Wasiirka Wasaarada Biyaha Somaliland Oo Maanta Hortagey Gudida Joogtada Ah ee Golaha Guurtida

0
Monday February 16, 2015 - 16:03:49 in by Hargeysa Office
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Wasaarada Biyaha Somaliland Oo Maanta Hortagey Gudida Joogtada Ah ee Golaha Guurtida

    Wasiirka Wasaarada Biyaha Somaliland Oo Maanta Hortagey Gudida Joogtada Ah ee Golaha Guurtida

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaarada Biyaha Somaliland Oo Maanta Hortagey Gudida Joogtada Ah ee Golaha Guurtida

Hargeysa(Afk)Wasiirka wasaarada Biyaha Somaliland Xuseen Axmed Cabdule ayaa Maanta hortagey Gudida Joogtada Ah ee golaha Guurtida Somaliland isagoo ugu warbixiyey halka uu marayo mashruucii biya galinta xunba weyne.

wasiirku,waxaa uu tilmaamay inuu Ceelal Badan ka Hir Galiyay Bari ilaa Min Galbeed kuwaas oo dhamaan Ah biyo Macaan.Wasiirka wasaarada Biyaha Somaliland waxaa uu faah faahin ka bixiyey Wax yaabihii u qabsoomay inta uu xilka Hayay,Wasiirku waxa uu ka waramay wadashaqaynta ka dhaxaysay Mareeyaha wakaalada Biyaha Hargaysa iyo Halka Uu Maryo Biyihii Xunbo Wayne,taas uu sheegay in Halkii Loogu Talo Galay ee Bari iyo Hawd Biyahaasi ku wajahan Yihiin.

Wasiirka Wasaarada Biyaha Somaliland Xuseen Axmed Cabdule oo Arintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi.waxa aynu Leenahay Ceelal Faro Badan oo Meelo Kala Duwan ka Qodan,waxaa Dhici Jirtay Hadii Ceelalkaas Midi Xumaado,Wafti ayaa La diri jiray oo la odhan jiray orda oo Meeshaas Soo eega Ciladana Soo ogaada taasi way Noo Suura Gashay oo wafti Balaadhan ayaanu u dirnay Bari ilaa Galbeed,taas oo Loogu Kuur Galayo Xaaladaha Ay ku Sugan Yihiin Ceelashu,waanu ku Guulaysanay Taas oo Ilaa Ceelaayo iyo Lawya-cado way Noo Suntan yihiin Ceelasha Ku yaal Deegaankaasi.

Waxa uu intaasi Raaciyay wasiirka Wasaarada Biyaha Somaliland Xuseen Axmed Cabdule isaga oo Hadalkiisa Siiwata."Maanta Wasaaradu waxa ay Guul ku gaadhay in Marka Layidhaa Ceel Hebe loo ku yaal Deegaankaas Ayaa jabay oo Banki ka Xumaaday Aanu Komiyuutarka Baadhayna Ceelku Nooca uu ahaa iyo Banka Ku yaal Dabadeena Aanu Dirayna Wixi uu u Baahnaa,Taasina Waa Mid Aad iyo Aad Noogu Fududaysay Arimaha Biyaha.

Dhinaca kale waxa uu wasiirku ka waramay Waxqabadka u Hir Galay Inta uu Xilka Hayay,waxaana uu ku dheeraaday Muhiimada Ay wasaaradani Dalka Ugu Fadhido."Intaan wasiirka Ahaa waxa Noo Hir Galay Mashariic Badan oo uu Hir Galiyay Wasiirkii Hore,Mudana Jiitamayay Ayaanu Hir Galinaya Kuwaasina Waa Mashariic Aan Anigu Keenay Markaad Igu Aragteen Marba Aniga oo Gobol Jooga,waxa Noo Hir Galay Maanta in ay wasaaradii Tahay wasaarada Aan Haysan Miisaaniyada ku Filan,Hadana waxqabadka wasaaradu waa Muuqdaa,Dadaalkiina waanu wadnaa.

Sidoo kale Waxa uu ka waramay Biyaha Xunba wayne iyo Goorta Lasoo Gaadhsiinayo Magaalada,isaga oo carab Dhabay in ka Madax Banaan Tahay Wakaaladii Biyahu isla markaasna Aanu u yeedhi Karani Ka wasiir Ahaan.

"Wakaalada Biyaha ee Hargaysa oo ah Wakaalada Ugu wayn Somaliland Ima Hoos Timaado waana Wakaalada Madax Banaan Oo Aanan Anaguna uma Yeedhi Karin,Lakiin waanu ka war Haynaa Siday u shaqayso,taasna waan idin Dareen Siinay,Mashruucan Xunbo wayne Mudo ku siman Afar Sano Ayuu miiska inoo saarnaa,waxaana u imi Mashruucii oo ceelashii Laqoday oo Taagan oo khad Uu Mari Lahaa Mashruucaasi la dhigay,taasina waxa ay keentay is-qasbi,taasna waxaanu u dhignay Bari ilaa Hawdka Magaalada Hargaysa.

wasiirku waxa uu intaas Raaciyay in Biyihii Xunbo wayne Halkii Loogu Talo Galay ee Bariga iyo Hawdka Hargaysa ay Marayaan,Siyaasada wasaaraduna ku wajahan tahay sidii Dhakhso Loogu dhamayn Lahaa Arimaha biyaha isaga oo Soo Iftiimiyay in lacago Badan oo lagu Dar-dar Galinayana Laga Halay Sanduuqa Horumarinta Somaliland waxaana uu yidhi.

"Waxaana ku Rajo waynahay oo Aan Maanta ku Faani Karaa in Dhamaan wasaaradihii Aan wax la qaban Jiray wasaarada heegan u yihiin in ay wasaarad Xaga Biyaha wax kaga qabtaan,Lacagtii Aanu ka helnay Sanquuqa Horumarinta Iyo Haay’addaha Dhamaan Meeshii loogu talo Galay ayaanu ka Muujinay,Sanduuqa Horumarinta Somaliland Uu Hal Milyan ugu Deeqay Gobolka Laas-caanood oo biya Loogu baadhayo saddec Ceelna Loogu qodayo.

Gaba-gabadii Xildhibaanada Golaha Guurtida somaliland ayaa Wasiirka wasaarada Biyaha Jamuuriyad somaliland Su’aalo ka waydiiyay Xaalada Biyo La’aaneed Ee Gobolada Somaliland Siiba Caasimada Kaas oo wasiirku cadeeyay in Sanadka 2016Ka Daba-yaaqadiisa La Hir Galin Doono Ceelal Ku filan Hargaysa.

contact@afkashacabka.com