Dhalinayro Maayarka Gabiley u Adeegsado Saxaafada Wax Ka Qorta oo Weerar Ku Qaaday Wariye Cabdiraxman Aadan Badde.
maayarku wuxuu iigu jawaabay kuwan iyaka(dhalinyarada) adeerbaan u ahay ee iska ilaw…” C/raxman Aadan
Gabiley -()- Dhalinyaro ku hubaysan midiyo iyo bakaroorado oouu adeegsanayo maayarka magaalada Gabiley ShucaybMaxamed Muuse ayaa caawa dhawr jeer weeraro gaadmo ahkusoo qaaday wariyaha shabakada Qodaal News ee gobolkaGabiley C/raxman Aadan Muxumed Badde kadib markii aymaanta khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo maayarka.
Wariyaha lasoo weeraray oo ka badbaaday ayaa noo sheegay innimankaasi dhalinyarta ahi ay marka hore tilifoon kalasooxidhiidheen una sheegeen inay doonayaan inay kala hadlayaanarin cusub oo maanta wariyaha iyo maayarka dhex martay.C/raxmaan mar aanu waydiinay inuu aqoonsaday nimankamaayarku usoo diray kuwa ay ahaayeen wajiyadooda wuxuusheegay in inanka tilifoonka kalasoo hadlay la yidhaahdoMubaarak oo maayarka adeer u yahay, halka kuwa kale aydhawrka jeerba meel madaw u galayeen ee aanay wajigoodamarna tusin wariyaha.
C/raxmaan Aadan Muxumed isagoo arintaasi faahfaahinayaayaa waxaa uu yidhi "inanka tilifoonka igalasoo hadlay waangaranayaa oo waxaa la yidhaa Mubaarak, markastana wuxuu igulahaa hawlbaan u baahanahay inaan kaala hadalno ee kaalay.Maalin sii horaysay oo maayarku ka cadhooday warbixin aanqoray ayuu inankan maanta ilasoo hadlayaa isoo garaacay.
Wuxuuna igu yidhi maayarka maxaa lagaa siiyaa ee aad u dabasocotaa?. Kadib anakoo dhalinyartii wada joogna ayay maayarkatilifoon kala hadleen, waxaanay ku yidhaahdeen ninkii waanuhaynaa. Wuxuu maayarku ku yidhi ii keena. Anakoo wadasocona ayaanu hudheel uu ka cashaynayay ugu tagnay. Anigaiyo inanka Mubaarak ee uu adeerka u yahay ayaa u wada galnay.
Habeenkaasi wuxuu igu yidhi maayarku maxaa la iga kaa siiyaa.Aniguna waxaan ku idhi maayar maad aniga ii yeedhid maxaaddhalinyarada iigusoo diraysaa, hadaad warbixinta dhibsataynamaad isoo dacwaysid. Habeenkaasi maayarku wuxuu iigujawaabay kuwan iyaka (dhalinyarada) adeerbaan u ahay ee iskailaw.
Maantaan lacag aan ku lahaa waydiiyay oo aanu isku khilaafnaymarkaasuu caawana iisoo diray inamadii
Dhalinayro Maayarka Gabiley u Adeegsado Saxaafada Wax Ka Qorta oo Weerar Ku Qaaday Wariye Cabdiraxman Aadan Badde.
Dhalinayro Maayarka Gabiley u Adeegsado Saxaafada Wax Ka Qorta oo Weerar Ku Qaaday Wariye Cabdiraxman Aadan Baddelle