Heshiisyo iyo Wada hadalo Mar kale Dhex maraya Shirkadda Google iyo Warbaahinta Addunka, iyo Wargeysyo Rajo xumo ka mujiyey Hirgalka Heshisyadas

0
Tuesday April 28, 2015 - 09:08:01 in by Burco Office
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Heshiisyo iyo Wada hadalo Mar kale Dhex maraya Shirkadda Google iyo Warbaahinta Addunka, iyo Wargeysyo Rajo xumo ka mujiyey Hirgalka Heshisyadas

    Wargaysyada Yurub ayaa la daalaadhacayay in ay la qabsadaan internetka, iyaga oo ku waayay akhristeyaal iyo dakhli uga soo xaroon lahaa xayaysiimaha, qaar badanina waxa ay aaminsanyihiin in shirkadda Google ay ka qaybqaaadanayso arrintraasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wargaysyada Yurub ayaa la daalaadhacayay in ay la qabsadaan internetka, iyaga oo ku waayay akhristeyaal iyo dakhli uga soo xaroon lahaa xayaysiimaha, qaar badanina waxa ay aaminsanyihiin in shirkadda Google ay ka qaybqaaadanayso arrintraasi.


Hadda shirkadda wax laga baarto ee Google waxa ay qiratay in ay ku khaldantahay sida ay ula dhaqanto warbaahinta waxa ayna heshiis kula gashay in ay iskaashi cusub yeeshaan.

In ku dhaw boqol iyo toban milyan oo pound ayayna ku maalgalindoonaan mashaariic cusub oo warbaahinta loogu adeegsanayo Oline-ka, waxa ayna balanqaadeen in ay la tashan doonaan ururada wargaysyada si ay lacag badan ugu helaan wax soo saarkooda.

Talaabadan waxaa loo arkaa in ay tahay iskuday lagu hagaajinayo sawirka shirkadda Google kaddib markii Midawga Yurub uu ku eedeeyay in Google ay si xun u adeegsanayso suuqa balaaran ee ay haysato.

Wargaysyada The Gurgian iyo the Financial Times ayaa ka mid ah ah wargaysyada ka qayb qaadanaya wadahadalkaasi, balse labadooduba waxa ay sheegeen in heshiiskaasi uusan hirgalaynin inta ay Google ka badalayso shuruucdeeda.




Xigasho BBC Somali