"Dr.Cali Macaw Fiisaha Uu Dalka Ku Soo Galay Waa Dalxiis, Iskamuu Diwaangelin Wasaaradda Shaqadda Qaabilsanayd…" Wasiir ku xigeenka Caafimaadka

0
Saturday March 29, 2014 - 08:00:59 in by Super Admin
  • Visits: 972
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Dr.Cali Macaw Fiisaha Uu Dalka Ku Soo Galay Waa Dalxiis, Iskamuu Diwaangelin Wasaaradda Shaqadda Qaabilsanayd…" Wasiir ku xigeenka Caafimaadka

    "Sababta Looga Joojiyey Waxa Weeyaan Dacwad Naga Soo Gaadhay Saddex Muwaadin Oo Ka Mid Ah Jaaliyadda London, Oo Sheekh Caan Ahi Ku Jiro.." Agaasimaha Guud Ee W/Caafimaadka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Sababta Looga Joojiyey Waxa Weeyaan Dacwad Naga Soo Gaadhay Saddex Muwaadin Oo Ka Mid Ah Jaaliyadda London, Oo Sheekh Caan Ahi Ku Jiro.." Agaasimaha Guud Ee W/Caafimaadka


Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, ayaa ka hadashay sababta Dr. Cali Macow Aweys hawlihii caafimaad ee uu Hargeysa u yimid looga joojiyey, maadaama oo uu ku dhawaad laba kun oo ruux isku diwaangaliyeen inuu baadhitaanno caafimaad ku sameeyo.

Dr. Cali Macow Aweys, oo muddo bil ku dhow imaanshihiisa Hargeysa laga xayeysiinayey Warbaahinta, ayaa doraad markii uu fadhiistay xarun caafimaad oo lagu magacaabo Habiiba Hanaan oo ku taala Hargeysa ay ciidamada boolisku u diideen inuu hawlihiisa caafimaad bilaabo, waxaana la sheegay in amarka lagaga joojiyey hawsha ay bixisay wasaaradda caafimaadka Somaliland oo markii hore siisay ogollaansho.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, Dr. Cismaan Xuseen Warsame, oo Wargeyska Somalilandtoday waydiiyey sababta ay dhakhtarka shaqada looga joojiyey ayaa sheegay in muwaadiniin reer Somaliland ah oo dalka dibaddiisa ku sugan ay la soo xidhiidheen isla-markaana ka codsadeen in dadka laga hubiyo dhakhtarkan  "Waxa laga joojiyey inuu dadkii daaweeyo ee lama xidhin, sababta looga joojiyey waxa weeyaan dacwad naga soo gaadhay saddex Muwaadin oo ka mid ah jaaliyadda London, oo Sheekh caan ahi ku jiro, waxayna yidhaahdeen hala hubiyo ninkaasi” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray  "Markaa Dawladda ayay qasab ku noqotay inay ka joojiso hawsha, si loo hubiyo oo takhasuskiisa iyo inuu ka diwaangashan yahay ururka NHPC..markaa berri (Maanta) ayaanu ballansanahay, si aanu u hubinayo inuu yahay nin aan wax dambiya loo haysan..inkasta oo uu yahay nin dhakhtar ah oo caan ah…”

Hasa-yeeshee, wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, Marwo Nimco Xuseen Qowdhan ayaa sheegtay in ninkani uu dalka ku soo galay fiiso dalxiis "Fiisaha uu dalka ku soo galay waa dalxiis, iskamanuu diiwaangelin wasaaradda shaqadda qaabilsanayd iyo ururkii arrintan qaabilsana midnaba, sidaasi darteed ayaa shaqada looga joojiyey sida igu maqaalo ah,  Wasaarad ahaan marka NHPC ay soo caddayso heerka aqooneed ee dhakhtarka ayaannu annaguna warqada ogolaanshaha hawlgalka siinaynaa” sidaa waxa Wargeyska Jamhuuriya u sheegtay Wasiir ku xigeenka, waxayna intaasi ku dartay ""Ninkan warqad bay Wasaaradda Caafimaadku siisay uu dalka ku soo galo, warqadaasi maaha mid loogu fasaxay inuu dalka ka hawlgalo, Dadkuna way garanayaan ciddii lacag ka qaaday, lacagta laga qaadayna waa qayrul-xad oo dadkeenuna wax walba lacag bay kula rooraan”

Dhanka kale, xalay ayaa ciidamo boolis ah lagu arkayey xarunta uu doonayey inuu dadka ku baadho..








Xigasho Wargeyska Somalilandtoday