Maanso Cusub Burco yaa kugeeyoo Baarkii cigaal yaa kuugu tuma baloolay By Abwan/Sxfi/Qoraa Dahir Ismacil Warsame(suldan)

0
Saturday April 05, 2014 - 19:05:08 in by Super Admin
  • Visits: 1371
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maanso Cusub Burco yaa kugeeyoo Baarkii cigaal yaa kuugu tuma baloolay By Abwan/Sxfi/Qoraa Dahir Ismacil Warsame(suldan)

    Biligaaga inanyahay quruxdiyo Bidhaantiyo Bilicdiyo hanaankaad Bilistiyo asaaga dheertahay barbaartee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Biligaaga inanyahay quruxdiyo Bidhaantiyo Bilicdiyo hanaankaad Bilistiyo asaaga dheertahay barbaartee

 


Maanso Cusub Burco yaa kugeeyoo Baarkii cigaal yaa kuugu tuma baloolay By Abwan/Sxfi/Qoraa Dahir Ismacil Warsame(suldan)

 

Biligaaga inanyahay

quruxdiyo Bidhaantiyo

Bilicdiyo hanaankaad

Bilistiyo asaaga

dheertahay barbaartee

Indho sida biciid ka ah

sanqaroor Badh foooraro

suuniyaha Bil dhalatiyo

ilko dhagax baruuriyo

Qoortani tabtii Geri

Cambaadhyuhu bireeyeen

qosolkiyo bashaashniyo

Bahjadtaad u dhalataa

Qalbigiyo Bogaygiyo

Beerkayga Qaadee

Burco yaa kugeeyoo

Baarkii cigaal yaa

kuugu tuma baloolay

Barbaartii Fankeeniyo

xidigaha u baaqoo

baaxaa deg heesaha

hadba bayt ku laacdama

barcuud wacan cagaaray

kaaga rida buluulaydh

goodiga bancawl iyo

dhaqoshay kusoo bara

Dalxiis Buurti Wagareed

Kugu geeya Balanbaal

Hirka dooxa beereed

Wan hubaa barwaaqada

xasuus aan ba ayniyo

inad qaadi baholyow

aan abidki kaa bi in



 

 

By Abwan/Sxfi/Qoraa Dahir Ismacil Warsame(suldan)