WAA DOORKII DA’'YARTA, EE DARKA HA LAGA DAADAGO.

0
Saturday April 05, 2014 - 18:11:30 in by Super Admin
  • Visits: 1305
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA DOORKII DA’'YARTA, EE DARKA HA LAGA DAADAGO.

    Muddo kadib wuxuu xidhanayaa dhar kii hore ka duwan, waayo awal wuxuu xidhan jiray Shaadh iyo Surwaal, hada se Surwaalkii wuxuu ku badalay Macawiis, waxaa u raacay Go' shaal ah ama Cumaamad, Koofiyad, Tukube/Bakoorad Iyo waxyaabo kale,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muddo kadib wuxuu xidhanayaa dhar kii hore ka duwan, waayo awal wuxuu xidhan jiray Shaadh iyo Surwaal, hada se Surwaalkii wuxuu ku badalay Macawiis, waxaa u raacay Go' shaal ah ama Cumaamad, Koofiyad, Tukube/Bakoorad Iyo waxyaabo kale,



waayo wuxuu dareemay inuu dhaafay xiligii dharkaas la xidhan jiray waa xilligii dhallinyarnimada’e oo uu u gudbay xilligii uu tukubaha iyo kuwa kale xidhan lahaa, laakiin ma garanayo in uu xilka ku badalo qof hanan kara oo dhalinyaro ah, waxaa taa ka sii daran xiligani waa xiligii tukubaha oo maskaxdana wax badan baa iska badalay oo garashada iyo xusuustuba sidii hore wax badan baa iska badalay, isbadalkaasi waa 
mid saamayn taban ku leh gudashadii xilka.

 

Aan u soo gundo dago ujeedada qormadan kooban, laga soo bilaabo waqtigii aan waxbarashada hoose dhigan jiray dadka waawayni waxay nagu odhan jireen ‘WAXAAD TIHIIN MADAXDII BERRITO!’. Isla kalmaddii ayaa maanta nin meel ka qudbadaynayey nagu yidhi!! Yaabkii ayaa igu sii batay oo waxaan is waydiiyey: GOORMAAD GAADHAYSAA BERRITO OO NOQONAYSAA HOGAAMIYAHA MAANTA?!.

Waxaa la yidhi: " sheekoba sheeko ayay keentaaye”. Maalin baan maqaaxi soo galay, waxaa boodhka maqalka lacagta lagu qabto dushiisa ku qoran; MAANTA WAA NAQAD, BERRINA WAA AMAAH; maalintaa lacagtii intaan bixiyey ayaan maalintii xigtay imi, ninkii baa waxaan ku idhi: "walaal shalay ayaan lacagta bixiyey ee maanta waan amaahanayaa”. Markaasuu igu yidhi: "MAANTA WAA NAQAD, BERRINA WAA AMAAH’ inta uu farta iigu fiiqay boodhkii dushiisa ku qornaa, dareemay inay sheeko ama sir ganacsiyeed tahay, waxaa taa ka dhigan kalmadan ah WAXAAD TIHIIN HOGAAMIYAYAASHII/MADAXDII BERRITO, waxaanan u aqoonsaday inay tahay sheeko ama sir siyaasadeed dhalinta lagu cadaadinayo oo xilka lagaga takoorayo loona tusayo inayna wali gaadhin doorkii dhalinta ee ay sugaan.

Hadaba Berriyi haday doonto ha iska ahaato Berriye anigu waxaan aaminsanay inaan ahayn HOGAAMIYAHA MAANTA, xilkaana aan ka soo bixi karo noocuu doono ha noqdee.

 

 

waxaa jirta in dhawaan Golaha Deegaanka Sheffield guddoonsadeen inay meel mariyaan qadiyada Aqoonsi ee Somaliland, waxaa kale oo jirtay in dhawaan uu Mayar-ku-xigeenka Caasimada Hargeisa Mudane Cabdicasiis Maxamed Xaashi safar ku tagay dhowr magaalo oo ka mid ah Cariga Ingiriiska oo ay ku jirtay Sheffield, waa goobtan aqoonsiga Somaliland guddoonsataye, ayna kulan wada yeesheen Hogaanka golahan Sheffield oo uu kala hadlay kuna qanciyey qaddiyada Somaliland ee gooni-isu-taaga iyo madaxbanaani inaynu xaq u leenahay oo Somaliland noqoto wadan caalamka ka mid ah, hadda garo’oo C/casiis waa nin dhalinyaro ah.

Waxaa taa ii raaca in wasiirka Madaxtooyada JSL mudane Xirsi uu meel mariyey xirgalinta guulo waawayn oo dalku gaadhay oo ay ugu horayso DHISMAHA JIDKA DHEER EE CEERIGAABO, taas oo meel aad u fiican maraysay, hada garo’oo xirsina waa nin dhalinyaro ah.

Waxaa taa ii raaca, aniga qudhaydu in aan guulo badan oo horumar leh gaadhsiiyey dalka, waxaan ka shaqeeyey hawlo badan oo aanay cidi ii dirin oo aan u arkayey inay faa’iido u horseedi karaan mujtamaca SL iyo dalkaba, waxaa taa ka sii daran in dad badani oo waliba madaxi ku jirto I carqaladeeyeen oo dhibaato igu noqdeen, balse aan samir iyo dulqaad aan ku dhaafay, hada garo’oo waxaan ahay nin dhalinyaro ah.

Waxaa taa ii raaca, in dhalinyaradu guulo badan ka soo hoysay horumarinta dalkan, oo tusaale ahaan ninba ninka uu ka da’yar yahay ka guulo iyo horumar fiican yahay waliba waa inta xilka inoo haysaye, sidaa daraadeed haddii xilka dhalinyaro lagu wareejin lahaa waxaan filayaa in aqoonsi caalami ah aynu heli lahayn, waayo hal safar oo nin dhalinyaro ahi baxay oo qaddiyada Somaliland qoladii uu kala hadlay soo ogolaatay baynu aragnaa ee bal ka waran haddii intaa in kabadan ay dhalinyaradu heli lahaayeen, hadaba waxaa la gaadhay waqtigii xilka iyo talada dalka lagu wareejin lahaa.

Dhinaca kale dhalinyaradu waxaan u soo jeedinayaa inay xoogooda aqoonsadaan oo tiradooda aqoonsadaan waa dadka ugu tirada badan ee dalka ku nool oo codadka ugu badan bixiya xiliga doorashooyinka ee iyagu ha isu codeeyaan oo ha isa soo saaraan, waayo waxaa layidhi "nin aan shaqaysani shaah ma cabbo”… aynu shaqaysano oo cududeena muujino.

 

Waxaa kale oo aan ka codsanayaa odayaasha sharafta leh inay gaadheen xiligii ay iska nasan lahaayeen oo carruurtiina u tudhi lahaydeen kana dayn lahaydeen takoorka siyaasadeed ee u aqoonsan lahaydeen DHALINYARTA inay noqdaan MADAXDA MAANTA.

Anaguna waxaan idiin balan qaadaynaa inaad ku noolaataan nolol tan ka fiican oo daganaan iyo nasasho badani ku jirto, oo u qalanta abaalkii aad noo gasheen ee soo barbaarinta iyo korinta iyo waxbarasho gaynta ahayd.

 

Cabdillahi Adam Caabi

Jaamici442@gmail.com