GABAYGA DUUFAAN IYO ABWAAN SALEEBAAN MAXAMED AAR

0
Monday May 04, 2015 - 15:29:59 in by salman abdi
  • Visits: 3382
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    GABAYGA DUUFAAN IYO ABWAAN SALEEBAAN MAXAMED AAR

    Gabayga Duufaan Wuxuu jawaab rasmi ah u yahay guuleed yuusuf axmed gabayo uu soo tiriyay oo ay ka mid tahay maansada (daad) oo ka hadlaysa waxaan jirin oo been ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gabayga Duufaan Wuxuu jawaab rasmi ah u yahay guuleed yuusuf axmed gabayo uu soo tiriyay oo ay ka mid tahay maansada (daad) oo ka hadlaysa waxaan jirin oo been ah

GABAYGA DUUFAAN

ABWAAN SALEEBAAN MAXAMED AAR

Wuxuu jawaab rasmi ah u yahay guuleed yuusuf axmed gabayo uu soo tiriyay oo ay ka mid tahay maansada (daad) oo ka hadlaysa waxaan jirin oo been ah

ØRagbaa gabayga daan daamiya oo dila abidkiiye

ØDacwad beena niman baa qoraan daw u bixinayne

ØDeel qaaf fagaariyo ragbuu deri ka yeeshaaye

ØAn se xarafka meeshaan ka dayo waa u diktoonahaye

ØDahriga iyo laabtaa ilaah iigu daabacaye

ØDocka yeedhku goortuu batee dawlada abaaro

ØEe uu xagalka daacaan sidii dirir ku hooraa

ØDaran dooribaan ula dhacaa darranahaygii

Øwixii shaashad laga daawadiyo deriska suugaanta

ØNinwaliba halkuu daaqsaduu darartii maalaaye

ØDibaa loogu maah maahayaa daabacii dhacaye

ØDiiwaanka taariikhda waa lagu darayaa

ØAfartaa sidii danab la riday ma isu daba joojay

ØDadaan kaga bilaabiyo miyaan deelka ka hanaanshay

ØDarwiishkii salaam iyo aljeer dananihii qaanje

ØDuca qabe suldaan tima cadiyo daalin iyo qaasim

ØDanukhiyeeya nuur dhaga cun iyo diricii gaagaale

ØDalaayad iyo sida maxamed nuur ararta ma u deexday

ØDabayl iyo ufay kugu dishaa dookhsin karameed

ØDirir seerma waydoo curtiyo deydo iyo cawl dheh

ØGuuleed warkuu soo diree dunada gaadhsiiyay

ØDadkuu maqal wuxuu miidhiyaha daakhilka u dhigaye

ØAllaylehe afkiisii dadnaa waa daroorimaye

ØDixduu celiyay waa wada turxaan duf iyo ceeryaane

ØDab qabyaaladeed buu gashiyo dira diraaleene

ØDagaal geli walaalo is jeclaa deyr u kala oodye

ØDanwadaagda shicibkii ahaa daabcada u dhiibye

ØAlla dooriyow eeda waa loogu dawgalaye

ØDocda geysey ceeb aan ka hadhin daayin abidkiiye

ØSir libaax markii aan ku deyey deymo bahaleeye

ØDalanbaabi warankuu u riday daacad waal noqoye

ØGabayguu difaac ugu wan qalay dood ka celin waaye

ØDoqoniimo maantana haduu dub ugu soo laabatay

ØDibin rootigii lagu dhuftaa looga sii dariye

ØMaansada dirkeedii lumaye daadka lagu sheegay

ØDuufaan murtida loo baxshaa daakhilka u celine

ØHaaruunba yuu dub uga ciyin daarada abdaale

ØHalka dooxa waaheen badweyn kaga dilaacaayo

ØInta aan ku daro maw jadaan yara dabaal siine

ØDad liqa iyo moolkaan gashuu hoos u daadegine

ØAfartaa sidii danab la riday ma isu daba joojay

ØDadaan kaga bilaabiyo miyaan deelka ka hanaanshay

ØDarwiishkii salaam iyo aljeer dananihii qaanje

ØDuca qabe suldaan tima cadiyo daalin iyo qaasim

ØDanukhiyeeya nuur dhaga cun iyo diricii gaagaale

ØDalaayad iyo sida maxamed nuur ararta ma u deexday

ØDabayl iyo ufay kugu dishaa dookhsin karameed

ØDirir seerma waydoo curtiyo deydo iyo cawl dheh

ØMar haduu wanaagii dafiray dawlada caayey

