Muxuu Tababare Jose Mourinho Ka Yiri Guuldaradii Chelsea Ka Soo Gaartay PSG Caawa?

0
Thursday April 03, 2014 - 09:10:08 in by salman abdi
  • Visits: 1174
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu Tababare Jose Mourinho Ka Yiri Guuldaradii Chelsea Ka Soo Gaartay PSG Caawa?

    Tababare Jose Mourinho ayaa sheegtay in qaladaad daafac oo ay sameeyeen inay keentay in guuldarro 3-1 ay ka soo gaarto PSG lugta hore ee wareega 8da Champions League.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababare Jose Mourinho ayaa sheegtay in qaladaad daafac oo ay sameeyeen inay keentay in guuldarro 3-1 ay ka soo gaarto PSG lugta hore ee wareega 8da Champions League.

Natiijadan oo Chelsea dhigeysa xaalad adag ka hor lugta labaad ee Stamford Bridge ka dhaceysa ayaa tababare Mourinho uu sheegay in goolka seddexaad ee PSG ay dhalisay inuu ahaa kaftan.

"Shaqada ugu adag si fiican ayaan u qabanay, laakiin ma aanan ka faa’ideysan fursadaha yaryar ee aan helnay, waxaana sameynay qaladaad daafac oo shaqsiyadeed.”

Isagoo ka hadlayay goolkii Pastore uu dhaliyay waqtigii dhimashada ciyaarta ee ka dhigay ciyaarta mid ay PSG ku badisay 3-1, Mourinho ayaa yiri: "Ciyaarta waxa ay aheyd mid aan koontarooleynay markii ay aheyd 1-1 laakiin waxaa timid goolkii aan iska dhalinay iyo goolkii seddexaad oo ahaa kaftan.

"Waa ay nagu adkeyd inaan goolal dhalino, gaar ahaan kulamada adag, marka aad sameynayo qaladaad daafac waxaad ku jirtaa dhibaato.

"Weli ma aanan harin, waxaan isku dayi doonaa inaan dhanka kale u rogno natiijada.

"Waa ay nagu adkaan doontaa laakiin ma ahan mustaxiil. Kubada cagta ma jiraan wax aan suurtogal aheyn. Waa inaan wax walba oo karaankeena ah sameynaa.

"Waa inaan ciyaarnaa lugta labaad anagoo ku fekereyna inay macquul tahay, uma maleynayo in PSG ay ku fekereyso inay soo baxeen.

"Waxaan qaladaad ka sameynay meelo ay ciyaartoyda xilli ciyaareedka oo dhan ku fiicnaayeen.”

Mourinho ayaa sheegay in sababtii uu afka hore ugu soo bilaabay Schurrle inay aheyd inuusan ku faraxsaneyn qaab ciyaareedka weeraryahanadiisa islamarkaana uu ku qasbanaa inuu isbedel