Maxkamadda Gobolka Hargaysa Oo Dhegaysatay Dacwadda Dilkii Marxuumad Ruqiya Siciid Ayaanle.

0
Thursday March 27, 2014 - 11:22:54 in by salman abdi
  • Visits: 1312
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamadda Gobolka Hargaysa Oo Dhegaysatay Dacwadda Dilkii Marxuumad Ruqiya Siciid Ayaanle.

    Maxkamadda Gobolka Maroodi Jeex Ayaa Shalay La Horgeeyay Gabadh Ku Eedaysan Inay Ka Danbaysay Dilkii Loo Geystay Marxuumad Ruqiya Siciid Ayaanle Oo Dabayaqadii Bishii Hore Maydkeeda Laga Helay Guri Ku Yaala Xaafadda New Hargeysa Oo Gabadhaasi Deganay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamadda Gobolka Maroodi Jeex Ayaa Shalay La Horgeeyay Gabadh Ku Eedaysan Inay Ka Danbaysay Dilkii Loo Geystay Marxuumad Ruqiya Siciid Ayaanle Oo Dabayaqadii Bishii Hore Maydkeeda Laga Helay Guri Ku Yaala Xaafadda New Hargeysa Oo Gabadhaasi Deganayd Iyo Sideed Qof Oo Kale Oo Falkaasi Kula Eedaysan.


Dhegaysiga Dacwadaasi Ayaa Markii Labaad Shalay Maxkamadda Gobolka Hargeysa Gudo-Gashay, Waxaa Goobjoog Ka Ahaa Laba Qof Oo Ka Mid Ah Eheladda Marxuumad Ruqiya Siciid Ayaanle Iyo Sidoo Kale Dad Kale Oo Ka Socday Dhinaca Eheladda Dadka La Soo Eedeeyay. Sideedan Qof Ee La Eedaysan Gabadha Loo Haysto Falkaas Dilka Ah Oo Afar Ka Mid Ahi Ay Yihiin Carruurta Ay Dhashay Gabadha Eedaysanaha Ah Iyo Odaygeeda, Halka Saddexda Kalena Ay Yihiin Dad Kale Oo Tuhunada Dacwadaasi Ay Gashay. Maxkamadda Ayaa Shalay Ammaankeeda Aad Loo Xoojiyay Waxaana Laga Hawl-Geliyay Ciidamo Badan Oo Boolis Ah Oo Sugayay Nabad-Gelyadda.

Waxa La Soo Weriyay In Taliyaha Laanta Dambi Baadhista Ee CID-Da Uu Maxkamadda Horteeda Ka Akhriyay Baadhitaan Dheer Oo Ay Ku Sameeyeen Kiiskan, Waxaanu Sheegay In Heleen Caddaymo Muujinaya In Gabadha Eedaysanaha Ah Iyo Afarta Carruurta Ah Ee Dhashay Ay Fuliyeen Dilka Marxuumad Ruqiya Siciid Ayaanle. Dhegaysiga Dacwadaasi Oo Socotay Saacado Ah, Waxa Maxkamadda Horteeda Tubnaa Boqolaal Qof Oo Ka Mid Ah Dadweynaha Ku Dhaqan Caasimadda Hargeysa Oo Danaynayay Inay Ogaadaan Hanaanka Ay U Socoto Dhegaysiga Dacwadan Iyo Xogaha Macluumaadka Ka Soo Baxa Dhegeysigeedaba.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysa Ayaa Gabo-Gabadii Fadhigaasi Waxaa Uu Sheegay In Kiiskani Uu Sii Socon Doono Isla Markaana Eedaysanaayaasha Kiiskaasi Mar Kale Maxkamadda La Hor Keeni Doono Sabtida Todobaadka Fooda Innagu Soo Haya.

XIGASHO: WARGEYSKA DAWAN


Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com