Duruufaha Qadhaadh ee Haysta Dadkeena Qaba Xanuunka Dhimirku Waa Mid u Baahan Wax ka Qabasho Deg-deg ah!WQ: Amb.kaysar

0
Saturday February 14, 2015 - 10:05:39 in by salman abdi
  • Visits: 1506
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duruufaha Qadhaadh ee Haysta Dadkeena Qaba Xanuunka Dhimirku Waa Mid u Baahan Wax ka Qabasho Deg-deg ah!WQ: Amb.kaysar

    Inbaa Dooxyada dhex jiifta, Inbaa Derbiyada ku laaban, Inbaa Daranyeysan Gaajo,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Inbaa Dooxyada dhex jiifta, Inbaa Derbiyada ku laaban, Inbaa Daranyeysan Gaajo,

" Gaajadii  darnayd ee haysay waxay ku kalliftay in uu Waxar yar oo Wadada maraysay uu ku soo boodo oo iyada oo Nool uu dhawr Wasladood oo Hilib ah ka Goosto”

Inbaa Dooxyada dhex jiifta,

Inbaa Derbiyada ku laaban,

Inbaa Daranyeysan Gaajo,

Dhaxanta Daranee dhacaysa,

Qabawgiyo Dayro-dhaafka,

Ma haysto Daryeel Cid siisa.

Xanuunbaa Dilay Jidhkiisa.

Rabbiga Dunidani Abuurey,

Rabbiga Qaar Derejo siiyay

Ogow wuxu uga danleeyay,

In kii Deeqaha   la siiyey,

Midkii Taag daran uu Wax siiyo.

Daliilbaa ina horyaalla,

Allaa ina Daawanaaya

Abwaan Cabdiqaadir Qalinle.

Bilowgii Todobaadkan aynu ku Jirno ayay ahayd markii ayUmmadu  la Argagaxday Dhacdo Murugo lahayd oo uu Bulshada uu usoo Tebiyay Wargeyska Saxansaxo ee  ka soo baxa Caasimada Somaliland ee Hargeysa, taasoo ku saabsanayd Nin aan Miyirkiisu dhammayn oo  Waxar yar oo Wadada maraysay intuu ku booday uu iyadii oo Nool uu dhawr Wasladood ka goostay isaga oo isticmaalayay  Safeexad yar oo  sida Midida u samaysnayd, waxaana Wargeysku tilmaamay in Ninkaas Xanuunsanayay uu Hilbkii la tegay goob oo ku Noolaa oo Qashin ka buuxay oo dhinaca Galbeed ka xigta Daarta Weyn ee Deero Mall oo ka mid ah dhismayaasha quruxda badan ee Hargeysa badhtankeeda ku yaalla halkaas oo badiyaa ay ka Dukaamaystaan Dadka Ladan ee Dhaqaalahoodu fiican yahay. Waa Murugo iyo Ayaan darro aan laga seexan karin in dhawr Talaabo oo kaliya ay isu jireen Ninkaas Maskaxda ka Xanuunsanaya ee ay Gaajadu dubatay iyo Dadkan Ladan ee Dukaamada ku ag dhaw ka adeeganayay ee aan Indhahoodu Qaban Ninkan Xanuunsanaya ee Agtooda ku Gaajoonayay ee ay Duruuftu ku qasabtay inuu Waxar Nool Nolosha ku diirto, waa arrin Ceeb iyo Cuqubo ku noqonaysa Mujatamaceena Miyirka Qaba in ay dadkii uu Allah Miyirkooda ka Qaaday ay hareeraraheena ka Muuqdaan iyaga oo Dhaxan, Gaajo iyo Xanuun la Il daran,waana Damiir Xumo weyn oo Allaha Awwoodda badani uu inoogu cadhoon doono haddii aynaan degdeg fadhiga uga kicin.

Dhacdo Xanuun Badan oo aan Magaalada Hargeysa kula Kulmay!

