Shacabka Dalka Uganda Oo La Siinayo Tababaro Si Ay Iskaga Difaacaan Weerarada Al-shabaab

0
Tuesday April 28, 2015 - 09:39:13 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shacabka Dalka Uganda Oo La Siinayo Tababaro Si Ay Iskaga Difaacaan Weerarada Al-shabaab

    Madaxweynaha wadanka Uganda, Yoweri Museveni ayaa saraakiisha ciidamada dalkiisa ka dalbaday inay shacabka Uganda siiyaan tababarro ay uga hortegi karaan Al-shabaab oo hore uga geysatay dalkaas weerarro ay ku dhinteen 76-qof.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha wadanka Uganda, Yoweri Museveni ayaa saraakiisha ciidamada dalkiisa ka dalbaday inay shacabka Uganda siiyaan tababarro ay uga hortegi karaan Al-shabaab oo hore uga geysatay dalkaas weerarro ay ku dhinteen 76-qof.


Warbixinta uu qoray Museveni qoray oo lagu daabacay wargeysyada dalka Uganda kasoo baxa ayuu shacabka waddankiisa uga dalbaday inay qaataan tababaro ay uga hortegi karaan argagaxisada, isagoo xusay inay lama huraan tahay inay iska difaacaan Al-shabaab haddii ay so weerarto dalkooda.

Sidoo kale, Museveni ayaa warbixintiisa ku sheegay in ciidamada Uganda ee ka howlgala dalka Soomaaliya ay dagaallada ku jebiyeen Al-shabaab, taasoo sababi karta inay weerarro kusoo qaadaan Uganda.

"Ciidamadeenna Soomaaliya ku sugan way sii wadi doonaan dagaallada ay kula jiraan Al-shabaab, illaa laga saaraayo dhulka ay kaga sugan yihiin Somalia,” ayuu ku yidhi Museveni qoraalkiisa.

Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga Uganda, Cap. Paddy Akunda ayaa isna dhankiisa sheegay in hadalka kasoo yeeray madaxweynaha Uganda uu macno ahaan ka dhigan tahay in shacabka Uganda ay iska difaacaan ururka Al-shabaab haddii ay weerarro soo qaadaan.

 

 

2015427635657028807323236yoweri-museveni

 

Waddanka Uganda ayaa waxaa Somalia kaga sugan ciidammo fara badan oo qayb ka ah ciidamada AMISOM ee dowladda Somalia ka taageera dagaallada ay kula jirto Al-shabaab oo muddo sannado ah isku dayaysay inay xukunka ka tuurto.

Ugu dambeyn, Yoweri Museveni ayaa muujiyay in Al-shabaab aysan hadda awood badan u lahayn inay weerarro ka geysato dalka Uganda iyo kuwa ay ka socdaan AMSIOM oo uu ka mid yahay dalka ay dariska yihiin ee Kenya.