WASIIRKII WASAARADA GAASHAANDHIGA DALKA MASAR Oo IS CASILAY OO U SII ARDAA XADHANAYA INUU NOQDO MAXADWAYANAHA MASAR

0
Thursday March 27, 2014 - 13:16:21 in by salman abdi
  • Visits: 870
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WASIIRKII WASAARADA GAASHAANDHIGA DALKA MASAR Oo IS CASILAY OO U SII ARDAA XADHANAYA INUU NOQDO MAXADWAYANAHA MASAR

    Abaanduulaha ciidammada qalabka sida ee Masar ahna wasiirka difaaca, Janaraal Abdul Fattah al-Sisi ayaa shaaciyay in uu iska casilay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Abaanduulaha ciidammada qalabka sida ee Masar ahna wasiirka difaaca, Janaraal Abdul Fattah al-Sisi ayaa shaaciyay in uu iska casilay

militariga si uu isugu sharaxo doorashooyinka madaxtinimo ee lagu wado in ay ka dhacaan dalkaasi bisha soo socota.

Khudbad uu taleefinka u mariyay qaranka ayaa abaanduulaha ciidammada - isagoo weli xidhan dharka militariga - waxa uu ku dhawaaqay in uu iska casilay militariga, si uu ugu tartamo xilka madaxweynanimada. Cabdulfataax Alsisi ayaa sheegay in uu ka tanaazulayo labiskiisa militariga 44 sano kaddib si uu u qabto hawlgal cusub oo aad u adag.

Waxaa qasab ku aheyd in uu xilka abaanduulaha ciidammada uu iska dhiibo si uu u tartamo doorashada la filayo in ay dhacdo

 

 

 

bisha soo socota. Khudbadiisa, ayuu Mr Sisi ku sheegay in aanu "sameyn doonin mucjisooyin" waxa uuna ugu baaqay dadka Masar in ay midoobaan. Dhanka kale xoghayaha xidhiidhka dibada ee guddiga arrimaha dibada ee Xisbiga Caddaalada iyo Xoriyadda ee qeybta ka ah ururka Ikhwaanul Muslimiinka haatan laga mamnuucay waddanka Masar, Maxamed Suudaan, ee uu saldhigiisu yahay Britain ayaa sheegay in iscasilaada Sisi aanay aheyn wax lala yaabo. Cabdulfataax al-Sisi ayaanan ka cabsi qabin in uu guulaysan waayo. Oo waxa uu haystaa taageero ballaadhan, ilaa iyo haatanna ma ay jirto cidd xafiiltan halis ah ku haysa. Taageerayaashiisa ayaa u arka in uu yahay hogaamiye awood leh oo keeni kara xasilooni kaddib sanado jahwareer ah.

Dadka ka soo horjeedase waxa uu u yahay militari mayal adag, oo xilka ka tuuray dowlad la soo doortay. Madaxii hore ee sirdoonka Masar ayaa dhaxli doona dhaqaale taag daran, mucaaradad sii kordhaysa, iyo qaran kala qeybsan.

Afkashacabka.com

Qaahira /Office

Contact@afkashacabka.com

Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com