Gaajada qadhaadh ee Ninkan Buka Haysatay ma aha mid kaligii ku kooban ee waa duruuf ay ku jiraan inta badan dadka Miyiriku ka Tegay ee Magaalooyinkeena dhex  daadsan, bal ila wadaaga  Qisadan Murugada badan ee aan Indhahayga ku arkay xilli aan Hargeysa ku sugnaa.

Waxay ahayd qiyaas ahaan Kowdii iyo badhkii  Duhurnimo, waxaana Cadceedu ay ahayd mid aad iyo aad u Kulul, waxaan la socday Gaadhi uu waday Saaxiibkay Cabdifataax Ibraahim Sheekh oo ka tirsan Gudiga Doorashooyinka Qaranka, iyada oo aanu Hormarayno Goolada ku hortaala Saldhiga Dhexe ee Booliska Hargeysa ayaa mar qudha waxay indhahaygu qabteen Nin Qaawan oo Mudh iyo gacan ah oo aan wax dhar ah xidhnayn oo kabo la’aan wadada dhinaceeda socda, waa murux xataa Nigis ma xidhna! Waxaan markiiba la hadlay Cabdifataax oo aan ka codsaday inuu gaadhiga joojiyo si aan ninkan arrinkiisa wax uga qabano, markiiba waxaan ku Cararay oo aan orod ku galay Saldhiga Boliska si aan uga codsado inay Askar igu daraan ninkan ila qabata si aanu Dhakhtarka Dhimirka u geyno, markiiba waxaa isna saldhigii isaga ordaya iga soo daba galay Askari ka tirsan Milatariga Somaliland ee Ciidanka Madaxtooyada oo arkay aniga oo Saldhiga ku ordaya waxaana uu mooday in dhibaato ay iga dhacday, dood yar oo askartii Booliska na dhex martay ka dib waxay markiiba igu soo dareen laba Askari, waxaa kale oo na  soo raacay Askarigii Madaxtooyada ka tirsanaa waxaana ninkii aanu ku soo gaadhnay isaga oo Khayriyada agteeda maraya!

 

_70496019_76790796

 

Miis lagu dul iibinayay Dharka  Duug ah ee huudheydhka loo yaqaan ayaan markiiba Dhar uga  iibinay oo aanu u gelinay, waxaana Kaboole meesha agteeda fadhiyayna aanu uga qaadnay Kabo uu isla markiiba xidhay, wax dhib ahna ama diidmo ahna kamaanu arag inuu Lebisto oo uu dharka iyo Kabaha xidho. Hudheel Khayriyada dhinaca Bari kaga qabsanaa ayaanu hadana keenay oo Cunto uga dalabnay, waxa markiiba uu si yaab leh u cunay Cuntadii isaga oo Gaajo aad u darani ay ka Muuqatay, Sida uu Hamuunta ugu qabay Cuntada iyo degdega uu wax walba afka u gelinayay ayaa ka marag kacayay in  muddo ay gaajo xumi haysay oo xataa laga yaabo inaanuu Dhawr Cisho wax cunin, sida xaqiiqdu tahay kolba gees ayaan u dhaqaaqayay inta Ninakan Bukay uu Cuntada cunayay, hoos ayaanan u foorarsanayay si aanay Askartii iyo dadkii meesha joogay u arag ilmo indhahayga ka soo burqanaysay oo aan kolba si hoose isaga tirtirayay!  Waxaa aad ii murugo geliyay oo maskaxdayda ka daadegi waayay waxa ninkan sidan ah ay Bulshadii arkaysay ay ugu damqan weyday,waxa laga yaabaa in Ilaa Wadada shacabka uu qaawani ku soo lugaynayay, waxaa intaas ag socday Dad iyo Baabuur tiro badan, mana arag qof ka damqanayay oo gacan u fidiyay ninkaas Miyirka la’aa, ee isaga oo Murux ah oo qaawan oo Gaajonayay wadada dhinaceeda lugaynayay.

