Dariiqa guusha iyo Xaqiijinta Himilada! Q.3aad. Qalinkii Suleiman Bashir Omar

0
Saturday April 05, 2014 - 17:59:16 in by Super Admin
  • Visits: 1634
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dariiqa guusha iyo Xaqiijinta Himilada! Q.3aad. Qalinkii Suleiman Bashir Omar

    Waxaynu qaybheenii hore kaga soo hadalnay guushu waxay tahay, iyo sida dadku u arkaan, waxan maanta ka hadli doonaa qodobomuhiim ah oo ku saabsan wax yaabaha Aas-Aaska iyo tiirasha u ah guusha iyo gaaritaankeeda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaynu qaybheenii hore kaga soo hadalnay guushu waxay tahay, iyo sida dadku u arkaan, waxan maanta ka hadli doonaa qodobomuhiim ah oo ku saabsan wax yaabaha Aas-Aaska iyo tiirasha u ah guusha iyo gaaritaankeeda.

Dariiqa guusha iyo Xaqiijinta Himilada! Q.3aad. Qalinkii Suleiman Bashir Omar


Allaa mahad leh, ammaan oo dhan isaga ayaa leh, qofkuu hanuuniyo ayaa hanuunsan, ninkuu lumiyana wax hanuunin karaa ma jiraan.

Waxaynu qaybheenii hore kaga soo hadalnay guushu waxay tahay, iyo sida dadku u arkaan, waxan maanta ka hadli doonaa qodobomuhiim ah oo ku saabsan wax yaabaha Aas-Aaska iyo tiirasha u ah guusha iyo gaaritaankeeda.


Hadaba dhawrkan qodob ayaa tiir adag u ah sida ugu fudud eed ku gaadhi karto Guusha iyo Himilada uu qofkastaa tiig sanayo:

1.Hadafkaaga beegso:Waa inaadtahay qof yaqaan oo ku adag waxa uu rabo iyo meesha uu u socdo, waa inaad ku seexataakuna soo kacdaa, hana isku dayin inaad hal mar toban wax ka wada fikirto laakiin aad Hadafkaaga oo kali ah aad dhinacyo badan ka eegto indhahana ku hay habeen iyo maalin, soojeed iyo hurdo labadaba. Waa inaad dadka ka taqaan kuna qancin karto halka aad ku socto iyo waxa aad rabto inaad gaadho, adigoon marnaba ka leexanayn kana caajisayn waxa aad hiigsanayso inaad noqoto ama aad gaadho. Taasi waxay qayb wayn ka tahay inaad buuxisay kala badh ama 50% hadafkii ama halkii aad rabtay inaad gaadho. (Hana iloobin xuska Alle markasta iyo meel kasta, waayo waxa ku jirta Guusha, Farxada Noloshada iyo Daganaanta Qalbiga).

2.Karti iyo Awood dheerada:waa inaad karti iyo Awood dheeraad ah u leedahay inaad ku dadaasho sidii aad u xaqiijin lahayd hadafkaaga oo aanay kaa ahayn xamaasad ama wax aad xiisaynayso laakiin waa inuu yahay go’aankaagu mid ku salaysan waxa aad damacsan tahay inaad gaadho ama aad noqoto mustaqbalka, culayskasta iyo hawl kasta oo kaa hortimaadana waa inaad awood u isticmaashaa adoo adeegsanaaya awoodii iyo maskaxdii kuu kaydsanayd, waayo waxaad ogtahay meesha aad rabto inaad gaadho adoo isticmaalaya Muruq, Maskax iyo Maalba si aad u gaadho guusha. Qofkastaa wixii uu beerto ayuu goostaa marka waa inaad hadh iyo habeenba ku dadaashaa hadafkaaga taasi waxay kuu fududaynaysaa inaad maalinba maalinta ka danbaysa ku sii dhawaato himiladaada. (Hana iloobin xuska Alle markasta iyo meel kasta, waayo waxa ku jirta Guusha, Farxada Noloshada iyo Daganaanta Qalbiga).

3.Daacadnimo iyo Amaano:waa inaad daacad u tahay inaad gaadho guusha aad rabto, kuna kalsoontahay naftaada inaad gaadhi karto guusha si kasta iyo waqti kasta oo ay kugu qaadataba, Aaminaada naftaada iyo guushu waa wax aad ugu baahan inaad markasta ilaaliso, taasoo kaa caawinaysa inaad noqoto qof Naftiisa, Noloshiisa iyo Hadafkiisaba u daacad ah si fududna ku gaadhi kara waxa uu rabo inuu noqdo ama helo. (Hana iloobin xuska Alle markasta iyo meel kasta, waayo waxa ku jirta Guusha, Farxada Noloshada iyo Daganaanta Qalbiga)……

4.Waji Furnan iyo Niyad Wanag:waa inaad tahay qof waji furan oo dadka fahmi kara, La dhaqmi kara, wax la wadaagi kara, markastana wixii wanaagsan umada u sheega, waxa xuna uga diga. ”Ogow guriga waxa laga galaa albaabka, qofkana wajiga, Guushana Qalbiga". Guushaadu waxay ku xidhantay kolba sidad uga faa'idaysato dadka iyo deegaanka kugu xeeran.(Hana iloobin xuska Alle markasta iyo meel kasta, waayo waxa ku jirta Guusha, Farxada Noloshada iyo Daganaanta Qalbiga).

La soco qaybaha danbe oo aad kuu xiisa galin doona, oo aan filaayo inaad ka heli doonto jawaabo badan oo maskaxdaada ka guuxaya muda badan aad u raadinaysay jawaab, iyo tilmaamo kaa caawin doona inaad gaadho himiladaada.



” ALLAA MAHAD LEH".

Suleiman Bashir Omar

Borama, Awdal.

Email:ibnubashiir99@gmail.com