Maansadii fariin caashaq 1986 mandheera abwaan maxamed yasiin

0
Thursday May 14, 2015 - 08:14:57 in by salman abdi
  • Visits: 2779
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maansadii fariin caashaq 1986 mandheera abwaan maxamed yasiin

    baashaha dhaqaaqee baabuurka fuulow saaxiib bidhaan wacan beerkiyo wadnaha taal oo aanan bilo arag adaa boos metelayee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

baashaha dhaqaaqee baabuurka fuulow saaxiib bidhaan wacan beerkiyo wadnaha taal oo aanan bilo arag adaa boos metelayee
warqadaydan bilicda leh
boqshadaysan sii qaad
waanan kula balamayaa
abdaal midigta uga baydh
rabi belada kaa dhowr
baaxad soore kaa eeg
baalaha wadada dheer
bisinkiyo quraankiyo
burdahaan ku raacshoo
belo kaaga nabad dhigay
baahi iyo haraad iyo
bacardaadna kuma dhibo
berbera u sii hoyo
beertii jacaylkiyo
batalaale saaxiib
boodhari hogiisii
sii booqo caashaqu
waatuu bireeyuu
bud dhiguu halaagee
alxamdida u sii badi
iyo baraha yaasiin
barqadiina ka huleel
buurta shiikh ka nabadgala
kolkay baadashaadiyo
indhihii basaasnaa
baradii togdheer iyo
bilicsamida dheehdaan
baabuurku saaxiib
burcoweyn ku geeyee
aad biriishka dhaaftaan
adoon binada daalood
baxrasaafka dhaadheer
ku heeraaran baalaha
bangiga iyo nasiye tegin
amaad beegsan siigiyo
barxadii gabooyoo
ku baashaalin raadsade
dixda baalaheediyo
toga badha magaalada
adoon bilicdadaymada
ugu bogin damaashaad
bariidadad xaqa ahayd
ugu baydhin garashada
oon bixin dirayskoon
baytkadhigan alaabada
beegso taan jeclaayoo
baarkii cawaaliyo
agagaarkaboon iyo
beesha ina qulunbey
baxsan ay ku nooshee
bilan waxaad tidhaahdaa
kii dartaa u baydaday
garoon baaxad waynbaan
dhanka bidix ka raacaa
ma xasuusto barashada
buntuqiyo rasaastoo
barbaartaan la noolahay
bulshadaan dhex joogaa
garte boogtaan yeeshiyo
baaxaa degaygoo
waxay igu bogaadshaan
igu biiriyaan talo
yaan jacal ku baabine
naftan babaca ka ogow
ha ka tuurin booraan
bohol dheerna how qodin
inta aadan buruciyo
bowdada ka kala jabin
biixiyuhu ku kala dhicin
is badbaadi waa talo
beri aad u aydide
wax kastooy ku baaqaan
ama ay bariidiyo
baaq iigu sheegaan
ama ay bidhaan iyo
barkhad ila jeclaadaan
bu daa diida dhegehee
ma ogtahay bureeqaay
inaan weli bilkeed ahay
in qalbigu burqanayoo
boos aad ku leedahay
balse kaama jarin weli
bedenkaad ku taaloo
beerkiyo wadnaha iyo
bogaa keli ku tebayoo
awgaa bukaan iyo
waxaan ahay mariil baán
oo badbaadintaadiyo
baantaada sugayee
webiyada burqanayiyo
badan caashaq een galay
iiga baaq aduunbaa
ibaxnaanin karayee....................... ..............abwaan maxamed yasiin