Lama-filaan! Waa geedkii: W/Q: Bashiir Raacdeeye

0
Wednesday April 02, 2014 - 11:27:04 in by Super Admin
  • Visits: 1178
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Lama-filaan! Waa geedkii: W/Q: Bashiir Raacdeeye

    Waa maalin jimce ah.bishu waa march ,sannadka 2014-kii.goobtu waa burco.casar liiq ayaan suuqa u soo baxay.waxan ballan la laha wiil aanu saaxibnahay oo qoraa ah.qoraagu waxa uu jecla in uu la kulmo abwaanka weyn e

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa maalin jimce ah.bishu waa march ,sannadka 2014-kii.goobtu waa burco.casar liiq ayaan suuqa u soo baxay.waxan ballan la laha wiil aanu saaxibnahay oo qoraa ah.qoraagu waxa uu jecla in uu la kulmo abwaanka weyn e

Lama-filaan!

Waa geedkii

Waa maalin jimce ah.bishu waa march ,sannadka 2014-kii.goobtu waa burco.casar liiq ayaan suuqa u soo baxay.waxan ballan la laha wiil aanu saaxibnahay oo qoraa ah.qoraagu waxa uu jecla in uu la kulmo abwaanka weyn ee maxamed ibraahim ‘hadraawi’ oo degen magalada burco.aniga iyo qoraagii ‘tig ama bajaaj’ ayaan ka soo raacnay suuqa magalada burco si aanu hadraawi ugu booqano goobta markasta oo aad hadraawi u bahan tahay laga heli karo-hotel city plaza ee magaalada burco-.markaanu hudheelkii soo galnay ayaanu hareeraha fiirinay aniga iyo qoraagi.inyar ka dib waa;hadraawi oo dhex fadhiya koox odayaal iyo ganacsato ,masuuliyiin iyo aqoon yahan dhex fadhiya oo akhrisanaya wargeys.markay indhahaygu qabteen aad ayaan u farxay in aan arko abwaan hadraawi oo fadhiya huteelka dhexdiisa oo aan mashqul ahayn!.

In aad la kulanto qof muhiim ama aad arin uga bahato,waxa ay ku xidhan tahay hadba qofka aad u bahan tahay inaad la kulanto.wasiir ,qoraa,abwaan,aqoon yahan kale,siyaasi caan ah ama halgama ,hadba kuu doono hanoqdee ,waxay ku xidhan tahay shakhsiyadda qofkaasi noocay ay tahay.ma mid kibir iyo is weynaysiin badan mise qof is dhuldhig badan?

Abwaan hadraawi;waa shakhsiyad dadku ay jecel yihiin .waa shakhsi is dhuldhigid badan.waa qof debecasan.waa qof naxariis iyo kalgacal badan,waa qof jecel in uu qofkasta qanciyo oo la fadhiisto.waa qof jecel inuu ixtiraamo qof rab in uu la kulmo ,ma eego hadraawi qofkaasi cidda uu yahay,ma eego da,adiisa iyo aqoontiisa.ma eego magaciisa,ma eego labnimadiisa dhedignimadisa!. Dabcan, hadraawii dadka ,waxa uu sii yaa maamuus iyo qadarin dheerad ah,hanoqdo ,masuul sare,ganacsade iyo dhalin yaro isku si ayuu u qaabila ,ixtiraam iyo mudnaan ayuuuu siiyaa.waxa uu abwaan hadraawi jecel yahay in dhalinrada la fadhiisto , soodhaweeyo wiilal iyo gabdho oo la sheekaysto,waxa laab ah,markasto oo hadraawi dhalinyaro la kulmo waxa uu uga sheekeeyaa dhaqankii hore ee somalida iyo sida ay u noolan jireen,waxaad markaa ka garan karta sida abwaanku u jecel yahay in dhalinyarada somalidu ay dhaqankodi hore ku dheganaadan, dhaqaalayn iyo tixraacna u siiyaan.

Waxaan xasuusta maalin maalmaha ka mid aniga iyo asxaabkale oo hadraawi la fadhina oo uu noo sheekaynayo abwaanku,aniga iyo dhalintuna aanu dhegaha u raaricinayno sheekada xiisaha leh abwaanka kaydkiisa ka soo burqanaysa.waxa soo maray koox odayaal ah.salaan ka dib ,waxay abwaankii ku yidhaahdeen. " hadraawi;galabta ma dhalinyarada ayaad la fadhiistay?”

Waxa uu ku jawaabay," haa.oo waxan isdhi bal in ay wax kaaga soo duxaan dhalinyarada oo aad ka faa’iidaysato!”.taasi waxa ay marag u tahay ixtiraamka iyo qaddarinta,debecsanaanta iyo soodhawenta cidkasta ee abwaan hadraawi.

Aanu ku noqdo,kulankii galabtaas ,markaanu ku soo dhawaanay halkii uu fadhiyay abwaanku.ayuu mar keliya xagga yagii soo fiiriyay.salaan ka dib, waxaanu ka codsanay in aanu jecelnahay in aanu la kulano.waa u aqbalay.meel gooni ah ayaanu saddexyadii fadhisanay.salaan iyo sodhawentii abwaanka ka dib.waxa markiiba salaan ku boobay koox dhalinyaro ah oo dalxiis ku ahady magalada oo abwaanka jeclaa in ay la kulmaan,hase yeshee,waxay naga codsadeen in aanu jaaniska u ogolaano si ay abwaanka ula kulmaan maadaama ay socdaali rabaan.aniga iyo saaxiibkayna waanu ka yeelnay,muddo ka dib waa uu nago soo noday.halkii ayaanu ka sii wadanay dantii aanu ka lahayn abwaanka.

