Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo maanta Gaaray Degmada Buula-burte

0
Saturday March 29, 2014 - 05:39:55 in by London Office
  • Visits: 863
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo maanta Gaaray Degmada Buula-burte

    Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo maanta Gaaray Degmada Buula-burte

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo maanta Gaaray Degmada Buula-burte
Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo maanta Gaaray Degmada Buula-burte

Saraakiil ka tirsan hay'adda QM qaarkood ayaa maanta gaaray degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan oo dhawaan ay la wareegeen ciidamada maamulka gobolka Hiiraan iyo kuwa AMISOM.

Wafdiga oo kasoo kicitimay Muqdisho ayaa waxaa degmada Buulo-burte kusoo dhaweeyay mas'uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan oo guddoomiyaha gobolka Cabdi Faarax Laqanyo uu horkacayo.

Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca maaliyada maamulka gobolka  Khaliif Cabdi Cumar oo ka mid ahaa mas'uuliyiintii la kulantay saraakiisha ka soctay UN-ka, ayaa sheegay in ay ka wada hadlleen arrimo la xiriira siddii loo gargaari lahaa dadka ku dhaqan degmada oo mudo dheer sida uu sheegay wax gargaar ah helin.

''Saraakiisha waxaa ay ahaayeen xubno dhinaca nabad-galyada u qaabilsay hay'addaha samafalka QM, qiimeyn ayeey ku sameynayeen xaalada ammniga degmada iyo sidda ugu fudud ee gargaar loo soo gaarsiin karo dadka ku dhaqan degmada Buula-burte oo mudo dheer aan wax kaalmo ah helin,'' ayuu yiri Khaliif Cabdi Cumar.

Waxaa uu sheegay in ugu danbeyntii leysku afgartay in sida ugu dhaqsiyaha badan kaalmo loola soo gaaro dadka ku dhaqan degmada oo saameyn ay ku yeesheen howlgalada militari ee ka soconaya guud ahaan gobolka.

Degmada Buula-burte waxaa mudo ku dhawaad lix sano ah maamulayay xoogagga xarrakada Al-shabaab oo albaabada isugu dhuftay xarumihii hay'addaha samafalka  ee ka howlgali jiray degmada Buula-burte,hasse ahaatee waxaa hadda muuqaneysa in hay'addaha samafalku daneynayaan siddii ay dib uga howlgali lahaayeen degmada.

Afkashacabka.com

Muqdisho/Office

Contact@Afkashacabka.Com