Safiirkii Indonesia u fadhiyey Waddanka Australia oo shaqadii ka cararay, Waa Maxay Sababtu?

0
Wednesday April 29, 2015 - 08:43:30 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Safiirkii Indonesia u fadhiyey Waddanka Australia oo shaqadii ka cararay, Waa Maxay Sababtu?

    Australia ayaa safiirkeeda kala baxday dalka Indonesia halkaasi oo lagu dilay dad lagu eedeeyay ka ganacsiga maandooriyaha. Andrew Chan and Myuran Sukumaran iyo dad kaloo ajaaniib ah ayaa lagu toogtay dalka Indonesia.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Australia ayaa safiirkeeda kala baxday dalka Indonesia halkaasi oo lagu dilay dad lagu eedeeyay ka ganacsiga maandooriyaha. Andrew Chan and Myuran Sukumaran iyo dad kaloo ajaaniib ah ayaa lagu toogtay dalka Indonesia.

Ra’iisul wasaaraha Australian Tony Abbott ayaa dilka ku qeexay naxariisdaro iyo wax aan loo baahneyn.

Sideed qof oo lagu helay inay galeen demba ah in daroogo kotorbaan ah ay ka shaqeynayeen ayaa lagu toogtay Indonesia, waxaana rasaas hal mar ku furay koox askar ah.

Dilka waxa uu ka dhacay xabsi lagu magacaabo Besi prison, aroortii hore ee arbacada xilliga darlkaasi.

Si kastaba, qof sagaalaad oo dilka ku xukunnaa oo ah haweeney u dhalatay dalka Philippine ayaa la siiyay fursadii ugu dambeysay oo ah inay racfaan qaadato.

Indonesia ayaa dalbatay in dib loo dhigo dilka muwaadiniinteeda

Dadka la dilay waxaa ka mid ah laba qof oo u dhalatay dalka Australia, taas oo dhalisay in safiirkooda ay kala baxaan Indonesia.

Ra’iisul wasaaraha Australia ayaa arrintan cambaareeyay, waxa uuna ku tilmaamay inuu dil naxariisdaro ah yahay.

Waxa uu intaa raaciyay in Australia ay xushmeysay madaxbannaanida Indonesia, laakiin tanina aysan ahayn ganacsiga caadiga ah.

Dadka la dilay waxaa ka mid ahaa kuwa u kala dhashay dalalka Nigeria iyo Brazil, in Indonesia.

Maamulka Indonesia waxa ay dileen sideed qof oo lagu eedeeyay ganacsiga daroogada

Haweeneyda Filipina u dhalatay, ayaa markii la dilirabay, waxaa codsi soo gudbiyay madaxweynaha dalka Philippine, waxaa sidaasi BBC-da u sheegay afhayeen ka tirsan xafiiska xeer-ilaalinta guud ee dalka Indonesia.

Codsiga ayaa yimi kaddib markii qof looga shakisan yahay in haweeneydan uu u qariyay Heroin ay dowladda Philippine ku wareejisay Indonesia.

Hooyada dhashay gabadhan ayaa fursadda ku tilmaamamtay mid laabqaboobsi oo mucjiso ah.

Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa cambaareysay dilkan.

Maalintii ugu dambeysay ayaa sideeda la toogtay waxaa loo ogolaaday inay markii ugu dambeysay waqti yar la qaataan eheladooda.

Qaar ka mid ah qaraabada dadka la dilay ayaa xabsiga dhexdiisa ku suuxay. Gabar la dhalatay Sukumaran waxay ku dhacday gudaha xabsiga, waxayna taasi qasabtay in goobta laga qaado.