
> Isla markaana badhkood ba badhka kale ku asturan yahay sida uu nabiguba sheegay raga iyo dumarka 
> Is qabaa waxay isu yihiin HU ama dhar midkood ba midka kale ku asturan yahay hadaba akhriste 
> Guurka iyo gayaan xulashadu waa howl u baahan hawlkarnimo iyo isbarasho inta la awoodo ah 
> Waxana mudan in qof kastaaba in badan ka fakaro cida uu nolosha uu laqaybsanayo iyo waxa ay tahay 
> qof walibana waxa uu doonayaan waxa uu ku salaysan yahay hadba hamiguusu waxa uu ridan yahay 
> Hadaba waxa is waydiin mudan waa maxay muhiimada in reer la dhisto laga leeyahay 
> , maxaa yeelay ujeedada aqalku aad ka leedahay waxay noqon kartaa inaad hesho aduun , magac,caruur raaxo iwm. 
> Hadaba akhriste waxaa mudan inaad qofka ka cajab galiyay ama aad is tidhi nolosha waad la wadaagi karaysaa 
> Inaad is barataan barasho aan lagu talax tagin waxan sida u leeyahay waxa jira in kooban oo sharcigu kuu ogol yahay maxaa yeelay diinteenu ma ogola waxa loo yaqaano saaxiibka ama in mudo sanado ah lasyska wada socdo ama la sheekayso sida hada aynu ku aragno dhalinyarda dhexdeeda hadaba waxa muhiim ah inaad dhamaan su,aalahan jawaab u hesho 
> 2. Maxaad doonaysaa mustaqbalka inaan gaadho ? Xagee doonaysaa inaad ku noolaato , side doonaysaa inaad u noolaato? Maxaadse damacsan tahay intaad nooshahay inaad xaqiijiso mustaqbalka dhaw ama ka dheerba ? Waxa laga yaaba hadaan su,aalahan laga midaysnayn inay lamaanuhu isku dhib mutaan ama is la jaanqaadi waayaan 
> Hadal halkan kooban laguma soo koobi karo muhiimada guurka ha yeeshee waxaan doonayaan inaan wuxuun ka tilmaamo 
> Guntii iyo gabagabadii waxan kusoo uririnayaa tii uu nabigu yidhi {scw}
> Dumarka waxaa loo xushaa sadex xaalo midkood 
> 1: inay qurux leedahay 
> 2: inay maal leedahay 
> 3:inay nasab leedahay 
> 4: inay diin leedahay 
> Nabiguna wuxu yidhi {scw} waar doorta mida diinta u saaxiibka ah 
> Hayeeshee akhriyste midida daabkeeda adaa haya waa inaad in badan ka fakartaa cida aad nolosha la wadaagayso waxan sida u leeyahay qoyska wanaagsan ayaa dhala bulsho wanaagsan bulshadeenuna halka ayka dhismi la,dahay waa qoy ogow oo caruurta aadka u da,da yar-yar ee suuqa xabagta ku nuugaysa waxa dhalay hooyo iyo aabe kasoo bixi waay masuuliyadii ka saarayd qoyska iyo ilmahooda waa inaynu si wanaagsan uga fakarnaa mustaqbalkeena wiilal iyo gabdhaba oo aanu haba yaraatee wax dagday g iyo dheel dheel midna ku jirrin 
> Naftu seeto yey waayin
> Hana falin sidaad doonto

> Hadalkana sar weedhiisa
> Una saaf qofkii waaya
> Ha ka tegin sarbeebtiisa
> Hana gelin sursuur oodan
> Hana lumin sargoyntiisa
> Hana liqin sangaabtiisa
> Ha ku saxan badheedhkiisa
> Runta sogordoh haw yeelin
> Ha suldaarin dooddiisa
> Sisibaa wadaaggiisa
> Sababee abbaartaada
> Hana badin su’aashiisa
> Sarrifkiyo tilmaantiisa
> Saddex erey halkii dooni
> Soddon yaanay kaa qaadan
> Siddi-qabaxi yay raacin
> Sare haw dhig-dhigin luuqda
> Gacantana ha saydh-saydhin
> Hana odhan wax sawliila

> su,aal : akhriste maxaad u aragtaa qoyska ? 
> Ma waxaad u aragtaa guurku inuu yahay in lagu raaxaysto, mise inuu yahay in caruur ladhalo, mise in lays waydaarsado baahida jinsiga ah ee alle inagu abuuray ? {fikirkaagu waa muhiim si ay asxaabtaaduna kuula wadaaagto } 

> W/Q :maxamed ibraahim cabdilaahi {ibnu quful} 
> Email:m.ibraahim@live.com