Allaha Awwoodda leh waxba kuma aha in Dhamaanteen aynu Waalano oo aynu Maryaha dhigano, Allaha Awwoodda leh waxba kuma aha inuu Hantida aynu haysano uu inaga qaado oo uu Foqoro inaga dhigo, Allah waxba kuma aha inuu Caafimadka aynu haysano uu Xanuun inoogu bedelo, Allah waa inagu eegayaa dadkan ku gaajoonaya Agteena, dadkan buka ee Allah uu Miyirkii ka qaaday ee Shalay inaga inala midka ahaa.

Maxaa Xal ah? Sidee  ugu Degdeg Badan ee Dadkan loo Xanaanayn Karaa? Xagee ayaa hawsha laga Bilaabi karaa?

  1. Qorshaha Mudada Dhow ee Dadkan Wax loogu Qaban karo:

Marka koowaad waxaa loo baahan yahay in Xoogga la saaro Dadka Waallan ee Magaalooyinka Dhex daadsan, waa dadka gidaarrda fadhiya,ee Wadooyinka lugayna habeen iyo maalinba ee dhaxanta meel ay ka galaan aan haysan ee ay waliba carruurtu shiido mar kasta.

Tusaale Magaalada Hargeysa:  Dadka Waalan ee Magaalada Dhex socda ee Bilaa Hoyga ah ee aadka u Rafaadsan ee gidaarrada seexda tiradoodu kama badana ilaa Boqol Qof.

Waxaa kale oo Magaalada Hargeysa ku yaalla Cisbitaalka guud ee Dhimirka iyo ugu yaaraan ilaa Afartan Cilaaj oo ah goobaha gaarka loo leeyahay ee lagu hayo dadka Buka oo dadka dhaqaalahoodu fiican yahay ay  dadkooda xanuunasada geeyaan si loogu hayo, iyaga oo Bishii waxoogay lacag ah bixiya.

Hadaba waxaa loo baahan yahay in talaabooyinkan lagu dhaqaaqo.

  1. Cilaaj kasta ama Qof kasta oo leh Meel Cilaaj ah oo gaar ah oo dadka buka lagu hayo  waxaa haboon inuu Qaato oo uu si Bilaash ah oo Lilaahi ugu tabaruco in uu Dhabarka u rito Xanaanada iyo haynta Hal qof oo ka mid ah dadka Buka ee suuqa dhex joogga si bilaash ah.

Haddii Xarun kasta oo Cilaaj ahi ay talaabadaas ku dhaqaaqo oo ay hal qof Dhabarka u ridato xanaaneyntiisa iyo hoygiisa, cuntadiisa iyo daaweyntiisa, waxaa suurto gal in dadkii bukay badankoodu ay xaroodaan.

Dadka soo hadha ee Buka laftigooda waxaa si lacag ah loo dhigi karaa goobaha gaarka loo leeyahay iyada oo Dhaqaalaha ku baxaya ay Bulshadu ay iska uruurinayso oo lagu bixinayo dadkaas hayntooda, cuntadooda iyo dabiibkooda. Waxaana loo baahanay in Dalka gudihiisa iyo Debadiisaba laga bilaabo dhaqaale dadkaas Masaakiinta ah ee uu Allah Miyirka ka qaaday lagu xanaanaynayo.

Ugu danbayn Wasaarada Caafimaadka oo Qaranka Masuul uga ah Ilaalinta Caafimaadka  iyo Xanaaneynta Muwaadiniinta ayaa looga fadhiyaa inay la timaado  Xal Mudada dheer ah oo dadkan wax loogu qabanayo.

Codsi: Haddii aad Dalka Hooyo ku Sugan tahay oo Allah uu Caafimaad iyo Dhaqaale ku siiyay fadlan isku day in ugu yaraan aad Maanta ka farxiso Qof Xanuunsanaya oo Allah uu Miyirkii ka qaaday, ogow in aanay jirin cid aan adiga ahayn oo uu sugayaa, fadlan istaag oo Dhar iyo Cunto u gee, haddii aad awoodana Cilaaj gee oo dhabarka u rido inaad bixiso kharashka ku baxaya. Hubaal wax ah inaad If iyo Aakhiraba ku Liibaani doontid.

Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed

kaysar@diplomats.com