War La Hayaa Xiiso Ma Leh

0
Saturday February 08, 2014 - 08:11:54 in by Super Admin
  • Visits: 1189
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War La Hayaa Xiiso Ma Leh

    Tan iyo intii qaraxyadu gilgileen goobo kamid ah magaalo magaxda somaliland ee hargaysa waxay shacabka reer somaliland guud ahaan iyo gaar ahaanba ka dhursugayeen natiijada baadhitaanada dawladu wado

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tan iyo intii qaraxyadu gilgileen goobo kamid ah magaalo magaxda somaliland ee hargaysa waxay shacabka reer somaliland guud ahaan iyo gaar ahaanba ka dhursugayeen natiijada baadhitaanada dawladu wado

Tan iyo intii qaraxyadu gilgileen goobo kamid ah magaalo magaxda somaliland ee hargaysa waxay shacabka reer somaliland guud ahaan iyo gaar ahaanba ka dhursugayeen natiijada baadhitaanada dawladu wado. 28 maalmood kadib markii qaraxyadu dhaceen ayaa wasiirka arimaha gudaha Md C/laahi cirro sheegay in qaraxyadii axmaqnimada ahaa ayka danbeeyeen kooxda magac doonka ah ee al shabaab.

Inkastoo aanay natiijada baadhitaanku lahayn wax sumad iyo sawrac ah oo aynaan maqal wax cad oo maxkamadi xukuntay hadana waxay noqdeen uun war lahayaa xiiso maleh maadaama kooxda nabad diidka ah ee al shabaab hore u sheegatay masuuliyadi qaraxda, oo aanay marnaba qarsan colaada iyo cadaawada aan xuduudka lahayn ee ay somaliland iyo dadkeeda u qabaan

Sidoo kale waxay dad badani aaminsanaayeen in xukuumada riyaale kaga xariifsantay xisbiyada kale arimaha danbi baadhista iyo dhegodhegeynta maadaama hogaanka wadanka iyo badiba golaha wasiiru ka tirsanaan jireen nabadsugidii somaliya in badana lasoo shaqeeyeen haayadii NSS-ta ee sirdoonka somaliya

Khasaaraha qaraxyadaasi geysteen kaliya kuma ay koobnayn dhimasho iyo dhaawac balse waxay sumcad darro iyo hoos u dhac ku keentay nabadgelyada dalka kadib markii qiimayntii nabada ee qaramada midoobay samaysay ay somaliland ku riixdau derejada afaraad iyagoo lamid dhigay xaalada nabadgelyo ee ka jirta koonfurta iyo badhtamaha somaliya ee ay colaaduhu daashadeen

Sidoo kale ciimada dheeraadka ah ee ay xukuumadu dhoobtay wadooyinka iyo jidadka waa weyn ee magaalada hargaysa ee dadku u maro nolol maalmeedkooda ayaa culays iyo cadaadis kusoo dhoryiyey shacabka masaakiinta ah ee waxqabad la’aanta shaqo la’aanta iyo musuqmaasuqu daashadeen

Isku soo wada duuboo natiijada ku meelgaadhka ah ee ay xukuumada kasoo saartay qaraxyada wuxuu nuxurkeedu ahaa si ay isaga reebaan su’aalaha gole ka fuulka ah ee goob kasta lagu waydiinayo masuuliyiinta dawlada ee ku saabsan qaraxyada. ileen cid aan ogeyn ma jiro in al shabaab ka danbaysay oo weliba sheegatay qaraxyade

Hussein   Guuleed   Howle (afgaab)

Ohio  Columbus afgaab15@hotmail.com