Dadaalka Dadkeyga iyo Dareen la,aanta Dunida.Qalinkii Hal-door Barkhad Jama Hirsi Batuun

0
Wednesday April 02, 2014 - 18:24:30 in by Super Admin
  • Visits: 1246
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dadaalka Dadkeyga iyo Dareen la,aanta Dunida.Qalinkii Hal-door Barkhad Jama Hirsi Batuun

    Ugu horeyn aan u hibeeyo hambalyo kal iyo lab ah dhamaan inta ku hawlan horumarinta dhankasta leh ee quseeya qaranimada Somaliland iyo halganka aan hubeysneyn ee lagu raadinayo xaqa Somaliland ee dunidu iska indho tirayso mudo ku dhow 25 sano

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu horeyn aan u hibeeyo hambalyo kal iyo lab ah dhamaan inta ku hawlan horumarinta dhankasta leh ee quseeya qaranimada Somaliland iyo halganka aan hubeysneyn ee lagu raadinayo xaqa Somaliland ee dunidu iska indho tirayso mudo ku dhow 25 sano

Ugu horeyn aan u hibeeyo hambalyo kal iyo lab ah dhamaan inta ku hawlan horumarinta dhankasta leh ee quseeya qaranimada Somaliland iyo halganka aan hubeysneyn ee lagu raadinayo xaqa Somaliland ee dunidu iska indho tirayso mudo ku dhow 25 sano si gaar ahna aan u xuso guud ahaan qurbajoogta Somaliland gaar ahaan kuwooda ku dhaqan magaalada Sheffield oo la imid tallaabo aad u cajiib ah waxaanan Alle ugu baryayaa inu ku guuleeyo hawshaas ay inoo wadaan iyo garashada ay fahmeen xilka ka saaran xushmada qarandkoodu leeyahay.

 Aan haddaba u gundo dhaadhaco qormadeyda aan ku cabirayo dareenka dhabta ah ee bulshada Somaliland si koobanna aan idinku soo gudbiyo guuxa qofkasta qalbigiisa ku jira ee ku saabsan dadaalka dalka Somaliland iyo dareen la,aanta dunida

Waxaan ahey qaran dhamaan dhameystirtay shuruudihii looga baahnaa ama lagu ictiraafi lahaa sida uu dhigayo qaanuunka caalamiga ahi kaas oo leh waa in uu qaranku yeesha Dad, Dal, Dawlad iyo waliba awoodo ay ku gali karaan heshiishyo caalami ah markaas ayaa la odhan karaa qaran

Duniyey waan kaa degi laayahay oo dareen ayaad iga qabtaa dundumaanad ii haysataaye bal inyar dug ii yeelo.

Waxaan ahay qaran la idhaahdo Somaliland, waxaan ku aala geeska afriga, waxaan kamid ahay dalalkii uu gumeystay Ingriisku, waxaan dhanka koonfur galbeed xuduud kala wadaagaa dalka Ethiopia xalka aan waqooyi galbeed xuduud kala wadaago dalka Jabouti sidoo kalena waxaan waqooyi daris kala ahey gacanka cadmeed dhanka aan berigana xuduud kala wadaago dalka Somalia.

Dalkeyga Somaliland wuxu dhul ahaan fidsan tahay 137000km waxaa dadkeyga lagu qiyaasa 3million iyo badh dad ah, waxaan ahey dal iyo dad Alle ku galaday Nimcooyin fara badan oo uu kow ka yahay Aminigu sidoo kalena waxaan ahey dal leh goobo fara badan oo dalxiisa  kuna duugan yihiin taarikho waaweyni, waxaanan leeyahay bad aad u balaadhan iyo buuro badan, dadkeyga reer Somaliland waa dad u badan xoolo dhaqato waxaaney inta badan noloshuudu ku tiirsan tahay ka ganacsiga xoolaha.

