Cawer Xareed Iyo Qarxiye Oo Rafcaan Ka Qaatay Xukunkii Dilka Ahaa ee hore loogu xukumay oo Maanta Maxkamadda Sare Ee Ciidamada La Horgeynayo

0
Saturday March 29, 2014 - 08:29:57 in by Super Admin
  • Visits: 898
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cawer Xareed Iyo Qarxiye Oo Rafcaan Ka Qaatay Xukunkii Dilka Ahaa ee hore loogu xukumay oo Maanta Maxkamadda Sare Ee Ciidamada La Horgeynayo

    Maxamed Maxamuud Cawaale (Cawer Xareed) oo dhawaan Maxkamadda hoose ee ciidamadu dil ku xukuntay iyo laba nin oo kale, kuwaasi oo iyagana lagu xukumay min 10 sanadood.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxamed Maxamuud Cawaale (Cawer Xareed) oo dhawaan Maxkamadda hoose ee ciidamadu dil ku xukuntay iyo laba nin oo kale, kuwaasi oo iyagana lagu xukumay min 10 sanadood.

Maxkamadda sare ee ciidamada Qaranka Somaliland, ayaa maanta la hor-geynayaa Maxamed Cabdi Cabdilaahi (Qarxiya),

Maxamed Maxamuud Cawaale (Cawer Xareed) oo dhawaan Maxkamadda hoose ee ciidamadu dil ku xukuntay iyo laba nin oo kale, kuwaasi oo iyagana lagu xukumay min 10 sanadood.


Maxkamadda sare ayaa dacwadda loo haysto Maxamed Cabdi Cabdilaahi (Qarxiye), Maxamed Maxamuud Cawaale (Cawer Xareed) oo ah dilkii foosha xumaa ee xiligii xukuumaddii Rayaale ka dhacay deegaanka Seemaal ee u dhexeeya Gabiley iyo Dila, dhageysanaysa, ka dib markii xukunka Maxkamadda hoose ee ciidamadu ku ridday ay rafcaan ka qaateen qareenada u doodaya oo ku qanci waayey xukunkooda oo ahaa dil toogasho ah.

Qareenka u doodaya labada eedaysane ee dilka lagu xukumay ayaa Somalilandtoday u sheegay inaan Maxkamadda hoose ee ciidamadu awood u lahayn inay xukun ku riddo dad rayid ah, iyada oo ay jiraan buu yidhi maxkamadihii kale, inkasta oo haddana uu sheegay Maxamed Cabdi Cabdilaahi (Qarxiya) ay maxkamadda ciidamada ee xukuntay ay leedahay ciidanka dawladda ayuu ka mid ahaa  "Waxaanu leenahay Maxkamaddani awood uma laha (Maxkamadda xukuntay)” ayuu yidhi, Looyarka eedaysanayaasha xukunka rafcaanka ka qaatay Maxamed Axmed Abokor, waxaanu intaa ku daray inay codsanayaan in la hubiyo in eedaysane Qarxiye askari ahaa iyo in kale "Codsigayagu waxa weeyeaan in ninkan la hubiyo inuu ciidan yahay (Qarxiye)…”

Maxkamadda sare ee ciidamada ayaa waxa kale oo maanta la hor-geynayaa labada eedaysane ee iyagana Maxkamadda hoose ee ciidamadu ku xukuntay min tobanka sanadood, kuwaasi oo uu qareen u yahay Maxamed Maxamuud Xaashi (Timo).

Maxkamadda hoose ee ciidamada qaranka Somaliland, ayaa xukunka dilka ah ee ay ku ridday afarta eedaysane ee loo haysto dilkii Seemaal, ayaa waxyaabaha ay ku eedaysay Maxamed Cabdi Cabdilaahi (Qarxiye), ka mid ah inuu ka mid ahaa ciidamada, hasa-yeeshee taasi ayaa looyarada u doodayaa doonayaan in si aad ah loo hubiyo, haddii la caddeyn waayana waxa buraya xukunkii dilka ahaa ee lagu riday, sida uu sheegay Looyarkoodu Maxamed Axmed Abokor..







Afkashacabka.com
Hargeysa /Office
Contact@afkashacabka.com