Waxa kulankaas isoo jiitay waxa uu ahaa;waxa abwaanka u yimi wiil u adeer u yahay oo taleefoon u dhiibay si qof u uu abwaank dan ka lahaa uu ula hadalsiiyo

Taleefoonkii ayuu dhegta saaray,isagoo i su sheegaya qofkii u la hadlayay ayuu abwaanku yidhi " waar waa geedkii… waar waa geedkii!”

Waxan eegay hareerahayg.waxa ku yaalla dhir waaweyn oo si quruxbadan loo beeray.waxan is weydiiyay faa’idada’ geedka’ laga helo!?

Waxaan is-barbardhigay abwaan hadraawi iyo geed weyn oo si quruxbadan u baxay oo ku dhex yaalla huteelka,geedka dushiisa waxa saaran koox shinbiro ah oo habeenkiina u hoyda iga iyo dhalaalkoodu .maalintiina waxa ku qaxweeya bulshada kala duwan ee u soo tamashele taga huteelka.abwaan hadraawina waxa soo boqda maalinkasta bulsho kal duwan oo ka mid ah bulshada afka soomaliga ku hadasha qaybeheeda kala duwan,intii aanu la fadhinayn abwaannka saddexjeer ayaa marba koox u timi abwaanka,kooxkasta waxa ay ka laahyd dan aqoon- raadisa ah,qaar barnaamij ka duubaya iyo qaar su’aalo weydiinaya.intii aannu la fadhinayn abwaanka ayaa mar qudha taleefoon huteelka looga baaqay ka dib abwaanku fasax ayanuu naga codsaday maadaama taleefoonku dhulshishe ka soo hadlayay!

Abwaan hadraawi isago degen burco ,haddana,suurtogal ma’aha inuu hal 7aad oo isku xiga uu ku dhammaysto burco!,waxa uu kala goosha dacalada dunida.meelkasta oo ay somaliyi joogto.xaflad dhaqan iyo mid aqooneed lagu soo bandhigayo haddii aan abwaan hadraawi joogin ma’ah xaflad dhadhan iyo dheef laga dhuuxi karo!.

Waxan xasuusta 2012-kii,xilli uu abwaanku xiisad ka bixin jiray jaamacadda burco oo ku lafa guri jiray dhaqankii somalida iyo soyaalkoodii hore, ayaa uu maalin ka waramay,’xidhiidhka isaga iyo bulshada ka dhexeeya’,waxa xusid mudan oo hadalkiisi ka mid ahaa. " waxan hanta gacanta ku hayo haddii ay tahay gaadhiga aan watto iyo guriga aan degenahay intaba bulshada soomalida ayaa keentay.intii karaankayga ah waxaan sameeyay ragganimo”

Dabcan,haa.waad mudan tahay intaas in iyo ka badan,waxaad samaysay raganimo,waxaad la timi karti.waxad kor u qaadday sugaanta iyo afka soomaliga.waxaad dunida tustay in afka soomaliga laga heli karo "Somali Shakespeare”.waxaad u hiilisay afka soomaliga.bal maxaa loo dhiga karaa maansada "sirta nolosha”.miyaanu noqno Karin geedka sugaanta somalida?

Murtida hadraawi,xigmaddiisa iyo ereygga awoodda leh,ereygiisa-san iyo falsafddiisa ayaa abwaan hadraawi ka dhigay geesiga geedka sugaanta soomalida bal u fiirso erayadan falsafadda ku jirta;

Qalinkaa wax suureeya

Kugu sima halkaad doonto

Saaxiib kal furan weeye

Sunto fara ku hayntiisa

Weligaa ha sii deynin.

Sisin iyo ku beer muufo

Iyo laanta saytuunka

Ku qotomi sungaan waarta

Iyo nabadda seeskeeda

Samo iyo ku doon heedhe

Dunidiyo sinnaanteeda

Ku dawee sawaaceenka

Iyo siica daacuunka

Ku burburi sarbaa mooska

Iyo soohdimaa meersan

Ku midee samuud raaca

Midabada la sooc soocay

Dadkan tobanka saamood leh.

 

Markale isagoo ka hadlaya abwaanku falsafadda sinaanta nolosha ee aaadmaha,waxa ka mid ahaa maasadii sirta nolosha;

Nin ku yidhi sinnaan mayno

Adna diid sarrayntiisa

Sidka waa wadaagtaane

Ma sagaashan baa tiisu.

Geedka ;waxaynu ka helna cunto,waxaynu ka helna hadh,waxay ka samaysanaa wax yaalo badan sida;warqdaha,daawooyinka qaarkood,saliidaha qaarkood,kiriimyada laysku qurxiyo….. IWm.

Abwaan hadraawi waxa aynu ka helna inta aynu geedka ka helno in u dhiganta dhinaca sugaanta iyo falsafadda.maxaad ku qiimayn lahayd sugaanta hadraawii ee murtida iyo falsafadda ay ka buuxdo?.

Bulsho aan sugaan lahayn waa deegaan aan geed lahayn!

Quruxda iyo farshaxanimada dhaqanka, qiimaha iyo sharafta dhaqanka waxa sal u ah sugaanta,sugaana waxa sameeya abwaanada ,sida awgeed,abwaan hadraawi ,waa ;geedka sugaanta somalida.!

Qore: bashir raacdeeye

Burco,somaliland