Gumeystihii Ingriiska ayaa waxaa uu Somaliland soo cago dhigtey 1884 waxaanu mudadii uu dalka joogay xoog isku fahmay hogaamiyayaashii bulshada Somaliland oo markaa u badnaa odayaal dhaqameed balse akhirkii waxaa ay isla qaateen inuu dalka ugu baxo taladana ugu wareejiyo dhalinyaro aqoonyahano ah. 1960 26 june ayaa Somaliland xornimadeedii ka qaadatey Ingiriiska iyada oo inyar kadibna dhanka Somalia ula kacday dawladnimadeedii waxaana markaa waday Somaliland niyadwanaag ay u hayeen wallaalahooda Somalida ah ee ay diinta iyo dad wadaaga leeyihiin, hungowga ku dhacay iyo tacadiyadii lama filaanka ahaa ee ay kala kulantey dawladihii Somalia gaar ahaan dawladii kacaanka siyaad bare ayaa waxaa ka dhashay unkida ururkii SNM iyada oo sanadkii 1981 bishi april lagaga dhawaaqay magaalo madaxda wadanka England ee London.

In ka badan 10 sano oo halgan hubaysan lagu jiray ayaa waxaa 1991 18 may magaalada burco lagag dhawaaqay gooni isku taaga Somaliland iyada oo ku dhaqaasita qodobo badan oo ay kow ka tahay gooni isku taaga Somaliland shirgudonkii shirkaasi u wakiisheen Mujaahid Aadan Barandho oo hadda ganacsade caan ah ka ah Somaliland.

Waxaa Madaxweynihii u horeeyey loo doortey C/raxman Axmed Ali waxaanu xilkaas hayey mudo 2sano ah, 1993kii waxaa Magaalo madaxda gobolka awlad lagu doortey Madaxweynihii 2aad ee Somaliland Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal iyada oo 2daas madaxweyneba dhinteen Alle ha u naxariiste

Intaas kadib waxaa la galay  duruufo badan iyo dagaalo sakooyey balse akhirkii waa laga gudbey oo waxaa toos dhidibada loogu taagay dawladii Cigaal iyada oo talaabadii ugu horeysay ee lagu guuleystayna noqotey hub ka dhigista dhalinyarada wakhtigaas joogtay.

18ki October 1994kii waxaa la sameeyey lacagta Somaliland iyada oo 14ki October 1996kii la sameeyey calanka sadexda midab leh ee ay Somaliland leedahay astaanta qaranka ayaa iyaduna wehelinaysay sameynta calanka isla sanadka 1996

2001dii ayaa waxaa sidoo kale la sameeyey afti uqaadista distoor ay leedahay Somaliland taas oo lagu guuleystay

Waxaa intaas kadib geeriyooday sanadkii 2002da Madaxweyne cigaal iyada oo lagu aasay magaalo madaxda gobolka saaxil ee berbera, xilkii madaxweynenimana waxaa loo dhaariyey daahir rayaale kaahin oo markaas ahaa M/kuxigeenkiisi balse mudo 7 sano ah ka talinayey wadanka kadib markii uu qabtey doorashadii ugu horaysay ee Somaliland ka dhacda taas oo uu ku guuleystay, dhanka kalena iyada oo Madaxweyne Ahmed Maxamed Maxamud Silanyo noqday Madaxweynihii 4aad ee Somaliland sanadkii 2010 halkaas oo doorasho xor iyo xalaal ah uu kaga adkaaday wallaakii Daahir rayaale oo ay ku tartamayeen kursiga Madaxtimiada wadanka

Caalamow waxba indhihiihina cirka ha igaga lalin.

Lasoco Qeybaha danbe……

Somaliland guul iyo gobonimo

Hal-door Barkhad Jama Hirsi Batuun

Ahna lataliyaha Madaxweynaha Somaliland ee Arimaha Bulshada

Hargeisa Somaliland

Email: Barkhad909@live.com