"Haddaad Tahriibtey Tabco" W/Q:Abdifatah Ali Hassan

0
Thursday April 02, 2015 - 07:44:03 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Haddaad Tahriibtey Tabco" W/Q:Abdifatah Ali Hassan

    "Ha noqon mid shaqo ka dhigta sawirro lagu soo galo daaraha dhaadheer ee Rag dhisteen"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Ha noqon mid shaqo ka dhigta sawirro lagu soo galo daaraha dhaadheer ee Rag dhisteen"


Dalkaagii xoog iyo maskax aad wax ku tari lahayd baad kala tagtay, dadkaagiina xoolay kuu xaraasheen, Dal iyo Dad way ku sugaan, "Noqo mid xamaasha oo aan shadda ka xishoon.

Suudaalku ama Tahriibku wuu macna guuray sida shay kasta oo nolosha ka mid ah ba u dhalan gadoomay, soomaalidu wakhti hore ayey bilowday tahriibta, laakiin sababaha loo tahriibayey iyo waxa lala soo noqonayey ba way ka duwanaayeen tahriibta hadda socota.

Qofku soomaaliga ahi waxa uu u tahriibijiray sababo badan awgeed ha ba ugu waynaadaan; marka ay xooluhu ka dhamaadaan ee uu caydhoobo abaar dhacday ama

masiibo kale darteed, iyadoo reerkiisa loo awood sheegtay ama laga xoog roonaaday, ceeb ama canbaarayn kaga timi bulshada deegaanka maadaama dadku iska koobnaayeen oo is wada garanayeen, qofka oo dil gaysta, ninka oo kufsi ku kacay ka dib na ka baqay in gabadha uu dhibta u geystay tolkeed waxyeelo ka soo gaadho, iyo wixii la mid ah. Xoolo badan kuma bixi jiran socdaalkooda, neef Adhi ah iyo wixii la mid ah ayey jicsin ka sii dhigan jireen.

Siyaabaha kale ee ay awowyadeenii hore qurba ha ku galeen waxa ka mid ahaa; rag badan oo gumaystayaashii reer yurub ciidan u qorteen sidaana waddanka kaga baxay, wakhtigii gumaystu waddan joogay waxaa jirtay dad badan oo rag u badnaa oo waxbarasho u tagay dalka dibadiisa laakiin intoodii badnayd way soo noqdeen aqoontoodiina waddan ayey ku soo celiyeen.

Dadkiisi marka ay meel caga dhigtaan way xoogsan jireen oo xammaalan jireen oo ismaydhigan jirin, waanay tabcan jireen intoodii soo noqotay wax macna leh ayey la soo noqdeen, intii ku nagaatayna waxbay ka qabsadeen meeshii ay sal-dhigteen.

Ayaan-darrada dhacday waxay tahay dhallintan sibiq dhaqaaqday waayadii danbe ee intaas oo duruuf ah midna aan la kulmin, ee mood iyo noolba lagu bixiyey, ee intooda ugu badan loo xaraashay hantidii ma guurtada ahayd ee qoyskoodu lahaa ee loo iibiyey gurigii reerku daganaa carrurtiina dhanaanka loo wadhay si loo badbaadiyo, qaar badan oo ka mid ah waalidkood oo hayntoodu yarayd suuqa uga dawareen, kuwo kale oo ka mid ah waalidkood ayaaba halis caafimaad la soo daristay markii loo sheegay in wiilkoodii/gabadhoodii tahriibtay, waayo?, wax adduun ah meel kuma oga waanay dareensan yihiin dhawr maalmoodka dib in telefoon loo soo dirayo oo labo daran la kala dooransiinayo.

Intaas oo dhan u ma socdo anigu. Waxay u jeedadaydu daaran tahay, sidee xaalku noqday markay yurub (Europe) tageen intoodii badbaaday ee badda ALLAH ka samatabixiyey.

Waa kuwan jawaabaha ugu badan ee caanka noqday wakhtiyadanbe.

"Hooyo da’ yar baan qortay markaa waxbarasho ayaa laygu daray qof baana iga masuul ah mana shaqaysto”, "farrihii baa layga helay yurub na meel I aqbalaysaa ma jirto oo aan talyaaniga ahayn, talyaanigana sida shaqo lagu helaa way adagtahay”, "waan is dhiibay laakiin wali wax jawaab ah ma hayo”, iyo kuwo kale oo badan oo macna ahaan u dhow.

Arrinta aan la murugooday ee mawduucan ba ugu dhalisay waxay tahay, inamadii tahriibay ee balanbalkaa iyo hoogaa lala soo maray ee qaar kood wali deyntii loo amaahday aan la bixin oo waalidkood ay ka dhaadhacsanayd waad ku nasandoontaan ayaa halkay soo xoogsan lahaayeen oo dhexda xidhan lahaayeen,…. ayey shaqadoodiba noqotay sawir ay iska soo qaadaan oo ay facebook-ga soo dhigaan ka dib na fiiriyaan inta faalo (comment), laga soo bixiyey oo maqsuud ku ah intaa.

Ala tacab-qasaar weynaa oo xanuunbadanaa ileen calooshu kaama soo dhacdo.

Waxa aan kula talin lahaa dhallinteena sida qorsha la’aanta ah u dhaqaqday in ay sidaa wax ka badalaan oo soo tabcadaan oo dalkoodana wax soo gashadaan dadkooda na wax soo taraan.





W/Q: Abdifatah Ali Hassan

E-mail: cabdi_fatax54@hotmail.com

Hargeysa, Somaliland