BBC-da + VOA Iyo Somaliland.

0
Friday April 04, 2014 - 13:32:04 in by Super Admin
  • Visits: 1271
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    BBC-da + VOA Iyo Somaliland.

    Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan warbaahinta madaxa banaan ee Somaliland, salaam taas ka dib, waxaan xoogaa ka odhanayaa BBC-da + VOA Iyo Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan warbaahinta madaxa banaan ee Somaliland, salaam taas ka dib, waxaan xoogaa ka odhanayaa BBC-da + VOA Iyo Somaliland Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan warbaahinta madaxa banaan ee Somaliland, salaam taas ka dib, waxaan xoogaa ka odhanayaa BBC-da + VOA Iyo Somaliland.

Hadaan u guda dego maqaalkayga, maxay BBC-du u Buun-buunisaa dhacdooyinka aan wanaagsanayn ee Somaliland ka dhaca, ugana aamustaa badhaadhaha iyo horumarka Somaliland? Su’aashaasi waa mid aan waydiinayo dad wayanaha Somaliland.

Intaas ka dib, waxaan la socotaa in Somaliland ay horumar la taaban karo ka gaadhay siyaasada arimaha debeda taas oo ka cadhaysiisay cadaw badan oo Somaliland leedahay, cadawgaasi ha joogu gudaha ama debeda Somaliland, hadaba, idaacadaha afka somaliga ku hadla ee VOA iyo BBC waxay mar walba ka soo horjeedaan Horumarka Somaliland, taas waxa kuu cadaynaysa, hadii Somaliland laga soo sheego war aan lagu farxin, labadaas idaacadood waxay isku dayaan inay mashaqadaas yar ay ka waraystaan dhowr qof, oo xitaa aanay warka ka sugin wariyayaasha u jooga Somaliland.

Hadaba labadan idaacadood waxaan u aqoonsahay anigu inay yihiin cadawga Somaliland, waayo waxay aad u necebyiin in Somaliland laga sheego war lagu farxo, oo taa bedelkeeda waxay aad u soo dhoweeyaan in Somaliland ay ka dhacdo mashaqo, mashaqadaas oo ay waliba si xad dhaaf ah u buun buuniyaan.

Hadaba dadwaynaha reer Somaliland ha ka digtoonaadaan dhibaatada ay ku hayaan labadan idaacadood waa VOA iyo BBC Somali.

Waad ogtihiiin oo mudo wiig ah ayaa la sugayay inay golaha deegaanka ee Sheffield ay cod u qaadaan qadiyada madaxbanaanida Somaliland, taas oo aanay marnaba soo hadal qaadin labadan idaacadood ee ah cadawga Somaliland, iyaga oo intaaba ka war wareegayay inay sheegaan horumarka Somaliland ee dhinaca siyaasada arimaha debeda.

Waxaan hadalkayga ku soo ururinayaa, talana ku soo gudbinayaa in labadan idaacadood iyo kuwa kale ee la mid ah aan Somaliland laga ogolaan inay siday doonaan warka u diraan, oo wararkooda la xadido lagana fiirsado inta aanay dirin, waayo hadii mar walba dalka dhibtiisa la sheego oo aan mar qudha dheeftiisa la sheegin, taasi waxay keenaysaa in sum cad xumo laynoo galiyo caalamka inaga ina eegaya.

Markaa dawlada iyo shiciba halaga dig toonaado ficilada foosha xun ee ay idaacadahani leeyihiin kuwaas oo u jan jeedha dhinacaa iyo Dawlada Somalia.




Waad Mahadsanthiin

Allaa Mahad Leh

By: Mohamed Hamud Ali

Burao Somaliland

Hamudson@gmail.com