Dhaqan aan dhoofin! W/Q: Cali Cabdi Coomay

0
Wednesday April 09, 2014 - 18:24:39 in by Super Admin
  • Visits: 1220
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhaqan aan dhoofin! W/Q: Cali Cabdi Coomay

    Wuxuu xidhan yahay surwaal aad moodo in loogu talogalay toban jirka, oo labada lugood laga dhigay laba miiq.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wuxuu xidhan yahay surwaal aad moodo in loogu talogalay toban jirka, oo labada lugood laga dhigay laba miiq.


Garan ku dhagan oo jidhiisu ka muuqdo ayuu ka dul gashan yahay. Muraayad u eeg kuwa cimriga oo balaadhana wuu gashan yahay, timaha labada dhinac ayaa laga gaagaabiyey, inta sare waa raamo loo eekaysiiyey odaygii heesi jiray ee rastafeeriyaanka ahaa (Bob Marly). Laba kabood oo aan loogu talogelin baalash ayuu xidhan yahay.

 

 

 

Markuu fadhiisanayo waxa muuqata qaybta sare ee dabada, oo garanka iyo surwaalka ayaan isku dhawayn. Dadku waxay ku murmaan, wuxuu ka yimid qurbaha?, maya weligii muu tegin, laakiin qaar ka yimid ayuu la daaqaa, oo haddaa muxuu sidan ugu lebistaa?, dee wuu jeclaaday, hablahana wuu ku beerlaxawsadaa, oo halkaasi khatar weyn ayaa ka soo socota?, oo xaawalay badan ayuu aakhiro u dhaadhicin. Allow sahal amuuraha.

Intay laba hablood ka soo horbaxeen, ayuu side daa’uuska isu-jajabiyey, markaasay yaab iyo amakaag afka gacanta saareen. Socodkiisu waa kuurkuursi aad moodo inuu dhawr jeer adhaxda ka jabay. Oo muxuu la kuurkuursanayaa?. Waa xaragada cusub ee wakhtigan . haa waan gartay, waan fahmi la’aa beryahan oo da’yar badan ayaan ku arkay kuurkuusi.

Wakhtiga uu ku lebistaa waa ugu yaraan saddex saacadood. Markuu raacayo cid ka mid ah qoyskiisa, guriga hore ugama soo baxo. Oo ma caruurbuu iska reebayaa sowkan raagay? Maya dharkiibuu xidhinayaa. Oo dhar badanaa ma islaan boqol jiraa? Aflagaadadu ma fiicana waa wiil yar oo da’dii xaragada jooga.

Markuu suuqa marayo wuxuu ka talaabsadaa sinta bidix, ka dib tuur aanu lahayn ayuu isu-yeelaa. Nin waayeel ahaa, ayaa isagoo yaaban dib u jaleecay, markaasu si hoose oo xan ah u yidhi” alla ku doori, waar muxuu ahaa”?.

Qofkan sillooni. Socodkiisan iyo dharkan uu xidhan yahay ayuu aaminsan inuu ku helayo milgo, maamuus iyo qadaran. Oo dhaqan shisheeye ma faan baa?. Dadka qaarkii faan bay u haystaan iyo ilbaxnimo. Oo maxay dhaqankooda ugu faani la’yihiin?. Waxay u haystaan inay dib-u-dhac tahay. Wajigiin gubay. Bal siday u fikirayaan eega. Wallee kuwaasi ayaan meel dheer gaadhin. Iga daa marooradilaacooda, markaan ku arko suuqa ayaan cidhif uga leexdaa.






Cali cabdi coomay
Suxufi, qoraa ah.
B.A in Journalism
Hargaysa, somaliland
calicoomay@hotmail.com