ØUu xumo ku diirsaday samana duray ka qaadayo

ØUu been dux iyo raad lahayn derejo moodaayo

ØIsagaa dukaan laba afloow soo danaaniyaye

ØIsagaa xaquu doonayaa daalib uu yahaye

ØIsagaa habaarkuu dal dalay degel uyaalaaye

ØKaa gabayga noo soo diriyo doodii dhego weyne

ØLabaduba warkay daabaceen waa diciifnimo ,e

ØIsaguba dadkuu kicinayee ee duulan gelinayay

ØTaariikhda daalacan hadaan manta dib u raacno

ØDoraad iyo wixii shalayto dhacay dib uma faalayne

ØDagaal yahan haduu yahay halyeey dib uma laabtaana

ØDekedii berbera ina miraan duhur ka saareene

ØDaran doori goortii rasaas laga daandaanshay

ØDaqiiqado halsaac oo qudhay debed u tuureene

ØDaya faarax nuux baa u baxdee duni ma joogeene

ØDoqon baa abaalkii la taro dib u xusuus naane

ØAfartaa sidii danab la riday ma isu daba joojay

ØDadaan kaga bilaabiyo miyaan deelka ka hanaanshay

ØDarwiishkii salaam iyo aljeer dananihii qaanje

ØDuca qabe suldaan tima cadiyo daalin iyo qaasim

ØDanukhiyeeya nuur dhaga cun iyo diricii gaagaale

ØDalaayad iyo sida maxamed nuur ararta ma u deexday

ØDabayl iyo ufay kugu dishaa dookhsin karameed

ØDirir seerma waydoo curtiyo deydo iyo cawl dheh

ØDanteed garatay somaliland doorka manta ahe

ØDaljiriyo halyeeyada u kacay waan ku diirsadaye

ØMarkalana dibaa loogu celin dorashada dhowe

ØDockastaba ha joogee shibcigu waa u diyaar yahaye

ØDubeyseey hasheenii la dhacay dhiigna lagu daadshay

ØDagaalkiyo dhibkii dhacay hashii dad iyo maalba leeftay

ØMarkii dirirta lagu soo ceshee xerada loo deyray

ØWax badan baa abaar lagu diliyo daaqsin xumadeede

ØWax badan baa dabaal lagaga jaray dacalka haaneede

ØDushoo mudhux san dhaaxay huryadu diirato ahayde

ØRag daryeela waa tii ilaah noogu soo diraye

ØWataa nirgaha daabisee dadartay maan deeqe

ØDeeqay hadhuub gaaladaa laga daboolaaye

ØDan yartiyo hadaa maatadii laga dur duuraaye

Øhaduu baar qabkeedee dirsame doobta ridayaaye

ØWataa xeryii loo dugsiyay daranta weynaa

ØAfartaa sidii danab la riday ma isu daba joojay

ØDadaan kaga bilaabiyo miyaan deelka ka hanaanshay

ØDarwiishkii salaam iyo aljeer dananihii qaanje

ØDuca qabe suldaan tima cadiyo daalin iyo qaasim

ØDanukhiyeeya nuur dhaga cun iyo diricii gaagaale

ØDalaayad iyo sida maxamed nuur ararta ma u deexday

ØDabayl iyo ufay kugu dishaa dookhsin karameed

ØDirir seerma waydoo curtiyo deydo iyo cawl dheh

ØDadka qaar waxay doonayaan looma daahirine

ØXildhibaano doorkii dhoweyd dooshad kicinaayey

ØDabshidkii siciid iyo cirro damac qaloocnaaye

ØDibno iyo hunguri roorayoo damac u heeryeeysatay

ØNin dangaara keligii watoo dabaya uurkiisa

ØDaab goday ninaan jari karayn madaxna doonaaya

ØWaa waxa aduunyada dabay ee la isku dilayaaye

ØDadka koonfureed waa waxay degis u waayeene

ØDalka horumarkiisiyo nimcadaa daayin ina siiyay

ØDugsi iyo amaan lagu hirtoo daafaca u taagan

ØDerejada ku taxan ciidamada dul iyo hoos gaadhay

ØIctiraafka lala doonayiyo dawlad nimadeena

ØDayax iyo shamsada soo baxdee dunida nuuraaya

ØNinka diidan waa dayrinee ha iska sii dudo

ØDacar iyo xanuunbaa hayee doogta ha ugo,o

ØDadka kala gurkiisiyo haduu hadalka dayn waayo

ØDushaa laga ilaashaa xabsaa loo diyaarsadaye



ABWAAN SALEEBAAN MAXAMED AAR

BURCO SOMALILAND