Guddida Dhismaha Jidka Dawga-cad Oo Lasoo Gadhsiyay Deeq Lacageed Oo Ay Soo Direen Hablo Ku Jooga CARDIF

0
Thursday March 27, 2014 - 10:49:45 in by salman abdi
  • Visits: 1017
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddida Dhismaha Jidka Dawga-cad Oo Lasoo Gadhsiyay Deeq Lacageed Oo Ay Soo Direen Hablo Ku Jooga CARDIF

    Guddida dhismaha Jidka Dawga-cad ee Waqooyiga Magaalada Hargeysa oo hadda maraya wejigii labaad ee dhismaha jidka Hargeysa ilaa Ceel-sheekh,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddida dhismaha Jidka Dawga-cad ee Waqooyiga Magaalada Hargeysa oo hadda maraya wejigii labaad ee dhismaha jidka Hargeysa ilaa Ceel-sheekh,

ayaa guddoomay deeq lacageed oo ay soo direen laba hablood oo ka mid ah jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan Magaalada Cardif ee cariga Ingiriiska.

Labadan Hablood Magacyadoodu kala yihiin Aamin Cali iyo Caasha Xasan isla-markaana ka mid ah ururka haweenka GOBAAD, wejigii horena si weyn uga qayb-qaatay ayaa waxay soo direen deeq lacageed oo dhan $ 10,933 (Toban Kun, Sagaal Boqol iyo saddex iyo Soddon) Doollar.

Deeqdan lacagta ah ayaa waxa guddida dhismaha jidka Dawga-cad ku wareejisay Marwo Xaliimo Cali Muuse oo ay hablahaasi ku soo hagaajiyeen lacagtan deeqda ah.

Xaliimo Cali Muuse, oo markii ay guddida dhismaha jidkaasi ku wareejisay lacagta hadashay ayaa faahfaahisay lacagtan deeqda ee ay soo direen Alle khayr haka siiyee labadan hablood, waxayna tidhi "Waxa i soo gaadhay lacag ay soo direen hablihii Cardif (Ingiriiska), kuwaasi oo kala ah Aamin Cali iyo Caasha Xasan, lacagtaasi oo dhan $ 10,933 (Toban Kun, Sagaal Boqol iyo saddex iyo Soddon Doollar), waxaanan ku wareejiyey guddida dhismaha jidka Dawga-cad, waana hablihii qaybtii hore ka qayb-qaatay ee ugu lacagta badnaa, maantana qaybtii labaad ayay ka soo qayb-qaateen, rejo weynna waxay ku qabaan inay qaybta saddexaad-na ka soo qayb-gali doonaan”

Marwo Xaliimo Cali Muuse, waxay ku baaqday in laga qayb-qaato dhismaha jidka Dawga-cad "Hablaheenna iyo raggeena oo dhan meel kasta oo ay joogaan gacan waa looga baahan yahay, hawshana in badan ayaynu wadnay, imikana meeshii ugu wanaagsanayd ayuu sii marayaa”

Guddoomiyaha guddida dhismaha JidkaDawga-cadoo guddoomay lacagtan la soo gaadhsiiyey iyo guud ahaan xubnaha guddidaasi ayaa Aamina iyo Caasha ugu duceeyay in Alle (SW) uu khayr ka siiyo ka qayb-qaadashada dhismaha jidka Daw-cad, iyaga oo Alle uga baryey in halkii ay ka soo saareen uu wax ka khayr qaba u galiyo ama ugu bedalo.



Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com