GAR GAARE ,GABAY- By Halac

0
Wednesday April 02, 2014 - 08:00:46 in by Super Admin
  • Visits: 3022
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    GAR GAARE ,GABAY- By Halac

    Waa gabay guubaabo ah oo aan ku hogatusaalaynayo dhalinyarada soomaaliyeed isla markaana gogol xaadh u ah inta u geed fuushay inay guursadaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa gabay guubaabo ah oo aan ku hogatusaalaynayo dhalinyarada soomaaliyeed isla markaana gogol xaadh u ah inta u geed fuushay inay guursadaan Waa gabay guubaabo ah oo aan ku hogatusaalaynayo dhalinyarada soomaaliyeed isla markaana gogol xaadh u ah inta u geed fuushay inay guursadaan

Waa gabay guubaabo ah oo aan ku hogatusaalaynayo dhalinyarada soomaaliyeed   isla markaana gogol xaadh u ah  inta  u   geed fuushay  inay guursadaan, hadaba anigoo kusoo halqabanaya nin aannu saaxiib nahay oo layidhaahdo Farxaan Cabdi Cumar, wuxuu gabaygu ku bilaabmayaa sida tan.

 

Murtidaba ragbaa goonda jara garashadeediiye

Anse gabayga aan soo wadaa waa gu’ roob da’aye

Waa ubax guduutoo inbadan lagu  gudboonaaye

Waa gabay ninkiisii guyaal gaabiyoo jaraye

Waa  rubuc gandoodoo ku taal geliyadii howde

Waa gargaare  goor iyo ayaan lagu guryeystaaye

Waa gabay hadaan soo bandhigo laga gayoobeyne

 

Guushuba waxay  fiicacntahay goorta ay tahaye

Geyigana hadduu roob ka go’o oo gambiyo xoolo

Gorof madhan inaan qaadataa waa garaad xumo’e

 

Gar allee waxaa kuu haboon inaad ka guurtaaye

Gabood iyo inaad daydaydaa goob ardaa wacane

 

Guncas  waa cadceedoo godkii galaysa fiidkiiye

Waa goor falaadhuu iftiin geliga siiyaane

Waa galab cadceedii dhacdoo guri la ‘aadaaye

Waa goor habeenkii godladay gurashadiisiiye

Waa goor ninkii geel lahaa maaxday godolkiiye

waa goor ninkii guri lahaa garab dhig joogaaye

gacalkiina  uu soo shamiray goondahaa horo’e

googaada yeedhaa markaa laga garowshaaye

waa goor nasriga  guulaheen gaar u bixiyaaye

waa goor ninkii garanayaa gocosho daayaaye

 

 

Gudguduhu markuu soo curtee uunka wada gaadho

Ee gariirku dhowr jeer is xidho labada geesoodba

Gogoshiyo salliga aad fadhido gurada hoygaaga

Ruux garasho dheer iyo hadaan gaari fidinaynin

Illeen daadku wuu soo gala goor dambe alleyle

Adoo gororay adoo goonda jabay adiga oo gawdhmey

Adoo raaxo goortay ahayd kaa gedmaday jiifku

Ayaa doqoni waa guul darree guraca taagtaaye

Gar allee waxaa kuu haboon inaad ka guurtaaye

Gabood iyo inaad daydaydaa goob ardaa wacane

 

Afartaa  gayaan kaa rabee gaar ma ugu sheegay

Guubaabo  qoys lagu hantiyo sharafi waa guure

Afar kalena goohayga iyo geedi socodkay dheh

 

Gacalkaagu wuu kugu nacaa  guunta ciil kalehe

Adna garasho way fiicantahay inaad ka  guurtaaye

Gooreynta meeraha waqtigu wuu is gurayaaye

Guushaadu waa inaad heshaa gabadh  la haybshaaye

Hadii aad gunburi soo dhistiyo goroyo heeryeysan

Ama gool sidii hooyadeed gaadmada taqaana

Gocoshada aday kugu ridaa goor iyo ayaane

Gaban mayso naagtaan gob iyo gaarida ahayne

Inad garato weeyaan habalahaa tii gargaar wacane

Guumeysta waa laga tagaa guruca taagtaaye

Gaajiyo hanfay kugu dishaa goorta ay tahaye

Gar allee adoo raaliyey kuba giriiftaaye

Gabalkii dhacaba waa  intooy  gab iska siisaaye

Intay kuu gunuusayso  eey kuu gurxamahayso

Ayey dunidu kaa guuraysaa gurashadeediiye

Gol cidla ah ayey kugu furtaa  gaabis orodkiiye

Naftaadey ka googoosataa  gacal  lamoodiiye

 

Afartaa  gayaan kaa rabee gaar ma ugu sheegay

Guubaabo  qoys lagu hantiyo sharafi waa guure

Afar kalena goohayga iyo geedi socodkay dheh

 

Waxba lama gunuusee hadaan  guudka ka hilaaco

Oon gabay farxaanoow murti leh hadal kusoo gooyo

Gabdho kala han weeyoo badhbaa guur istaahila’e

Guudkuun lagama fiirsho  iyo midab guduudnaane

Garaadbay is dheeryiin haween kala gedweeyaane

Qaarbaa  galleydh iyo hilaac  garan la moodaaye

Qaarbaa gob iyo rays ahoo  gacalku yaabaaye

Qaarbaa sidii gorayadii  Guudka  uun fidha’e

Qaarbaa gayaankooda nacay oon gaadhi meel kala’e

Qaarbaa  sidii gaydha roob  gaadaduun lulo’e

Qaarbaana  kaa gaabsanoo  guudka kaa koro’e

Qaarbaa  gubaabiyo  xishood  guullaheen baraye

Waxba gorofka haw culan mid kuba gargaareyne

 

Afartaa  gayaan kaa rabee gaar ma ugu sheegay

Guubaabo  qoys lagu hantiyo sharafi waa guure

Afar kalena goohayga iyo geedi socodkay dheh

 

Gabadh xilo janiyo  gaaribaa guri lageeyaaye

Inaad guursataabaan  jeclahay gabadh abaaleede

Geenyadii hilaaciyo ahayd luulka garayeysan

Ee farawga lagu gooyey ee gacanta saydhaysay

Ee garasho awgeed indhaha galac ka siinaysay

Ee mrada guudkeeda sudhan gaashada u diiday

Ee aan ganbadu waa hiddee garabka saareynin

Ee gacalku waa jecelyahee garatay maankeeda

Ee quruxda loo gooyayee garasho loo daayey

 

Qudcur dama iftiinkii ka go'ay uunka wada gaadhye

Sharaf bay gayaan dheertahoo waa gob aan ogaye

Waa gacalo ruuxii arkaa gacan u taagaaye

Waa gabadh gubaabada hankaba guulaheen baraye

Waa gabadh abaal loo gala gocosho waa ceebe

Waa gabadh astaan gaar ahoo lagu guluubtaaye

Waa gabadh geddeed dhaaftayoo goysay xumihiiye

Waa gabadh nin guursaday aduun ugu garaabaaye

Iyadoon gedeedaba  habluu  sharaf ku gaadhaynin

waa gaari  uunkuba rabiyo garab farxaanoowe

Adna inaad  gargaartaan jeclahay guulle mahadiiye

 Gallad weeye eeboo xilbaad gacanta haysaaye




                          Ciwaanka: h-halac@hotmail.com

                                     Hargeisa  Somaliland