Xukuumada Oo Albaabaada U Laabtay Cusbitaal Gaar Loo Leeyahay Oo Uu Baadhitaano Caafimaad Ka Bilaabay Dr Macaw Xili Lacago Laga Qaaday Dad Ku Dhaw 2000 Qof Oo Is-Diiwaangaliye

0
Saturday March 29, 2014 - 05:29:08 in by London Office
  • Visits: 1010
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Oo Albaabaada U Laabtay Cusbitaal Gaar Loo Leeyahay Oo Uu Baadhitaano Caafimaad Ka Bilaabay Dr Macaw Xili Lacago Laga Qaaday Dad Ku Dhaw 2000 Qof Oo Is-Diiwaangaliye

    Dhakhtar laga hor-joogsaday Baaritaan uu ku sameyn lahaa dad Bukaan ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhakhtar laga hor-joogsaday Baaritaan uu ku sameyn lahaa dad Bukaan ah
Dhakhtar laga hor-joogsaday Baaritaan uu ku sameyn lahaa dad Bukaan ah

Booliiska Somaliland ayaa shalay xabsiga u taxaabay Dr:Cali Macow oo hawlgal caafimaad ka waday magaaladda Hargeysa taas oo ilaa dhawr kun oo qof isku diiwaangeliyeen si loo baadho.

Dadweynahan oo iskag kala yimid dhamaan dhulka soomaalidu degto,ayaa saf dheer u gallay sidii ay ula kulmi lahaayeen digtoorka, haseyeeshee isagoo ku gudda jiray hawlihiisii caafimaad ayaa xaruntii uu dadka ku dabiibayey ee Xabiibi Xanaan ciidanku ka soo kaxeeyeen, kuwaas su’aalo ka waydiinaya aqoontiisa caafimaad.

Dr. Macow oo maalmihii u dambeeyey la xayeysiinayey inuu dalka imanayo, ayaa shalay markii uu dalka yimid ciidanku xoog ku galeen goobtii uu wax ku baadhayey, isla markaana albaabadda u laabay xaruntii caafimaad ee ay dadku iska diiwaangelinayeen.

Wakiilka digtoor Macow ayaa sheegtay inay rusqadda imaanshiiyaha ka qaadatay wasiirka Caafimaadka Xaglo toosiye, isla markaana si sharci ah ku yimid, haseyeeshee aanay garanayn sababta shaki looga qaaday imaantinkiisa.

Wakiilka digtoor Macow  Intisaar Maxamed Cali Qoys oo ka hadlaysay qaabkii sharci ee uu dhakhtarku ku yimid Hargeysa ayaa tidhi "Waxaan ahay Wakiilka Dr. Cali Macow Aways, Horta markii ugu horresay ee aanu imanaynay Somaliland waxaanu la soo xidhiidhnay Wasaarada Caafimaadka Somaliland, oo ogolaatay imaanshiyaha Dr.Macow inuu Somaliland yimaado, oo uu ka fuliyo hawlo Caafimaad,”

Qaar ka mid ah dadweynaha bukaanka ah ee dhakhtarkan sugayay ayaa aad uga xumaaday talaabadda shaqo joojinta lagu sameeyey Digtoorka.

Si aanu xog dheeraad ah uga helno xukuumadda ayaa waxaanu la xidhiidhnay wasiirka Caafimaadka Saleebaaan Xaglo toosiye iyo wasiir ku xigeenka Caafimaadka Nimco Qawdhan, haseyeeshee telefoonkoogii gacanta way qabanwaayeen.

Sidoo kale, waxaanu la xidhiidhnay gudoomiyah xirfadleyda caafimaadka Somaliland Luul Jirde, waxaanay HOL u sheegtay in aanay wax faalo ah arrintaasi ka bixinayn, balse la xidhiidhno ciidanka Booliska, kuwaas oo iyaguna ka gaabsaday ka hadalka arriintan.

Si kastaba ha ahaatee, sida wararka ku helayno waxa jira dhakhaatiir badan oo aan ogoleyn inay dhakhaatiir kale dalka yimaadaan,kuwaas oo mar walba carqalad galiya dhakhaatiirta hawlgalo caafimaad ka fuliya dalka, sidoo hore dhakhaatiir Masar ka timid oo baadhitaano caafimaad oo bilaash ah dalka ka waday ayaa waxa billo ka hor carqalad kala kulmeen dhakhaatiir reer Somaliland oo doonaya inay kooto ku haystaan bukaanka Somaliland, iyadoo cid kasta oo hawlo caafimaad dalka u yimaadda carqaladeeya.

Dadweynaha Somaliland ayaa aad uga cadhooday arrintan, kuwaas oo xukuumadda ku eedeeyey inay is hortaagto dhakhtar si weyn loo sugayey maalmihi u dambeeyey oo la ogaa imaanshiyihiisa.

Afkashacabka.com

Hargiesa/Office

Contact@Afkashacabka.Com