Tababar La xidhiidha Tayaynta Shaqalaha Fayo-dhawrka Dawlada hoose ee Berbera oo saka ka furmay Xarunta Dawladda Hoose+SAWIRO

0
Monday February 16, 2015 - 11:59:44 in by salman abdi
  • Visits: 1160
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tababar La xidhiidha Tayaynta Shaqalaha Fayo-dhawrka Dawlada hoose ee Berbera oo saka ka furmay Xarunta Dawladda Hoose+SAWIRO

    Agaasimaha Waaxda Arrimaha Bulshada Dawalada hoose Berbera Jimcaale Cawke ayaa Bartiisa facebook ku baahiyey ujeedada tababarkan waxanu qoraalkaasi u dhigna sidan:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Agaasimaha Waaxda Arrimaha Bulshada Dawalada hoose Berbera Jimcaale Cawke ayaa Bartiisa facebook ku baahiyey ujeedada tababarkan waxanu qoraalkaasi u dhigna sidan:
waxanu saaka bilownay Tababar aanu iska kaashanay Wasaarada Caafimaadka G/sahil oo aanu kor ugu qaadayno Aqoonta iyo Khibrada Shaqalaha Fayo-dhawrka ee waaxda arimaha Bulshada Dawlada Hoose.

ujeedadan tababarkan waxay ka koobnayd laba ujeedo oo kala ah:

1. In aqoonta shaqalaha kor loo qaado si ay adeega bulshada aan u hayno ee la xidhiidha xaga fayo-dhawrka iyo nadaafada kor loogu qaado.
2. Sidoo kale wuxu tababarkani bar billow u yahay hawl gal balaadhan oo aanu dhawaan magaalada Berbera ka bilaabi doono kaas oo ah in Huteelada cuntada ee ku yaala magalada loo samayn doono Shahaado Fayo-dhawr oo ka turjumaysa heerka nadaafadiisa, sido kale waxa iyana la baadhi doona Shaqalaha ka shaqeeya Huteladaas Cafimadkooda waxaana shaqaale kasta lasiin doonaa Kaadh caafimaad ka dib marka la hubiyo xaladiisa, iyadoo ka danbayso aan la ogolaan doonin shaqaale Bilaa kaadh cafimaad ahi in uu ka shaqeeyo Huteelada ku yaala magaalada Berbera mustaqbalka dhaw insha Allah.
Furitanka tababarkan waxa kasoo qayb galay Badhasabka Gobolka Fahmid Cabdi, Mayer Abdi Shakur iyo Ku xigeenisa Yacquub, Xoghayeha Fulinta Suhayb maxamed cali , Xildhiban Mohamed Ali Xaji, Isuduwaha cafimadka Gobolka Abdirahim A. Dualeh Cajab iyo Agaasimaha Dawlada hose ee Maamulka iyo maliyada.
Mahad gaar ah waxaan u dirayaa Wasaarada cafimaadka oo hawshan si wayn qayb uga ah iyadoo aan rajaynayo bulshada Gobolka saxil ku dhaqan gaar ahaan kuwa magaalada Berbera gaar ahaan Huteelada Cuntada in ay hawshan nagala shaqayn doonaan.