WAXAA SOO IF-BAXAY FALADHIHII AQOONSIGA, QALINKII: MUSTAFE ABDIRAHMAN HABANE

0
Wednesday April 02, 2014 - 07:55:58 in by Super Admin
  • Visits: 1305
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAXAA SOO IF-BAXAY FALADHIHII AQOONSIGA, QALINKII: MUSTAFE ABDIRAHMAN HABANE

    Somaliland waa dowlad taariikh dheer leh oo lagu dhaadan karo, waan dowladihii ugu horeeyay ee gumaystaha dhulkooda ka xoreeyay,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland waa dowlad taariikh dheer leh oo lagu dhaadan karo, waan dowladihii ugu horeeyay ee gumaystaha dhulkooda ka xoreeyay,

"haddii aad cariga iyo ciida aamintaano caqliga iyo murqiyo cudud isku gaysan, ictraafku wuu iman, ictraafku wuu iman”. (Abwaan cali seenyo)

Somaliland waa dowlad taariikh dheer leh oo lagu dhaadan karo, waan dowladihii ugu horeeyay ee gumaystaha dhulkooda ka xoreeyay, noqdayna hormuudkii iyo haldoorkii gobanimo doonkii iyo gumaysi-diidkii waddamada Africa, Somaliland waxay xornimadeeda iyo madaxbanineed ka qaadatay united kingdown,,,, sanadii  26/june/1960. Waxa-garadkii iyo cuqaashii ummadda hogaanka u ahayd waxay islagarteen in ay soomaali mid tahay, mudo afar maalimood kabacdina si caloosimi iyo lab xaadhni ah ayay calankii ugu qaadeen muqdish halkaan waxa ku baabay magacii iyo dowladnimadii Somaliland. Mudadii u dhexeysay 1960 ilaa 1969 markay xukuumadihii ummadu dooratay noqdeen kuwo taagdaro iyo wax-qabad xumo ka muuqato, dowladnimadii hayinka ay u hayeena waxa isbadal soo kordhinwayday ayaa silama filaana waxa xukun militeri ugu qabsaday general siyaad bare 21/October/1969; wuxuu abuuray maamul loo wada riyaaqay, isbadal dardar iyo wax-qabad hufan ka muuqdo kaas oo hornaantiisi soomalida waqooyi iyo koonfurba u majiiratay, laakin markii uu 15 jirsaday wuxuu isu rogay mida cadaalad darada iyo cabudhinta gobalada waqooyi ku faana, miskaankii dowladuna wuxuu u janjeedhsamay gobalad kuunfureed. Taasna wax ka dhashay in dagaalo iyo colaado ka qarxaan somaliya kadibna Somaliland qori caaradii dib ugula soo noqoto madax banaanideedii 18/may/1991. Halyaydii magaca Somaliland laba dhagax dhexdood iyo kaare hoostii ka soo saarayna waxa la isla gartay in hogaanka Somaliland laba sano hayaan si kumeel gaadh ahaaneed, muddo yar kabacdina waxa la dhisay dowlad rasmi ah taasn oo ilaa maanta jirta hab maamul oo casriyana leh kuna dhisan habka democratic ee badi dowladaha dunidu isu maamulaan, Somaliland heer waxa ay gaadhay dadwaynuhu am shacbigedu ay codkooda ku doortaan qofka ay rabaan iyadoo cadaalad iyo xornimo la adeegsanyo.

 

Dhanka kale tan iyo 1995 kii may dhicin in uu lax waraabe cunaa, tuug qof xagtaa, yacini habeen badhka ayaa ku tasbiixsankartaa wadooyinka Somaliland, qasnadaad inaad qufusho iyo inkale waaba isu mid. Haddaba waxa iska cad in hadda qaramda midoobay aanay iska indha tiri Karin Somaliland inay tahay dal madax-banaan oo hanaanki iyo haykalkii dowladnimo ka hirgalay sida darteed waxa macquula in adduunku aqoonsado oo xubin ay ka noqoto United Nations ka (UN).

Malahayga mar haddii 2015 oo adduunka waxayaalo badan in lagaadho ugu calaamadaysnaa fooda ina soo saaray, waxaba ifafaalihiisii la shegayaa tixigalinta maamulada adduunka iyo taageerida dowlada soo koraya iyadoo la tixgalinayo baahiyahooda dhaqaale iyo mid dowladnimaba tana waa fursadii Somaliland sugaysay iy wakhtigii oo badalay xaaladii taagnayd, ugu danbayn gobalka yare ee ina aqoonsanay waa faladhaha qoraxdu soo bixiso intaanay soo bixin subaxii oo ka dhigan aqoonsigyy somaliand oo soo socda am yimid.

 

Qalinkii: Mustafe Abdirahman Habane

E-mail: mustafe107@gmail.com

Cell Phone: 063-4404520